DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM SULDAAN JAAMAC CISMAAN AADAN

 

 


Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday 04/03/2017 Dalka Jabuuti.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ahaa suldaan ummadda u dhex ah oo horumarka dadkiisa iyo dalkiisaba, ka horumariya arrimaha kale, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo nabad kuwada nolanshaha beelaha Somaliland.

Suldaan Jaamac waxaan ku bartay arrimo badan oo xasaasi ah, sida uu marwalba u agtaagnaa xaqqa iyo sida degan ee uu ku talin jiray. Marxalado badan ayuu beesha ku hoggaamiyey go'aamo waxtar u leh midnimada iyo wadajirka guud. Waxuu ahaa nin aad u afgaaban, muumin aan cidna dhibin.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco.


Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maal gashiga

samotalis@gmail.com

00252 424 2077


http://samotalis.blogspot.com/