Dhanbaal Hanbalyo Oo ku socda shacbiga degan magaalada Tog-Wajaale

Anigoo ku hadlaya magacayga Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine) , deganna carriga Ingiriiska,una dhashay magaalada Tog-Wajaale,waxaan marka hore salaan sharaf iyo qadarinba mudan u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland, meel kast oo ay joogaanbba.

Anigoo fursaddan ka faaideysanaya , waxaan mahadnaq iyo salaan u dirayaa dh ammaan  saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland,oo runtii qayb laxad leh ka qa data ilaalinta  sharafta iyo karaamada dalkeenna.

Haddaan u gudbo dulucda qoraalkaygan,waxaan Hanbalyo iyo Taageeraba u  dira yaa  dadweynaha degan Tog-wajaale , ee ka dhiidhiyey fool xumooyinka iyo xeela daha  uu adeegsado,maamulka usha boocda ku tukubaya,kuna jira maalmihiisii u danbeeyey, kuna fashilmay dhaartii iyo ammaanadii ay umaddu u dhiibatay.

Anigoo ka trisan xisbiga Kulmiye,milgo iyo sharafna u haya dhammaan  taageeray aasha iyo  Guddomiyahaba, Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo,waxaan aad ugu diirsaday geesinimada ay dareenkooda ku muujiyeen taageerayaasha xisbiga Kul miye,tuseenna sida aanay raali uga ahayn Riyaale iyo kuwa degaanka ka soo jee da ee baal maray rabitaanka ummadoodii , una adeegaya danahooda gaarka ah, h ungurina ku doorsaday sharaftii iyo wadaninimadii, magac xumana u soo jiiday da dka sharafta leh ee degaanka ku nool.

Maahmaah Somaliyeed baa u hore u tidhi, "Nin soori kaa qaaday,waa nin seefi kaa qaaday,"taana waxaa maanta ka dhigan,kuwa maanta Riyaale u raadinaya  taage ero ,iyagoo ay dhex joogaan ,una muuqato ,dhibta uu maamulka Riyaale umaddan baday,waa nasiib darro iyo af kala qaad.

Runtii aad bay ii damqaysa,waana wax ninkii inuun damiir wadani nimo iyo garasho bani aadanimo ku hadhay , garan karo halka xaalku marayo maanta,umana  baah na inaan halkan ka sheego dhibaatooyinkaas , waana mid ay ka siman yihiin  shacb iga Somaliland,haddii aan laga hor taginna,Somaliland meel dheer baa laga raadin.

Akhristaw bal aan ku weydiiyee,umaddan ilihii dhaqaalaha laga baabiiyey,biyo la'a anta iyo darxumada la silcaysaa,dhalin yartii rajo xumo uga tahriibayso, dekadah oodii la curyaamiyey,xoolahoodii ajanabi loo xidhay,caga juglayn,car juuq dheh iyo xadhig dhameysteen, maxaa la gudboon ?.

Jawaabta adaan kuu dhaafi,se aan tusaalana kuugu daro.Waxaa la xaqiijiyey in isu soo baxii Tog-wajaale ka dhacay,dad badan  xoriyadoodii laga qaaday, oo ay ku jiraan hooyooyin UMUL ah ,oo caanihii ilamahooda siin lahaayeen ka da'ayo, loo dhoofiyeyna  saldhiga dhexe ee  magaalada Gabiley !!!!!

Marnaba kumaan seexan,Somaliland ayaa dadkii naf iyo maalbba u soo huray, ay mar labaad  arxan darradaa loo geysan.Waxaan kula dardaarmayaa shacbiga Tog-wajaale iyo dhamaan shacbiga Somalilandba , inay iska dul qaadaan dulmiga lagu hayo,ilaahoodana ka baryaan inay helaan xukun caadil ah oo ay xaqooda mu waadinimo ka helaan.

Waxaan mar labaad leeyahay , Hanbalyo Tog-wajaale,iskana ilaaliya xeeladaha ay adeegsanayaan damiir laawayaasha degaanka u dhashay ee maamulka gabal kiisii dhacay taageerada u raadinaya.

Waxaan idinku dhaafayaa dhammanba akhristayaashiina sharfta leh, heestan wa daniga ah ee magaceeds la yidhaa Naftii Hure:

 

 

Waxaan ahay naftii hure
Neecaw qabaw iyo
Nimco iyo barwaaqiyo
Sabad lagu nagaadiyo
Noloshaba illoobee

******

Nacasaw gumeysigan
Nabarada qarsoon niyo
Nacaan iga hadhayn niyo
Igu reebay naafada
Nabad lama wadaagee

******

Nidar baan hore u maray
Niyadeydu waa meel
Haddii aanan soo noqon
Calankeyga nuurow
Allahayaw ku nabad geli

 

 

Aamiin  Aamiin  Aamiin

 

Mujaahid: Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birmingham  UK