Dhismaha xukuumada kooban iyo caqabadaha
hortaagan
 

 


Marka hore waxan salaamayaa saxaafada madaxa banaan ee somaliland iyo guud aha anba hawlwadeenadooda marka xiga dadweynaha sharafta mudan ee reer somaliland ayaan usoo gudbinayaan salaan iyo hambalyoba

Sida laisku wada raacsanyahay ama guud ahaanba reer somaliland qabaan waxa uu  d alku ubaahanyahay dhisme xukuumad kooban oo tayo leh laguna soo xulo aqoon iyo  k arti oo kafayaw nidaam abiil iyo hab goboleed labadaba taasi oo uu hore uballan  qaad ay madaxweynaha ladoortay ee somaliland mudane.Axmed siilaanyo dhamaan  shaca bkii doortayna ay kasugayaan inuu kaga dhabeeyo ballan qaadkiisii

haddaba waxa taas barbar socoto nidaam beelaysi ah amaba gobolaysi oo ay  kudoon ayaan dhamaanba qoomiyadaha daga somaliland iyo goboladuba inay kawada  muuqda an dhismaha xukuumada cusub ee lasoo dhisayo, iyadoo ay dhici karto sidaynu horeba usoo aragnay in beeshii ama gobolkii muraayada iska dhex waayaa uu tabasho badan laimandoono


waxa kale oo iyana meesha kujirta xisbiga kulmiye waxa ku ururay siyaasiyiin badan oo wada qoodh ah oo mid walba ay kago,antahay rabitaankiisa ah in xilqaran loo  magaca abo maadaamo oo ay inbadan halgan dheer kusoo jireen, halgankoodiina guulaystay kuwaas oo iyaguna caqabad weyn kunoqon kara dhismaha xukuumad tiro yar oo tayo leh

sidoo kale waxaan iyaguna meesha Aan kamaqnayn rag badan oo xilal kasoo qabtay xukuumadda hadda xilka kasii dagaysa oo marka shaqada wasiirnimo laga eryo kusoo biiri jiray xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye si ay marlabaad uraadiyaan jaanis ay xilka ugu soo noqdaan kuwaas oo iyaguna dhinacooda raba inay kamid noqdaan dhismahan xukuumada cusub halka qaarkoodna heshiis lagula galay inay kamid noqon doonaan  xu  kuumada kulmiye soo dhisi doono marka uu talada dalka kuguulaysto wakhtiyadii  olol aha doorashada

Balhaddaba waxa jirta in madaxweynaha ladoortay uu magacaabay guddi qaran oo  aq oonyahano ah oo kasoo talo bixisa qaab dhismeedka xukuumada cusub kuwaas oo  laf ilayo inay dhawaan talan qaran kusoo celin doonaan madaxweyne Siilaanyo taasi oo ay dadweynuhu kudhursugayaan inay noqon doonto talo lagu liibaano oo qaranka  hor umar u horseedi karta haddiiba lasoo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh runtiina  kee ni karta in kalsoonida shacabka ay hoyaan madaxweyne siilaanyo iyo dawladiisaba ay sii laba jibaarmi doonto

ugu dambayntii waxan madaxweynaha ladoortay usoo jeedinayaa in aanay noqon  xuk uumadiisu yaa Reer hebel ah ee ay noqoto yaa wax qaban kara oo aqoonteeda leh  da dweynaha reer somaliland waxan leeyahay xukuumad tiro badan oo laga wada  muuq da xukuumad tiro yar oo aqoonta uun qaada ayaa ka qiime badan taas ayaana  horum arku kujiraaye hala ogaado



wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Qalinkii: Axmed Aw Cabdilaahi Khaliif