Diiwaan galintii Somaliland oo ku dhamaatay Sool iyo Puntland oo dir sooc & nidaamka kala saraynta beelaha ku soo saartay,  Mr.Faroole
 

Hawshii diiwaan galinta codbixiyayaasha iyo qaadashada kaadhka muwaadinimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gobalka Sool oo ugu dambeeyey guul ku dhamaatay dhor ayaamood ka hor halkaas oo si xamaasad iyo qiiro wadaninimo ku dheehan tahay ay dadweynaha ku nool gobalkaasi isku diiwaan galiyeen qof kastana laguna gudoonsiiyey kaadhkii Muwaadinimada Somaliland. Sidaas oo kale ayaa dhamaan gobalada kale ee Somaliland oo kala ah Sanaag, Togdheer, Maroodi Jeex, Awdal iyo Saaxil ay iyagana hawshan diiwaan galintu hore uga qabsoontay si heer sare ah oo aan qof dibadda ka jooga loo sawiri Karin.

Hirgalinta Diiwaan galinta iyo qaadashada kaadhka Jinsiyadda Somaliland waa guul taariikhi ah oo ilaahay loogu mahadnaqo una baahan in la siiyo qiimaha ay mudan tahay sababtoo ah waa markii ugu horaysay ee Aqoonsi Muwaadinimo Somaliland u gaar ah la helo sida wadamada kale ee adduunkuba u leeyihiin caddaymo ama kaadhka Aqoonsiga.

Madaxweynaha JSL mudane daahir Rayaale Kaahin isaga oo tilmaamaya qiimaha ay Somaliland ugu fadhido hawshani waxa uu yidhi “Waxa ay ahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay garab socotay qaadashada kaadhka muwaadinnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo muwaadinka ka soocaysa ka ajaanibka ah, guul weyn oo u soo hoyatay Qarankan curdinka ah oo maalinba samaynaya mucjisooyin dalal badan oo adduunka ahi aanay hore u samayn.Dhacdadani waa mid taariikhi ah oo xusi doonta cid kasta oo ka qayb qaadatay”.

Diiwaan galinta ka qabsoontay Somaliland waxaa lagu tilmaami karaa dhawaaq iyo cod dheer oo ka soo yeedhay dhamaan Ummadda Somaliland kaas oo ay ku muujinayaan sida ay ugu qanacsan yihiin dalkooda iyo dariiqa ay hayaan si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah una hormariyaan tayada noloshooda. waxay ahayd hawl iyo waajib qaran oo Xukuumadda iyo Xisbiga talada haye ee UDUB hogaaminteeda lahaa hase yeeshee aan loo kala hadhin hadday noqon lahayd Komishanka,Golayaasha, Axsaabta Qaranka, Ciidamada, Haydaha rayidka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. Waxaa xusid mudan go’aankii Xukuumadda JSL qaadatay si ay diiwaan galintu uga hirgasho goobihii aanay doorshooyinkii hore ka dhicin ee Sool iyo Sanaag Bari.

Diiwaan galintan ka qabsoontay Somaliland waxay dhidibadda u sii adkaynaysaa Somaliland sida hawl galadii ka horeeyey ee ay ka mid ahaayeen go’aankii la soo noqoshada Xoriyadda JSL iyo in Somaliland Cadaalad lagu dhaqo, Aftidii loo qaaday Dastuurka Qaranka, Go’aankii Axsaabta badan loogu guuray, Qabashada Doorashooyinka loo siman yahay ee Dawladaha hoose, Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland iwm.

Sidaa darted hawlgalkan Diiwaan galinta ee ay fuliyeen dawladda iyo Shicibka Somaliland oo isku duubani waxaa la odhan karaa waa intii ka dhinayd gudaheenna ama gurigeenna oo la dhamaystiray. Isku soo wada duub oo hawshan diiwaan galinta cod bixiyayaashu waa talaabooyinkii ugu dambeeyey ee lagu xaqiijinayey dimoqraadiyadda ka hirgashay Somaliland iyo inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.


