Dib baa loo raray

 



Qaybtii labaad:

Doqoniimiyo dib baa loo raray
Waxay duugtee ka dikhootay
Dahab moodoo ka dul ooydaa!

Akhristayaasha qiimaha badanow, waxaynu ku soo qaadanay qaybtii koowaad ee taxanahan la magac baxay " Dib baa loo raray", habkii iyo hannaankii ubadka dhaqan ahaan loo barbaarin jirey beryihii hore.
Haddii aynu si fiican u dheehanno dhaqanka dhulkeenna yaalley waayadaa, waxa la odhan karaa wuu ka madaxbannaanaa caadooyinka xunxun ee ka mid ka yihiin: qabyaaladda iyo qaraabokiilka, ninjeclaysiga (nepotism), deegaameysiga iyo wixii la mid ah oo haatan helay suuq xaami ah!

Barbaarinta ubadka waxa loo adeegsadaa dhawr isir ( factors) oo ku salaysan: diinta ama waxa ay bulshadaasi rumaysan tahay, dhaqanka ama habnololeedka markaa jira, aydhiyooloji ( ideology) ama mabda'a ay bulshadaasi aaminsan tahay. Arrimahaasi oo lagu saleeyo manhajka iskuulada, dhaqan bulsheedka markaasi jooga ama iyadoo si cilmiyeysan oo dahsoon loogu tebiyo qalabka warbaahinta ( mass media). Sida barnaamijyada carruurta iyo buugaagta.

Haddaba, waxaynu odhan karnaa, barbaarintii hore ee ubadkeennu waxay ku salaysnayd dhaqankeenna oo salka ku haya caqiidadeenna muqadaska ah ee Islaamka. Lamase odhan karo dadkeennu diinta way ku dhaqmi jireen ama sida maanta loo bartay diinta ayaa loo yaqaanney! Waxase lagu doodi karaa, in aynu ka dhaqan toosnayn sidan aynu maanta nahay!

Diintii la barey
dugsiyaa la furay
dadkii way barteen
Daayin lagama baqo
Doorsoon la noqooy
Ee dawadeeda sheeg?

Akhristayaal, haddii Eebbe idmo; waxaynu ku soo qaadan doonnaa qaybaha soo socda ee qormadan, isirrada (factors) aynu korka ku soo tilmaanay iyo saamaynta ay innagu leeyihiin iyo halka ay sartu ka qudhuntay!

Haddaba, inta aynu ku kulmayno qayb kale oo xiiso leh- idam Allah- nabadgelyo iyo noole kulan tideen.



Mahadsanidin,
C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@Hotmail.com