DHAMBAAL.Qormadii 18aad

 



Faras Qiimihiisii Qurux buu ku Doorsaday. Waxaa maanta uu soo af jaray Jamal Cali Xuseen hankiisii siyaasadeed ee Mustaqalka hogaanka dalkeen. Ka marki uu dib ugu noqday nidaamkii hab beeleedka ee aynu Ka soo gudubnay. Dhamaan shacabka jamhuuriyada Somaliland waxay is weydiinayaan magac uu siyaasada ku soo galay ee Aqoonyahan Jamal, waxa Ka degi waayay beel nimada uu ku dhawaaqay Muuse Biixi geela iskugu kaaya jira.Waxa uu daadafeeyay dhegahan ka furay stay talooyinkii ay u soo jeediyeen taageerayaashii sida Togan u fikeayay. Jamal wuxuu ku sababeeyay gelidiisa kulmiye in Dr Gaboose uu la heshiiyay Gudoomiye Ciro. Jamal Waxaad moogaan tahay in Dr.Gaboose ururkii sii uu ku hadhay tartan kii ururada, markii u eegay labada xisbi ee kale waxaad la socotaa inay hore isku seegeen Isla markaasna uu iska casilay xilkii wasiir nimo . Ucid na aanu geli karin hab dhaqanka Ucid Iyo Xisbiga oo ahaa mid Dhulka yaalay Wuxuu yidhi Dr Gaboose dimuquraadiyadii Somaliland xabaalaha Malka Durduro ayaa lagu Aasay.Maanta ayaad xaqiijisay Adiguna. Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudomiyaha Golaha Guurtida oday Saleban ayaad is barbar dhigtay . Waxaan kuu sheegayaa Siilaanyo Madaxweyne ayuu doonaya saleebaan xil culus ayuu haystay. Sidaas darteed ayuu heshiiskoodu u suurta galay . Ee adigu waxaad si badheedha ah u sheegtay in aad Reernimo ku raacday Aqoontaadiin Waxaa hafiyay caadifada qabilka. Waxaad Ka xuubsiibatay siyaasadii waxaad noqotay nin ku wacad furay Dhamaan odayaashii , saraakiishi Iyo siyaadiyo intii kula soo halgamay Xaal ayaan siinayaa madaxdii talada tusaa laha Iyo fikirkagab kula garab taagnaa hadh Iyo habeen Sidoo kale Waxaa mahad naq mudan tageerayaashii ku soo biiray Bahweynta Xisbiga Waddani . Waxaan si gaara u xaal marinay Cabdirashid Xasan mataan Maqaalkaygan ka Kama wado Maxaad Waddani ugu biiri weyday ? Wuxuu daaran yahay DHAMBAAL kani Mustaqalka siyaasadeed ee Jamal Cali xuseen oo uu Ka cusub siibtay.( gabaygayhan Kama wado guuleed la talintii gabal dhacay Ka hadalkii. Hada galabta sheekada Waxaan uga Dan leeyahay samihiyo is garabsiga beri yaan la gees Mari).

 

Mataan M Omar Xoghayaha warbaahinta Waddani UK.