DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN MAXAMUUD JAAMAC

 



Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xito iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaski isa Kaltuum Xaaji Axmed Ildab iyo ubadkiisa degan UK.

Marxuum Xasan waxuu ahaa macalin debed iyo gudaba Somali iyo Ajanabiba wax baray. Wax aanu muddo dheer wada joognay qurbaha, Jubail, Sacuudiga oo uu Macalin ka ahaa dugsi far samo, iyo magaalada Cardiif, U.K oo aanu ka ahyn odayada iyo kolkaannu nimid oon u ahay n dhalinyaro.

Marxuum Xasan waxuu ahaa nin aad u af gaaban, cibaado badan oo ku xidhin masaajidda me el uu joogaba. Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto naxariistii uu u fidin jirtay ehel iyo islaamba.

Xasan Maxaamuud Jaamac waxa lagu aasay maanta Salaasa 27/09/2016 xabaalaha Naaso Hablood ee caasimadda Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.
 

 

 


Axmed Xasan Carwo