Dhul-Beereedka Mashruuca Togwajaale Oo Markii Ugu Horeysay Ay Ka Soo Go’een 30,000,OO Kiish Oo Isugu Jira Hadhuudh Iyo Galay

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil [Taani] oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ay kormeer ku soo maray dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale oo ay qeybo ka mid ahi wax ka beerteen cutubyo ka tirsan guutada 99aad ee Ciimada qaranka Somaliland.

Nuux Ismaaciil Taani oo mudadii uu ku guddo jiray kormeerkiisa warbaahinta ugu waramay goobtaa ciidanku wax ka barteen ayaa sheegay inay hawl badan geliyeen dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale bilowgiisa, isla markaana ay ka qodeen 2,000 saacadood oo qodaal ah, laguna shiniyeeyey dalagyada kala duwan sida Hadhuudh, Galay, Digir, Heed iyo Qamadi

Waxaanu taliyuhu intaa ku daray inay ugu talagaleen qodaalka wax soo saarka in ciidanka qaranku ka faa’iideysto, Ciidankuna isku bar-bar wado wax soo saarka Beeraaha dalkeena iyo hawlaha difaaca ee ay dalka u hayaan, isla markaana dadweynaha reer Somaliland looga baahanyahay inay ku deydaan talaabada wax soo saarka ee ciidanka Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranku Taani waxa uu ku dooday inuu dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale yahay mid faa’iido weyni ku jirto oo haddii tacab-badan la geliyo uu wax-weyn ka tarayo, isla markaana uu uu guud ahaanba Somaliland oo dhan ku filaanayo.

Waxa isaguna ka hadlay halkaasi Taliyaha guutada 99aad ee Ciidanka wax-ka beerta dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale Cabdinaasir Cago-jiid ayaa isaguna sheegay wax soo saarka dalaga mashruuca Togwajaale ee sanadkan ciidanka uga soo go’aya uu aad uga badan yahay kii sanadkii hore.

Waxa uu tilmaamay C/naasir wax soo saarka ay beereen Sanadkan inuu ku cusub yahay Qamadiga iyo Heeda oo aanay hore u beeri jirin, isaga oo xusay inay qodeen 3 KM iyo 600 oo mitir oo Qamadiya, halka ay Heedana ka qodeen 3, KM oo heeda, isla markaana waxa uu farta ku fiiqay inay Qamadiga iyo Heedu ay yihiin dalagii ugu horeeyey ee Beeristiisa Somaliland laga hirgeliyey.

Waxaanu intaa ku daray hadalkiisa in Sanadkan ay mashruucan ay ka soo go’ayaan 30,000 oo kiish ooGalay iyo hadhuudh isugu jira, isla markaana waxa uu ku amaanay taliyaha ciidanka Qaranku lahaa dedaalka lagu qoday dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale iyo balaadhintiisaba.

Dhul-beerreedka mashruuca Tog-wajaale oo ah dhul-caro san ah oo aad u baaladhan ayaa waxa uu sanadihii 1970-kii laga beeray dalagyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bariiska, ha ugu bato hadhuudhka oo uu mashruucaasi kaga wax soo saar batay dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaalia gaar ahaan Gobolkii Bay oo caan ku ahaa wax soo saarka Hadhuudhka.

Sida laga warqabo dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale oo ah ban aad u balaadhan waxa xiligan wax ka beerta oo degen sadexda Ciidan qadan ee Somaliland ee kala ah, Ciidanka Qaranka oo degen cidhifka Galbeed, Ciidanka Asluubta oo iyaguna wax ka Beerta badhtamaha Mashruuca iyo Ciidanka Booliska oo iyaguna qota cidhifka Bari ee Mashruuca.

Si kastaba ha ahaatee mashruuca dhul-beereedka Tog-wajaale kuma koobna dalagyada wax soo saar ee laga beerayo, hasayeesheen waxa kale o faa’iidooyinkiisa ka mid ah Cawska kabaxa Xiliga Gu’aga oo Jilaalkii laga iibiyo Lo’ada damaanka ah ee ganacsi ahaan loogu geeyo dalalka Khaliijka oo laga qaado lacag culus. Taas oo ay Ciidamadu dhul-beereedka mashruuca Tog-wajaale ka faa’iideystaan.

 

 

 



Source: Hadhwanaagnews.com