WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa Wa reegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-2689/092014, ka soo saar ay kuna dhaqan geliyey Ilaalinta Deegaanka.

Wareegto Madaxweyne

Ku:Dhammaan Wasaaraddaha

Ku: Hay’addaha Madaxa-bannaan ee Dawladda

Ku: Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka

Ku: Dawladaha Hoose ee Dalka Xarumahooda

Ku: Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Ilaalinta Deegaanka

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhaw rka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:-

Markaan Arkay: Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee DastuurkaJamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo dhawrista khayraadka Dalka”;

Markaan Arkay: Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr.
4/98;

Markaan Helay: Qoraalka tallo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda
Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;

Markaan Dersay: Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda
ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo
daaqa;

Markaan Garawsaday: In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan
karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol
maalmeedka iyo qashinka warshadaha;

Markaan Tixgeliyey, Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay
baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka,
dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo
sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.

Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.

Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawlan. “

 


ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.