Dhambaal Tacsi ah oo uu diraayo Mustashaar Axmed Carwo, geerida Marxuum Ibraahim Maxamed I Cigaal

 



Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Am aal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xito iyo xigaal Marxuumka Ibraahim Maxamed Ibraahim Cigaal.
Marxuum Ibraahim waxa iigu horreysay aasaaskii SNM 1981 iyo London; waxuu ahaa nin yar oo aad ula socday dhacdooyinkii foosha xumaa ee abuuray halganka. Nin af tahan ah oo si qoto dheer u bartay afka Ingiriska.

Waxaa isaga iyo walaaladii reer Somaliland ku qiimeeyaan sida ay uga maqnaayeen awood shee gashada wiilasha Afrika ee aabahood madaxda yihiin looga bartay. Waana sunnaha ay jeexeen ee Ilmo Madaxweyne Riyaale iyo Ilmo Madaxweyne Siilaanyo raaceen.
Marxuum Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa lagu aasay Jimce 07/10/2016 caasimadda Hargey sa.
Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duc

Mustashaar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha JSL ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

samotalis@gmail.com