“Dhamaan dadka Dalka sharci darada ku jooga waa laga saaraya cid sharcigu xaraan ka yahay ma jirto“ Taliyaha Laanta Socdaalka
 

 

 


Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed cali Yuusuf ayaa ku shaaca ka qaaday dalka.........

Hargeysa (TNN) - Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed cali Yuusuf ayaa ku shaaca ka qaaday dalka laga saari doono dhamaan dadka Ajnabiga ah ee sida sharci darada ugu soo talaabay xuduudaha Somaliland .

Taliyaha oo maanta u waramayay Telefiishanka Horn Cable Tv ayaa sheegay in dadkan la saaro doono dhawaan,iyada oo ay socdaan hawlgalo lagu ogaanayo shisheeyaha aan haysan sharciga Somaliland ee ku sugan Magaalooyinka .

Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Wasaarada arrimaha gudaha maraheeda siyaasadeed ayuu ahaa marka hore in dalka laga saaro dadka aan muwaadidiinta ahayn , hawshiina sidii ayuun bay u taallaa , dhammaana dad dalka sharci darada ku jooga waa laga saarayaa”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Kolba awood day taagan tahay, shalay baa dambaysay waxa aanu dib ugu masaafurinay dad ETHIOPIA. cid uu sharcigu xaraan ka yahay ma jirto madax iyo mijo waa siman yahay: ayuu yidhi Maxamed Cali Yuusuf.
Waxa uu sheegaya taliyaha waaxda socdaalku in la kordhiyay xafiisyada socdaalka si looga hortago dad sida sharci darada wadanka ugu soo qulqulaya .
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland