KULAN LAGU DHEX-DHEXAADINAYAY LABADA GARAB EE KULMIYE OO LAGU GUULDARAYSTEY

 


Weriyaasha ku sugan magaalada Burco ayaa ku soo waramaya in wadahadalo saddex geesood ah ay qaban qaabiyeen salaadiin iyo odayaal beesha bariga Burco ay soo gebogeboobayn xalay
Wadahadaladaas oo min toddoba xubnood laga soo xulay labada kooxood (garabka hogaanka Kulmiye) iyo garabka ka soo horjeeda iyo 7 oday waxa lagaga wadahadlay siday wax u dhaceen iyo xalka suuragalka ah. Waxa noo suurtagashay inaanu khadka telefoonka kula xidhiidhno Sulub Jamac Cisman oo ka mid ah ergooyinka uga qaybgalay wadahadalada kooxda ka kacday shirkii Golaha Dhexe waxa uu noo sheegay in kooxda hogaanka xisbigu ay ku adkasatay in codbixintii dhacday 26 August ay ahayd mid sharci ah, halka kooxda kale ay ku adkaysteen in lagama maarmaan tahay in dib loogu noqdo shir kale oo Golaha Dhexe u dhan yahay.

Kooxda hogaanka xisbiga waxa hormood ka ahaa Guddoomiyaha Axmed Silanyo, waxana ku wehilnayey Moxamed Kaahin,Muuse Bixi Cabdi, Moxamed Cabdi Iskeerse, Moxamed Beergeel, Abdi Aw Dahir inta la magacaabay. Halka kooxda kalena ka koobnayd: Axmed Cali Cadami, Cabdiraxman Aw Cali, Ibrahim Dhaqaweyne, Moxamed Moxamoud Cumar Xaashi, Oday Dayr iyo Sulub Jamac iyo Dr. Cumar Dixood.


Waxay wararku intaa raaciyeen inay odayadii u garaabeen kooxda ka kacday shirkii golaha dhexe oo la sheegay inay dow leeyihiin, lana xaal mariyo.

Kooxda Axmed Silanyo waxay soo jeediyeen in dib raggu isugu soo noqdo balse aan waxbla laga bedeleen go’aankoodii ayse u diyaar yihiin wixii kale ee la wada qabsan karayo balanna qaaday inay diyaar u yihiin wixii kale ay ka qabsadaan.

Hase yeeshee waxa la sheegayaa in kooxda kale ee diidan sida uu qabsoomay shirkii golaha dhexe a ku adkaysteen i loo baahan yahay i la saxo dhammaan wixii khaldamay e la qiray taasna lagu helo karo shir kale o la qabto dibna loogu noqdo doorashooyinkii halkaa k dhacay.


Ka dib ismari waagaa ayey odayadi soo jeediyeen in bal dib la isugu noqdo mar kalena la isu yimaado berri 9ka subaxnimo iyada oo sida la sheegayo aanay muuqan xal u cuntami kara kooxaha ishaya.

 

 


Source:SN