Digniin ku waajahan wasiirada Qoodha ah ee KULMIYE

 


Aniga oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE ee Qurbajooga Xubnaha Fulinta waxa aan Diniin u dira ayaa wasiirada Xukuumada Madaxweyna Siiraayo Baryahan danbe waxaa soo shaac bax dey khilaaf oo shirweynihii Xisbigu ka Qabsoomi waayey kaas oo Aabo iyo hooyo u yihiin w asiirada Qoodha ah oo aan shaki ku jirin in ay iyagu ay ka danbeeyaan khilaafka Ragaadiyey Xisbiga maanta talada haya Aniga qayrkayba wey ogyihiin sidaas darteed waxaan dhawaaq dheer ugu yeedhayaa wasiisada maanta nagu heysta Lafahii lanoo daayey markii la kala saarey Xisbiga iyo Xukuumada sida shacabka Somaliland ee xorta ahi la socdo sidaas darteed uma dul qaadeyno . Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.

Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.
2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.
3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4. Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kastcarqalad ku keeni karaya.Aniga oo tixraacaya shanta qodob eek or ku xusan siiba qodobka labaad oo sheegaya in ta laabaga qaado wasiirka ay ku cadaato ama fara galin ku sameeya hadaba miyaaney ku cadayn raxantan wasiirada ah ee shuroodaha ku xidhaya Gudoomiyaha Xisbiga uma baahna fahfaan ee wax la wada ogyahay weeyaan hadaba waxaan ogesiinayaa in moog ee aan ogeyn hadaanu nahay in laga qadiyey ama laga reebay Xukuumada Maanta ee laga doortey Ragii Xisbiyadii Qaran ,UCID ,UDUB ee madaxweyne Siilaaya uu isagu Jeebadiisa aheyd arintaasina waxay keentey Maamul xumada maanta Shirka Qaran loo qabanayo Aniga dibada usoo saarey waxii aan qarsanayey hadaan hadalkeyga sii wado halkan kuma soo koobi karo ‘e waxaa hadalkeyga ku soo koobayaa Geeraar uu lahaa Abwaankii weynaa Alla nasiistii jano ha ka waraabiyee Farax Nuur waxaa uu yidhi Sidan

Rag sabaan ka sabaan baan,2. Samaantuun badiyaa. 3. Haduu saakimi waayo,4. Sariiraan u dhigaa, 5. Iska seexo idhaa. 6. Haduu saakimi waayo na,7. Caanihii hasha Suub baan, 8. Saddex goor u lisaa, 9. Ku sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo, 11. Sumalkii rugta joogay iyo, 12. Sogobkaan u qalaa, 13. Haduu saakimi waayo, 14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa, 16. Haduu saakimi waayo, 17. Gabadh suurad wanaagsan baan, 18. Surrada ugu dhisaa. 19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo, 21. Sadadaan ku ladhaa,
22. Haduu saakimi waayo, 23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa. 25. Haduu saakimi waayo 26. Salaadaan lallabaa yoo27. Meydal seedo madow iyo 28. Salligaan cuskadaa yoo 29. Sulub eebo ku joogtaan 30. Sarartaa ku dhuftaa 31. Sambabkaan ka baxshaa 32. Markaasuu sellimaa
 

 


By Axmed jimce