Dhoofka Soomaalida iyo Doodaha Taagan
 

 



 

Dhoofku beryahan dambe sida aynu ognahay wuu macna badan yahay, sida inta badan loo yaqaanana waa iyada oo dalka loo dhashay laga tago lana tago dal kale oo laga  sh aqaysan karo, wax laga kororsan karo, lana degganaan karo intii la doono. Kaasi waa dhoofka weyn, waxse jira dhoof kale oo muddo go’an ku siman, kaas oo noqon kara in loo baxo waxbarasho ama caafimaad ama dalxiis ama arrimahaas qaar ka mid ah oo la isku darayba.


Sida aynu wada og nahay dhoofku waa qayb ka mid ah socdaalka, waxana lagu baxaa habab kala duwan oo uu ka “tahriibka” loo yaqaannaa ugu halis badan yahay mararka qaarkood. Meesha uu doono ha ku socdee, labo siyood uun buu qofku bixitaan ugu  dh aqaaqi karaa: si sharci ah, iyo si aan sharci ahayn. Sida hore waa si’ toos ah, hase  ye eshee sida dambe ayaa marka tahriibna lagu daro dhib badan lagala kulmi karaa, oo  be ryahan dambe dadka isku daya in ay sidaa dambe yeelaan waxa mararka qaarkood lagula kaftamaa in ay “naftood hurayaal” yihiin!


Waxa jira laba erey oo ingiriisi ah kalana ah “migrant” iyo “immigrate”. Labadaa erey ka hore macnihiisu waa in socdaal dheer oo shaqo-raadsi ujeeddadiisu tahay la galo. Ka dambe oo kaa hore ka yara macne ballaadhanina waxa uu noqonayaa in dal shisheeye loo dhoofo iyada oo ujeeddadu tahay in si kama-dambays ah loogu noolaado. Dhoofka dadkeennu markaa labadaaba waa uu soo geli karaa.


Waa arrin jirta in ay soomaalidu weligeedba socdaallo dhaadheer oo magacyo kala  du wan leh geli jirtay. Marka taariikhda soomaalida dib loo eego waxa la ogaan karaa in waxa hadda “dhoofka” loo yaqaanno ay ka horreeyeen socdaallo dhaadheer oo  “haya an” loo aqoon jiray; kuwaas oo sida maanta dhoofku innala yahay si ka duwan la ahaa soomaalidii hore ee noolayd tusaale ahaan qarnigii 19-aad. Marka jihooyin kale loo socdaallaa waa ay ka duwannaayeen, waxase “hayaan” loo yaqaannay socdaalka inta hoos sida xeeb ama meelo ku dhow laga guuro kor iyo meelo fog-fog loo guuro.

Hayaankii xilliyo hore natiijadiisii waa in maanta la heli karo dad soomaali ah oo ku sii  dh aqan meelo ka mid ah Afrikada Bari. Abwaan Raage Ugaas Warfaa , Alle ha u  naxariist ee, oo ereyga “hayaan” tix uu lahaa ku daray waa kii lahaa:

“Ama beelo kaynaan ahoo kor u hayaamaaya”


Hayaankii sidaa ahaa waxa ku xigay socdaallo kale oo “dhoof” loo bixiyey; kuwaas oo  la gu tegey Cadan, Afrikada Bari iyo Dallalka Gacanka. Marba dunida meel baa la cammiraa oo wax lagu sheegaa, gedgeddoonka waayuhuna galabba waa cayn. Maanta abbaartu waa Yurubta Galbeed iyo Ameerikada Waqooyi - dhinacyada loo jeedo. Inkasta oo  soco dka soomaalidu uu ku socdo in uu noqdo sidii jid dhinac keliya uun ka furan (one way). Macnaha in xagga dibedda laga iman karo laguna noqon karo; xagga kale se ay ka-tegi stiisu adkaato!


Arrinta dhoofku waa mid caalami ah, oo meelo badan oo adduunka ka mid ah ayaa laga dhoofaa. Waxa loo dhoofaa shaqooyin, waxbarasho iyo hawlo kale oo waxtar leh. Dallal badan oo soo koraya sida India oo kale ayaa waxay dibedda u dhoofiyaan shaqaale  ba dan, waxana jiray qoraal soomaali ahaa oo aan xilli hore akhriyey oo aanan hadda wada xasuusnayn, kaas oo ay ku qornayd in Rajiv Gandhi uu xilligiisii shaqaalihii dalkiisa u dha shay ee dibedaha ku kala maqnaa ku tilmaamay in ay sida baanka (Bank) oo kale  ahaay een. Halkaa waxa loo qaadan karaa dadka dakhliga hela ee dibedaha ku kala maqan in ay dadyowgoodu taageero ahaan ku tiirsan karaan oo ay kolba wixii ay u yara  baahda an ee lacag ah sidii baanka oo kale kala bixi karaan. Laakiin qaar aan wax laga faa’idinna waa ay jiraan.


