Dhiilada coladeed ee Ceel-Bardaale qiil ma looga dhigi karaa dib u dhaca doorashada ma daxtooyada Somaliland mar kale ?


Colaada mudada badan soo jiitamaysay ee ka taagan   dee ga anka ceel bardaale xalaada nabad galyo ee ay  Somalil and ku caano maashay hoos u dhaceeda kaalin intee leeg ayey ka qaadan kartaa marka loo eego xal u helid la’aanta xukumada Somaliland.

Dhiilada coladeed ee Ceel-Bardaale qiil ma looga dhigi karaa dib u dhaca doorashada madaxtooyada Somaliland mar kale?.


Xukumada Somaliland oo hada jiritaan keedu kor u dhaafay 17 sano ayaad  mo oday inay si weyn uga gaabisay wax ka qabashada dirirta u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha isla markaana isku deegaanka ah.

Shacabka reer Somaliland ayaad mooday hada in ay hada si weyn ugu  baraar ugeen dhibaatada ka taagan deegaankaas, waxaanay intooda badani eedeeda saarayaan xukumada Somaliland, halka ay dadka qaarna ku sifaynayaan  wakhi ti xaadirkan mid looga gol leeyahay wax qabasho la’aanteeda arin looga  faa’id aysanaayo dane kursi iyo doorashada oo wakhigeeda dib loo dhigaayo.



Hadaba inta ay xukumadu ka fikirayo dane kursi iyo arrimaha doorashooyinka ma laga yaaba in mar kale Somaliland nabad galyadeeda ay qaramada  midoob ay dib ugu rido god madaw isla markaana hoos ugu dhaadhico darajadaad  sha naad iyo lixaad waa hadii ay xaalada ceel bardaale sii kordho (Alle SWT hayn aga qaboojiyee).


Dabayaaqadii bishii October ayey ahayd markii hoos u dhac weyni uu ku yimid xaalada nabad galyo ee Somaliland, taasi oo ay dalka Somaliland ka dhaceen qaraxyo fool xumo iyo nusqaan ku reebay shacabiga Somaliland.

Hadaba hadii aan shacabiga reer Somaliland meel kasta ha joogaan su’aal u  so o badan dhigo, su’aashaas oo aan u arkay mid macquul ah waxa ay tahay


S. Xukumadu hadii ay xal u weyday isku soo dhawaynta walaalaha is haya, dha qaale ay ku kala kaxayso miyey weyday?


Sharaxaad


Su’aasha waxaan ka wadaa akhriste hadii ay xukumadu in badan ku guul  dara ystay in ay kala kaxayso dadka walaalah ee isku hayey deegaanka ceel  bard aale miyey u weyday dhaqaale ay ku kala furto oo ay beelba goonideeda si gaara ugala wareegto dhulka uguna badhasho lacag, dhulkaasna ay ka dhigto dhul qaran halka uu hada ka yahay dhul qabiilo.



Tus-mooyin Gaar ah


Xukumada jamhuuriyada Somaliland intii ay socotay dhiilada ceel bardaale  wax ay isku dayday inay albaabada u laabto war baahiyayaasha hada iyo jeer u  dh uun daloola helida wararka iyo soo gudbinta wararka ku saabsan arrimaha ka socda galbeedka Somaliland.

Sidoo kale waxay xukumadu heegaan ugu jirtaa sidii ay u tir tiri lahayd  xarum aha war bahineed ee sida gaarka loo leeyahay ee had iyo jeer baahiya  wara rka isku dheeli tiran een u jan jeedhin dhanka xukumada isla markaana aan baahin wararka xisbiga UDUB.

Xukumadu waxay caado ka dhigtay in ay ku soo gabato had iyo jeer wax kasta oo khal khal gelinaya geedi socodka iyo nabad galyada Somaliland, taasina waxay u samaysaa xukumadu in ay sii hayso talada dalka kuna sii fadhido  kursi ga madaxweynaha ku abuuray war warka isla markaana ilawsiiyey masiirkii u mada Somaliland.

Madaxweynaha iyo xukumadiisu waxay inta badan ku hawlan yihiin isku dayac-tirka hantida qaranka iyada oo aan loo aabo yeelan, waxaana laga masruufaa in ka badan 23 wasaaradood oo aanay intooda badan soo fadhiisan wasiirada iyo sawiiro ku xigeenadooduba.

Halka ay ku dul-man yihiin in ka badan toban kun oo askari kuna kala daadsan degmooyinka iyo jiidaha hore ee Somaliland hadh iyo babeena u heegan  difaa ca qaranka Somaliland.

Lacagta sida weyn loogu tiriyo madaxweynaha Somaliland waxaa ka mida  laca gta loo yaqaano leefiga ee ka soo xaroota dhoofka xoolaha Somaliland oo si  to osa u soo gasho madaxtooyada isla markaana aan soo marin wasaarada  ma  aliyada oo ku shaqo leh in lagu soo wareejiyo lacagta ka soo xaroota dhoofka xoolaha.

Intaas waxaa siyaado ku ah lacagaha ayeynaan ka war hayn meel la mariyo iyo sida ay u baxaan, hada dhaqaalahaas aynu kor ku soo sheegnay xukumadu miyey ku kala furan kari weyday labada beelood ee hada isku haya deegaanka ceel bardaale.




 

Qalinkii: Nimco Muxumed Ibraahin
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland