Dhibaatada uu Qaadku ku hayo dalkeena

 


marka hore dhamaanba waxaan salaamayaa dadka reer somaliland meel walba oo ay joogaan waxaanan leeyahay ramadaan kariim .dhinaca kale maanta waxaan doonayaa inaan ka hadlo qodob aad u muhiim ah oo u baahan in laga hadlo kaas oo ah ( dhibaatada uu qaadku ku hayo dalkeena siiba dhalinta ) hadaba hadaad maanta indho indhayso oo aad dhex mushaaxdo dhamaanba magaalooyinka waawayn e somaliland gaar ahaan magaalada hargaysa waxaad arkaysaa oo aad markiiba indhaha qac ku siinaysaa dhalin aad iyo aad u da,yar ahna ubuxii dalka oo dhilanaaya ama cunaaya caleenta geedka cagaaran ee qaadka kaas oo faro baas ku haya dhamaanba bulsho waynta somaliland.

hadaba inakstoo ay jirto miisaananiyad aad iyo aad u balaadhan oo ka soo gasha qaadka dalka kaga yimaada xaga itoobiya ayaan hadana waxaan marnaba meesha ka maqnayn oo lama huraan ah dhibaatadiisa taas oo ku baahday ama biyo dhigtay dhamaanba quluubta iyo qalbiyada in badan
oo dhalin ah oo maanta hoos fadhiya kolay halkaasna kaga sheekaynaaya maanta maxay reer hebel  yidhaahdeen iyo waxaa ay lahaayeen taas oo ah mid aad iyo aad looga yaxyaxo markaad aragto  dhalinyaradii ka soo baxday dugsiyada sare oo dhamaanba eryanaaya calenta qaadka kana dhigtay
nolol maalmeed daruuri ah oo lama dhaafaan ah .


tusaale ... ahaan hadaad magaalada hargaysa dhex lugayso oo aad lugtaada maasho in cabaar ah waxaad arkaysaa meelo yar yar oo maqaaxiyo ah oo ay
hablo haystaan halkaas oo ay ku hayaan kolay jaad ah iyo maqaaxi jaad , in badan oo dhalinyaro ahina ay halkaas ka muuqato kuna seegeen dhamaanba danihii caadiga ahaa e ay umada uq aban layaaheen .

dhinaca kale waxaa iyaguna meesha marnaba aan ka maqnayn raga wax garadka ah kuwaas oo ruugaaya ama cunaaya caleenta qaadka se aan marnaba war u hayn maanta waxaa ay  ku suganyihiin xaasaskoodii iyo ciyaalkodii kuwaas oo ah qaar masuuliyad gaar ahi ay ka saarantahay  laakiin marnaba aan dhag u raaricin ama aan u dhigin arrinkaas , hadaa waxaa la sheegaa mararka qaar oo la yidhaahdaa waxaa jira rag aan kala aqoon caruurtooda waayo subax ayay ka baxeen haneena waa ay so howdaan just waxaa ay maqlaan uun qof ayaa kuu dhashay laakiin ma yidhaahdaan waa kuma laakin waa tuma ,

hadaba waxaa ayaan daro ah iyo wax aad loola yaabo inaynu maalin iyo habeenba dhex fadhino kolay qaad uu ka buuxo oo aynu kolba inyar iibsano , ku darsoo waxaa jira caafimaad daro aad iyo aad u baahsan oo ay sababaan iibinta qaadka waayo maanta dhibaadad ugu wayn ee ka jiraa magaalooyinka
waxaa ay tahay bacaha oo ah qaar aad halkaad martaba ku arkayso ishana ku dhufanayso taas oo ay ugu wacantahay markay kuwa qaadka ehelka u ahi ama ka agdhow ka dhameeyaan  qaadkooda ay si hagar la,aan ah ugu tuuraan halka ay markaas marayaan ama ay lugta ku hayaan  haday haday meel public ah iyo hadii kalaba .

hadaba waxaan odhan lahaa oo aan u soo jeedin lahaa dhalinta maanta joogta siiba inta qaadka dul fadhida , walaalayaal waxaa wanaagsanaan lahayd  inaad ku dhaqaaqdaanw axyaabo kale oo aakhiro iyoa duunlkaba idinka idin anfacaaya  meelna aad ku gaadhi kartaan , waayo waxaad tihiin masuuliyiintii birito , kana fogaadaan wax  walba oo dhaawacaaya idinka iyo bulshada aad ku dhex nooshihiinba ,

hadaba waxaan u soo jeedniyaaa dhamaanba inta ehelka u ah cunitaanka qaadka inay iska dhaafaan oo ay maamulaan ama maareeyaan qowsaskooda anay marnaba  warka u hayn iyo umada ay ku dhex nool yihiin oo intuba uga baahan waxyaabo badan  oo ay ku badalaan cinida qaadka ama ay kaga kaaftoomaan arinkaas aad ka u adag  ee maanta ay dhex dabaalanayaan dadkaasi ,
 

 



S.land guul for ever



eng mustafe cali jaamac

university utara malaysia
mustafecali10@hotmail.com