Diiwaan-gelinta iyo codbixintu waa awoodda dhabta ah ee muwaadinka

 


Ramadaan kariim ayaan leeyahay dhamaan Shacabka Jumhuuriyadda Somaliland ee Muslimiinta ah. Waxa kale oo aan salaan u dirayaa dhamaan muwaadiniyiinta heeganka u ah horumarka dalka iyo la dagaalanka caddaalad darrada JSL. By: H Badmaax

Qormadan gaaban waxan ku taaban doonaa xaaladaha ku xeeran diiwaan gelinta, qorma labaad ayaan iyadana ku eegi doonaa codbixinta,insha allaah.

Muwaadinow qoraalkan gaabani waa farriin adiga kugu socota, kuuna iftiiminaysa labada goorood ee aad awooda u leedahay hagidda, dhawrida habsocodka horumarka dimuqraadiyada gacantaada ku jira.

Hadaan ku horeeyo awoodaada hore maanta ayay taagan tahay, waana diiwaan gelinta haatan ka bilaabantay goboladii ugu horeeyay, adiga ayay gacantaada ku jirtaa, go'aankeedana adigaa iska leh. Awooda ugu horaysa ee lagaa filayaa waxay tahay, kala soocidda muwaadinka iyo soo-galaaga dalku la ciirciiraayo.

Muwaadin, sidaad ogtahay, kaadhka ugu horeeya ee aad xaqiijintiisa leedahay, waa kaa aad isu diyaarinaysid inaad kaga dhabayso ogaanshaha muwaadinka u dhashay Dalkan J. Somaliland iyo dadayawga soo-galaaga ah, kana mid yihiin kuwa ka soo baro kacay Somaliya iyo Ethopia, waana xadhigga aad ku xakamayn karto dadyawga iyagana laga soo daad gureeyo Dalka Djabouti waqtiyada ay soo dhowaato doorashada madaxweynahu.

Waxaynu ognahay maanta inay qaxoonti badan oo aan la aqoon inta ay tiradoodu tahay, balse dawladu tidhaa waa 20,000 inta aanu ognahay inay dalka joogaan, kana soo baro kacay Dalka Somaliya. Waxa se hubaal ah inay intaa ku laban-laab mayaan ama kaba badanyihiin. Waayo dawladu way ku guul daraysatay inay nidaam lagu ogaado u dejiso. Waxa kale oo iyana jira qaxoonti fara badan oo ka soo baro kacay dalka ethopia, muddo dheerna dalka ku noolaa, qaarkoodna kuba yeesheen dalka ganacsi, tii oo aanay jirin sharci ay ku kala duwanyihiin muwaadinka, ganacsiguna u simanyihay, kuwaas oo aan tiradooda haba yaraatee dawladu aanay u samayn tiro koob.

Muwaadinow, adiga ayaa maanta xilkaasi dusha kaa saaranyahay sidaad u kala sooci lahayd muwaadinka iyo soo-galaaga, adiga ayaa garan kara cidda aan u dhalan Somaliland ee isku dayda inay ka qayb galaan diiwaan gelinta, ama kooxda, beesha, xisbiga iyo ciddii kale ee isku dayda sad buursi, ka feejignaada kuwa iyagu aan dalka lexi-jeclo ka hayn ee danahooda u gaarka ah ku lumiya danaha guud. Waa dhab inuu arrinka diiwaan gelintu dalka ku yahay ugub, balse muwaadinow adiga ayaa xididada u dhidbi kara, waana maalinta talada iyo go'aanka hagidda iyo jihaynta kala sooca muwaadinka iyo soo-galaaga aad xididada u dhidbaysid ee yaanay ku seegin, si aanad hadhaw farta dhexda iskaga qaniinin.

Muwaadinow, diiwaan gelintu waxay jidka u sii xaadhaysaa codkaaga inaad si xalaal ah ugu dooratid madaxweyne khayr qaba, kana xakamaysid inay ma naxayaashu ka faa'iidaystaan diiwaan gelinta dadayawga soo-galaaga ah.

Waxan ku soo gabagabaynayaa,diiwaan gelinta iyo codbixintu waa awoodda muwaadinka ee u hawl gala, kana feejignaada xaaladaha ku xeeran kala sooca
muwaadinka iyo soo-galaaga.

La soco qaybta 2aad .......
 

 


Hussein Badmah

Köln/Germany
hargeysawi2001@yahoo.de