Dhega-weyne iyo Axmed Mirre Oo Kulan La Yeeshay Aqoon yahanka ,Wax-garadka BUUHOODLE iyo SOOL

 



London(TNN)-Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen [Dhega-weyne] oo uu weheliyo Mujaahid Axmed Mirre,ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada London siyaasiyiin, aqoon-yahan iyo wax-garadka deegaanada Sool iyo Buuhoodle ee ku dhaqan cariga Ingiriiska. Ma jiro wax wara oo ka soo baxay kulankaas.


Haseyeeshee, sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo u dhuun dalool oo ku sugan Magaalada Lon don, u jeedada kulankan labada masuul la yeesheen dadka deegaanka Sool iyo Buuhoodle, ayaa wa xa u jeedadiisu ahayd sidii la isugu soo dhowayn lahaa dadweynaha deegaanadaa ku dhaqan iyo ku wa kale ee gobollada kale ee Somaliland.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in kulankani uu ka dhashay gogol labada Mujaahid u fidiyeen aqoon-yahanka iyo wax-garadka dega Buuhoodle iyo Sool, kaasoo u jeedadiisa lagu tilmaamay inuu ahaa qorshe Mujaahidiintu ay ku rabaan in xal waara loogu helo mashaqooyinka soo noq-noqday ee u dh exeeya dadka deegaankaas iyo beelaha gobollada dhexe, gaar ahaan deegaanadii hore u taageeri jiray ururkii SNM.


Sidoo kale, waxa wararku intaa ku darayaan in dhinac-yadii kulanka ka qaybgalay ay si qoto-dheer isla rog-rogeen dhaqdhaqaaq-yada siyaasadeed iyo xaalada guud ee ka jirta deegaanada Buuhoodl e iyo Sool, iyadoo sida ilahaasi sheegeen labada Mujaahid ay garowshiyo ka muujiyeen qaybo ka mi da tabashooyinkii dhinaca kale, halka iyagu-na dhankooda u soo bandhigeen waxyaabo badan oo ay ka garaabeen siyaasiyiinta iyo wax-garadka deegaanada Sool iyo Buuhoodle. hase yeeshee ma jiro wax wara oo intaa dheer oo ka soo baxay kulankaas.

Dhinaca kale, labada Mujaahid oo iyagu muddooyinkan dambana si weyn isugu lamaanaa, ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn halka uu salka ku hayo isu soo dhowaashoodu. in kastoo ay jiraan faallooyin bad an oo ay dadku ka bixiyaan wadda jooga cusub ee labada Mujaahid, haddana ma jirto wax hadala oo ka soo baxay dhinacooda oo si cad daboolka uga qaadaya u jeedada damacooda fog iyo kan hadda mid-na.

YOOL