Dhaqaalaha lagu dhisayo Jaamacada Timacade University Caaqil., Caaqil haloo qaybsado sidii dhaqanka inoo ahayd

 


 

Gobalka Gabilay waa gobalka kaliya ee aanay ka jirin nolasha adag ee reer guuraanimadu. Gabilay waa gobal beeraleeya oo ku dhaqma hab nololeedka casrigaa ee iskudhafka beeraha iyo xoolaha. Hab nololeedkan beeruhu wux uu fursad siiye caruurta gobalku inay helaan intooda badani waxbara shada aasaasigaa ee dugsiyada hoose iyo dhexe.

Sanad walba arday fara badan ayaa ka soo baxda dugsiyada sare ee gobalka, sidaa daraadeed waa lama huraan in Gabilay jaamacad yeelato, si ardayda gobalku fursad jaamacadeed uwada helaan. Gobalkuna horumar buuxa ayuu gaadhi,oo waxaynu wada ogsoonahay in dhalinyaradii reer Gabilay ee dhamaystay jaamacadaha Hargaysa iyo jaamacada Camuud ay maanta kaalin weyn oo muuqata kaga jiraan horumarinta gobalka.ururka Sedfo oo ay ku bahoobeen ardayda reer Gabilay ee dhigataa iyo kuwii dhamaystay jaamacadaha iyagaa iskood isku xilqaamay oo tabaruc wax ku bara ardayda gobalka xiliyada ay firaaqada heystaan.

Hadaba wadada ugu fudud ee lagu soo ururinkaro dhaqaalaha lagu dhisayo jaamacada Timacade University waa iyadoo la maro habkii dhaqanka u ahaa bulshoweynta Gabilay, waa in reer Gabilay caaqil, caaqil u qaybsadaan. Caaqil waliba isagaa guddi ka dhex magacaabi Jilibka uu caaqilka u yahay,qurbojooga reerka uu caaqilka u yahayna isagaa ku wargalinaya inay qaadhaanka iska soo ururiyaan. Caaqil walibana wuxuu ku wareejin doonaa maamulka Gabilay iyo ururka horomarinta Gabilay si ay jaamacada ugu dhisaan.

Haddii wadadan dhaqanka inoo ahayd la maro si fudud oo dhakhso badan baa jaamacada loo dhisi doonaa. Laakiin haddii la yiraa reer Gabilayow si guud u soo ururiya dhaaqaalaha jaamacada lagu dhisayo suurtogal maaha , waayo waxa laysku riixriixi oo waxa imanaya dhayalsi badan.

Hadaba gudoomiya gobalka Maxamed Axmed Aw Cabdi, gudoomiyaha golaha deegaanka Aadan muxumed Badde, suldaanka gobalka suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan sheekh muxumed iyo dhamaan caaqilada Gabilay ha qabteen shirweyne laga tashanayo dhaqaale ururinta jaamacada. Dhaqaalaha ku baxaya jaamacada, marka la qiimeeyo, qaadhaanka caaqil, caaqil ha loo qeybsado. Wadadani waatii ilaa 1960kii dhaqanka u ahayd reer Gabilay ee lagu dhisay dugsiyada iyo dhulka kale adeega bulshada.

Ugu danbayn reer Gabilayow haddii dhaqaalaheena iyo aqoonteena meel iskugu geyno gobalku si fudud buu horumar dhinac kastaa u gaadhi .Iskaashigu waa toobiyaha horomarka, ee aynu u guusno horumarinta gobalkeena sidii caadada inoo ahaayd.






Mukhtaar ibraahin fadan

Gabilay8@yahoo.com