DHAMMAYSTIRKA JAABTA: NINKA DUURXULKA KU YIDHI :"RAG WAAWEYN OO MIMBARADA FADHIYA.."

 

Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland



Qormadani waa dhammaystirkii jawaabta u ahaa weerarkii Wasiirka Duulista Hawadu Md. Maxa muud Xaashi ku ekeeysiiyey Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka. Wada Tashiga iyo toosintu waa tilmaan uu gaar ahaa ugu sifoobay Qaranka Somaliland; talo wadaaga iyo isu-ta naasulku waa toobiyaha inoo surto geliyey in aynu dhidibada u taagno qaran astaamihii dowlad nimo u dhanyihiin oo taabo galay, waana ta beesha caalamku inoo qirtay in aynu kaga duwann ahay dalkii haligmay ee la odhan Jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wada tashiga Diinteena suuban ayaa jideysey, sidaa darteed ayaa hoggaanka ummadda waxa waajib ku ah in u dhegeysto talada iyo nasteexada loo soo jeeda. Didmo iyo dareen cadho leh in laga muujiyo midna ma quman, waxase haboon in hadba wixi danta ummaddu ku jirto laga ho r mariyo tu shakhsi iyo tu xisbiba. Weerar af ah iyo fal-celin midho dhalinmaayaan. Xalku wuxu ku jiraa in toos loo lafa guro qodobada lix iyo tobanka ee Hoggaanka Madasha Wada Tashigu soo bandhigeen. Ummaddu hoggaankii Dalka waxa u igmatay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-Xigeen; Distoorkeenan meelna kakama jiro manasab lagu magacaabo Ra'iisul Wasaare ama Wasiir Koowaad!

Nabad geliyada iyo xasiloonida dalka ka hana qaaday taabo gelinteeda waxa kow ka ah ammaa nteedan iska leh shacbiwyenaha reer Somaliland ee hadh iyo habeenba us soo jeeda een ciddii carqaladaynaysa marnaba u dulqaadanayn. Haddaan shacbigu heegan ahayn xukuumaddu keli ahaanteed waxba sugteen.

Sacaadat-ul Wasiir , yaa saaxib ul-nucuut-il marmuuqah

Maanta adiga ayaa haya haanedkii Mandeeq, ninkii heemiya iyo ka maatida u hambeeyaba ta ariikhda ayaa ka markhaati furi. Waa sida wasiirku sheegay meeshu waa Afrika, dalkuna waa Somaliland, dadkuna waa dadkiisii, xilguse maha zamankii wax qarsoomayaan. Maandeeqna da mbarkeedu waa macaanyahay siduu u sifeeyey nin carbeed waxabad moodaa tuu tilmaamayay in tubteedii xukuumadda Kulmiye maanta halabsatay. Ninkii Carbeed isagu gedgedoonka adduu nyada la yaaban ayaa wuxu yidi:

Haadi dunyaa adaaqatnaa afaawiiqan istaxleynaahaa
Fa mulixa cadbihaa, wa khashina liinuha, fa rakalatnaa muwliyatan.
"Adduunyooy intaad na dhadhansiisyey marka yaal gimgiman
Ayuumbuu mar qudha macaankaagii miilixoobay, qalqalooc
iyo qallafsanaan; hirdi iyo harratina sii jeed nagu huwis.
"

Waa tiro sagaalaad oo ma tobnowdo abidkeed. Sunnaha dowladnimona hal-beegiiso wa laba weji: Waxqabad iyo Waxqabad la'aan oo ah hilikan dhaliisha Md. Maxamuud Xaashi ka gubtah anyoonayo. Xiliguna waa gabaabisi oo mudadii laba sannadoo ayaa ka hadhay; xisaabtan iyo daba galna waa ina daanweyne e' dulqaadkeeda ha la yeesho.

Sacaadat-ul Wasiir, Yaa Jawaabdaar ul Xukuumah,

Dhowr Sua'aalood oo u baahan in jawaab ummadda qancisa laga bixiyo:


Ta u horeysa waxaynu wasiir Maxamuud Xaashi ka sugeynaa sharciyadda heshiiskii u dambee yey ee xukuumadu la gashay Soomaaliya ee la xidhiidha maamulka hawda dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya ee sheegaya in xarunta maamulka hawadu noqonayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Waxa wasiirka laga sugayaa sida heshiiskaa loo waafajinayo Distoorka Somaliland Qodobo ka mid ah; iyo sido kale sida uu heshiisku uga suurta geleyo dhinac Hay'ad da Caalamiga ah Duulimaayada Medeniga ah; xeerka hay'addaasi oo ka mid ah keydka qawaaniinta dunida ee Qaramada Midoobay maamusha.

Su'aasha labaad ayaa iyan la xidhiidha tan hore. Waxa jirta muddo hore in muwaadin reer Som aliland ah oo aqoon u leh arrimaha la xidhiidha maamulka duulimaayado in uu socdaal ku tegey dalka Kenya si uu ugala xaajoodo ciddi gacanta ku haysay maamulka hawada dalkii la odhan ji rey Soomaaliya in aynu helno qaybtii aynu ku lahayn daqaalaha laga ururiyey diyaaradaha dul mara hawada Soomaaliya. Waxa la xaqiijiyey in nin dhalashadiisu Kenyaati tahay muddo dheer qandaraas ku heystey hantidaa Soomaaliyeed. Waxa dhacday in muwaadinkaa reer Somaliland ku sigtayba in lagu khaaraji Nairobi ka dibna inuu goor habeen ah naftiisii la soo firxaday. Wasiir Maxamuud bal hadda arrintaa wixi uu ka qabtay ummmadda ha u sheego.

Mar walba wasiir Maxamuud ha ogsoonaado qalinkii iyo dabalkii uu ku samyn jirey heybta shaq aalaha wasaarada xiligii xukuumaddii Marxuum Muxamed Xaaji Ibrahim Cigaal in aanu sinaba ug a badbaadayn. Waa taariikh sugan oo inoogu jirta keydka sooyaalka.


 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

August 22, 2013.