Dhismaha Jidka U Dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh Oo Maanta Si Rasmi ah Loo Bilaabay iyo Maamulka Cusub ee Hay,ada Dhismaha Wadooyinka oo Ka Hadley

 


 

Kalabeydh (TNN)-Dhismaha jidka Xidhiidhiya Tuulada Kalabeydh iyo Magaalada Xuduudeeda Tog-Wajaale oo Qiyaas ahaan isku jira Sidiid iyo Toban Kiiloo Mitir ilaa Labaatan Kiiloo Mitir isla markaa na, uu Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan dhagax dhigay dabayaaqadii Sanadkii tagey 2012ka ayaa maanta si rasmi ah loo Bilaabay Dhismaheeda.

Dhismaha Jidkan oo ay Bilowgiisa Maal galineyso Xukuumada Somaliland ayaa maanta waxa si ras mi ah uga hadley Maareeyaha Cusub ee Hay'ada Wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cusmaan oo Sheegay in ay maanta si rasmi ah u bilaabeen Dhismaha jidkan oo Madexweynuhu ku balan qaadey in ay Xukuumadu dhisi doonto iyadoo, dadweynaha iyo Gnacsatadana la kaashan doonta Dhisma ha Waxaana ka mid ahaa hadaladii Maareeyaha Cusub ee Hay,ada Wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan.

"Waxeynu maanta taaganahey Bilowgii ama himiladii iyo hamadii Madexweynaha Somaliland Made xweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) la bilaabo oo aheyd wadadaas lafdhabarta u ah dh aqaalka Wadanka dhameyso oo maruun la dhiso waxa layidhi calool adeyg waa ala Wehelkii waxa weeye calool adeyg ayaa lagu galey halkan in labaatankaa Km lagu dhameeyo hadii ilaahay yidhaa iyadoo leh Tayada Wadooyinka Caalamka laga dhiso ah oo lamid ah wadada dhinaca kale ka soo Gasha Wajaale insha allaahu bi idmi laahu kariim"Ayuu yidhi Maareeyaha Cusub ee Hay,ada Wadoo yinka Somaliland.

Waxa kale oo Isaguna halkaa baaq kooban uga jeediyay Dadweynaha mid kamid ah Masuuliyiinta Hay,ada Wadooyinka Somaliland oo sheegay in dadweynaha looga baahan yahey cidii wax ku dars aneysaa in ay kusoo darsadaan Dhismahan Cusub ee Wadada Xidhiidhisa Tog-Wajaale iyo Kalabeydh.

Waxa kale oo Isaguna halkaa hadal ka jeediyay Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degma da Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo Sheegay in ay ka Maamul Degmo ahaan ahaan ka Qeyb qaadan doonaan Dhismaha Jidkan Waxana kamid ahaa Hadalkii Xoghayaha D/hoose ee Gabiley.

"Waa Maalin farxad noo leh Waayo waa Bilowgii Dhismaha Wadadii iskun Xidhaysey Itoobiya iyo Somaliland iyadoo Muhiimad weyn u leh Xidhiidhka Ganacsi ee labada dal oo ah lafdhabar dhaqaale oo iyaga iyo inagaba (Itoobiya-Somaliland) wax weyn ugu filan anaguna ka maamul Degmo ahaan intii awoodayada ah Waanu ka Qeyb qaadaneynaa"Ayuu yidhi C/raxmaan Nuur Abokor Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley.

Guud ahaana Waxa maanta howshii Bilowga Dhismaha jidkaasi ka Qeyb qaadanayay Gaadiidka kala duwan ee Loogu tala galey Dhismaha jidkan sida cagafyada Waaweyn iyo Iska Rogooyinka Ciida u daabula waxaanay D/hoose ee Degmada Gabiley dajiyeen dhamaanba Howlawdeenada ka Qeyb qaadanaya Dhismahan Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh Madaarka Kalbeydh ee Cidhif ka Waqooyi kaga Beegan Tuulada Kalbeydh oo in mudo ah Xidhnaa.

Jidkan ayaa Sida laga Warqabo xudun u ah Isu socodka Gaadiidka Labada dal ee Somaliland iyo It oobiya iyadoo, marar badan Gaadiidka dalka Itoobiya ee u soo baqoolay Dhinaca Marsada Dekeda Berbera ay Dhibaato kala kulmi jireen Xiliyada Roobabku da,aan Jidka u dhexeeya Kalbeydh iyo Wa jaale islamarkaana dhibaato badan soo gaadhsiiyay Gaadiidka iskaga goosha labada dal iyo Maga alada Wajaale iyo Dalka intiisa kale maadama Kalbeydh wixii ka bilaabmaa ay yihiin jid laami ah.



Wariye C/raxmaan Nuux(hiiraan)
Timacade News Desk
Kalabaydh,Somaliland
Email:hiiraan2007@gmail.com