Soomaalida waxa ku dhacay dhibaatooyin, oo xasillooni-darro ayaa dallalkeeda qaar ka mid ah ka jirtay xilliyo hore ama imikaba meelaha qaar ka jirta. Markaa dalalka  soomaa lida haddii aynu kala qaadno, jamhuuriyadda Soomaaliland waa dal nabad ah Ilaahay  ma hadi ha gaadho e’. Dadkeedu waxay inta badan u dhoofaan sida ummadaha kaleba  sha qooyin, waxbarasho iyo waxyaalo horumarinta nolosha qayb ka ah sida ganacsiga oo kale. Soomaaliya iyana waa dal deris ah, hase yeeshee meelo badan oo ka mid ah waxa ka jirta xasillooni-darro. Xasillooni-darradaas ayaa in badan oo dadkeeda ka mid ah ku dirqida in ay tagaan dallalka kale ee nabadda ah si ay noloshooda u sii wadaan, shaqoo yin iyo waxyaalo kale oo lagama maarmaan u ah geeddi-socodka noloshana u helaan. Markaa guud ahaan soomaalida inta dhoofka ku hawlan in badan oo ka mid ahi layaab m alaha, oo waxyaalo badan oo arrintaa sababaya ayaa jira.


Faa’iido ayuu dhoofku yeelan karaa haddii qorshe iyo ujeeddo fiican lagu daro. Ciddii shaqooyin fiican u dhooftaa ehelkeeda iyo dalkeedaba wax bay ku soo kordhin kartaa. Qofka cilmi loo baahan yahay soo bartaa hadhow dadkiisa ayuu uga faa’iidayn karaa. Ka ganacsi u baxa iyo ka dalxiis u baxa iyo cid kastaa oo hawl fiican u baxdaana waa la mid. Arrimahaasi horumarka ayey wax ku kordhiyaan ee waxba kama dhimaan.


Dadkeenna waxa ugu waxtar badnaa ilaa imikana kaalinta koowaad ku jira, sida ay ila tahay, dadkii u dhoofay Dallalka Gacanka qaarkood. Waxa kuwaa soo raaci kara qaybo ku nool qaaradda fog ee Ameerikada Waqooyi, gaar ahaan Maraykanka. Markaa arrintu waxay ku xidhan tahay kolba xaaladda meesha iyo sida ay dadku u dadaalaan.


Qoraalkan ujeeddadiisu ma aha in dadka dhoofka lagu dhiirri-gelinayo, ee waa in la  doo nayo in la ogaado in aanu dhoofku wada faa’iido ahayn, isla markaasna wada khasaare ahayn. Marka aynu “dhoof” leenahay “tahriibka” kuma darayno, waayo tahriibku waa halis weyn oo ay tahay in aanay dadkeennu, gaar ahaan da’yartu, ku dhaqaaqin ciddii maanka ku haysana lagala taliyo. Dhoofka inta badan laga hadlayaa waa ka sharciga ah ee aanay qofka naftiisa waxyeello soo gaadhayn muddada uu socdaalka ku jiro, hanti badan ah oo ka baxda mooyaane. Kaas ayaa u baahan in la is weydiiyo.


Ugu dambayn, waddankeenna ayeynu maanta ku haysannaa waxyaalo badan oo awel loo dhoofi jiray, sidaa darteed isaga ayaa hanti badan oo dhoof ku bixi lahayd wax  lag aga qabsan karaa. Isaga ayaa hantideennii ma-guuraanka ahayd ah, qof kastaana  isa ga ayuu haybad ku leeyahay. Nolol la hubo ma aha in laga ordo si loo higsado mid aan la hubin. Waa tii maahmaahdii qalaad ahayd: “Bari iyo galbeedba gurigaaga ‘dalkaaga’ ay aa ka fiican”.Dal shisheeye waa dareen-ku-joog, dal loo dhashayna waa niyad-ku-joog.


 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Dhaqan.wordpress.com