Dhaxal Sugaha Wadanka imaaraadka Carabta oo Kulan la yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland
 

 


Abu Dhabi (TNN)- Amiirka leh dhaxalka isla markaana ah Taliye Ku xigeenka ciidammadda qalab ka sida ee dalka Imaaraadka carabta Maxamed Binu Saa’id, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabile y weftigii uu Hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga wadankaasi.

Dhaxal sugaha Imaaraadka carabtu waxa uu weftiga Madaxweynaha ku bogaadiyay siday soc daalka ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu sheegay in wadankiisu ay niyadsamaan ku soo dhawaynayaan Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu uga waramay dawlada imaaraadka uga mahad celiyay soo dhawaynta balaadhan ee lagu qaabiley weftigiisa iyo kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyay dawlada Imaaraadka carabta mashaariicda kala duwa n ee ay balan –qaadeen inay ku saacidi doonaan bulshadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku booriyay dalka Imaaraadka carabta inay maal-gashi k ala duwan ku sameeyaan khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, taasi oo wax weyn ka tari d oonta dhaqaalaha Somaliland iyo sidii hoos loogu dhigi shaqo la’aanta. Geesta kalena waxa M adaxweyne Axmed Siilaanyo la kulmay Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Imaaraadka car abta.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxa uu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka h eleen dawlada wadanka Imaaraadka carabta, waxa lagu wadaa inay dalkaasi ku sii sugnaadaa n illaa maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysa.


Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, Wasiirrada Arrimaha dibada,madaxtooyadda, beeraha, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka mada xtooyada iyo Marwada koowaad ee Somaliland.

Source: Somaliland.Org