Hadaba Su’aasha dad badani is weydiinayaan ayaa waxay tahay maxaa keenay ama sababay in gobo badan oo, dad Ajenabi ah, Madaxda Axsaabta mucaaridka ah iyo Madaxda Majeerteeniya Saadaaliyeen in aanay diiwan galintu ka qabsoomi Karin, dawladda Somalilandna looga digay ay si qayrul caadi ah dadkii isugu Diiwaan galiyeen una qaateen kaadhkii Aqoonsiga Somaliland?

Jawaabta suaashu waxay ku xidhan tahay dadka wax saadaaliyey. Dadka Ajenabiga ah Jawaabtoodu waxay la xidhiidhaa dhaqaale. Madaxda Axsaabta mucaaridka ahina Waxaanay jeclayn helitaanka xuquuqda muwaadiniinta Somaliland ee goobaha ay ka dardaar werinayeen ku nool iyo in horumar ku dhaco tayada nolosha deegamadaas inta xisbiga UDUB talada hayo.

Qolada saddexaad ama Madaxda Majeerteeniya iyagu waxay aaminsan yihiin in beelaha kale ee ay isku haybta yihiin aanay tashan Karin la’aantooda kana maarmi Karin si kasta oo ay u xumeeyaan ama u quudhsadaan. Waxay Aaminsan yihiin inay ka sareeyaan beelaha kale oo aanay la sinayn. Waxay aaminsan yihiin inay ka caqli badan yihiin dadka la degan ama la dhashay. Waxay sameeyaan ama ku hadlaan hadba waxa ay isleeyihiin idinka oo qudha ayey idiinku badinaysaa. Nasiib darada haysata laakiin waxa ka mid ah iyaga oo aakhirka hab dhaqankan ku khasaara isla markaana aan cashar ku qaadan ee halkii ka bilaaba sida ka muuqata Cabdillahi Yusuf, Cadde Muuse iyo Cabdiraxman Faroole oo dariiqoodii cagta saaray.

Gebebagebadii waxaa iska cad in Madaxda Majeerteenku aanay ahayn sida ay iyagu isu haystaan ee ay caqli xun yhiin. Tusaale ahaan waxay iloobeen in xukuumaddii Siyaad Barre qabyaaladi burburisay waxaanay dib u raaceen raadkii sida aynu la wada socono waxa Puntland lagu asaasay, aakhirkana ay ku kala yaacaysaa waa qabyaalad. Puntland waxaa samaystay oo fikradda iska lahaa Madaxdii Majeerteen waxaanay u samaysteen si ay mar walba u xukumaan beelaha kale iyaga oo qaarkoodna qabiil ku beerlaxawsanaya qaarkalena Somaalinimo ku khiyaamaynaya, qaar kalena gobalaysi ugu gacan haadinaya iwm.

Haddii aynu yara milicsano Ismaandhaafka, Faraxa iyo Murugada Masraxii Doorasho ku sheegii Jan 8, 2009 ka dhacday Puntland waxay muujisay xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah iyo sida Madaxda Majeerteenku ula dhaqmaan beelaha kale ee u hanqal taagay jagada ugu saraysa puntland oo mooday in la siman yahay xaqna ay u leeyihiin inay ku fadhiistaaniin kursigan ee aanu gaar u ahayn Madaxda Majeerteen. Macal asif way ku hungoobeen oo hadh cad ayaa mar saddexaad iyo sidii caadada u ahayd Puntland dir sooc iyo ku dhaqanka nidaamka kala saraynta beelaha ay Cabdiraxmaan Faroole ku soo saareen.

Sidaaa ayaanay go’a ugu soo rideen Musharixiintii beelaha kale. Wax raali galin iyo xaal toona kamay bixin sidii wax u dhaceen ee wixii ay rag soo lugooyeen waxay ku maca salaameeyeen “Heedhe Ma quustaaniin miyaa”?.
 


 

 



Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK