Diiwaanglintu ma Noqon Doontaa Furaha Aqoonsiga Somaliland?
 

Waxa si habsami heer sare ah uga socda gobollada uu ka kooban yahay dalka Somaliland, hawalaha diiwaangalinta codbixiyeyaashaa iyo qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadinka. Tallaabadan oo ah tii ugu horreysay ee beesha caalamku ka hirgaliso dal aan haysan aqoonsi buuxa, ayaa u muuqata sida ay dadka siyaasadda faalleeyaa u arkaan furihii aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.


Hawlaha diiwaangalinta oo ilaa afar gobol oo ka mid ah lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay si fiican uga hirgalay, ayaa lagu rajo weyn yahay in si nabadgelyo ah ku soo gebageboobaan labada toddobaad ee soo socda.


Sida laga war-qabo, waxa lacgta ku baxaysa hawlaha diiwaangalinta inteeda badan bixiyay deeq-bixiyaasha caalamka, sida EUda, Norway, Ingioriiska iyo Maraykanka. Lacgta ay sida tooska ah ugu deeqeen in lagu fuliyo hawlaha diiwaangalinta ayaa lagu qiyaasay in ka badan shan iyo toban million oo doolar. Dada badan ayaa qaba in caalamku ujeeddo gaar ah ka leeyahay hawlaha diiwaangalinta ka socota Somaliland, mar haddii adduun intaa le’eg lagu bixiyey sidii Somaliland uga qabsoomi lahayd doorashooyin xalaal ah. Aqoonyahannada siyaasadda adduunka indhoindheeyaa sida Jeffrey Gettlman (New York Times), waxa ay arrintan ku fasirayaan mid hordhac u ah in caalamku Somaliland siinayo aqoonsi buuxa.


Tan iyo intii ummadda reer Somaliland qaadatay go’aankii taariikhiga ahaa ee ay kula soo noqotay madax-bannaanindeedii, waxay muujisay in diyaar u tahay siday u hirgali lahayd go’aankaasi. Haddaba, si loo adkeeyo adduunweynahana loo tuso sida ummadda Somaaliland ugu dhab tahay goonni-isu-taaggu waxay dawladda Somaliland dadka u soo bandhigtay distoorkii lagu maamuli lahaa dalka, kaasoo si cad ugu qoran tahay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, ayey ummadda reer Somaliland ku oggalaadeen cod dhan 97%.


Waxa kale oo Somaliland qaadatay in ay ku dhaqanto habka dimoqraadiga xisbiyada badan. Ilaa hadda waxa Somaliland ka qabsoomay saddex doorasho oo ay u tartameen xisbiyo badani. Doorashooyinkaasi oo u dhacay si dimoqraadinimo ah, waxa tii ugu horreysay lagu soo doortay Golayaasha Deegaanka, tii labaadna waxa lagu soo doortay Madxweyne iyo Madxweyne-ku-xigeenka, tii saddexaadna waxay ahayd doorashadii mudanayaasha Golaha Wakiillada hadda jira.


Doorashooyinka dalka ka qabsoomay waxa ka soo qaybgalay goob-joogayaal caalami ah oo ka kala yimid meelo badan oo caalamka ah, sida Ururka SAAP oo ka socday dalka Koonfur Afrika oo uu hogaaminayay ninka la yidhaahdo Shannon Field iyo Catholic Institute for International Development. Ururadaasi waxa ay caalamka u ban-dhigeen war-biximo ay si cad ugu sheegeen in ay Somaliland ka hirgaleen doorashooyin xor ah oo xalaal ihi. Ururadani waxa ay caalamaka u banndhigeen in Somaliland la aqoonsado iyo in ay ka caawiyaan arrimaha la xidhiidha xagga doorashooyinka sida diiwaangalinta codbixiyaha.


Waxaan shaki ku jirin in ay Somaliland ku tallaabsatay qorshayaal u horseedaya in ay hesho aqoonsi caalami ah. Waxa Somaliland ku guulaysatay in dalkeeda ka hirgalisho nabad iyo degenaansho. Waxa kale oo Somaliland noqotay dalka keli ah ee Geeska Afrika ku yaal ee dimoqraadiyad iyo warbaahin xor ah ka jirto, sidaa daraadeed waxay Somaliland arrimahaas ku mutaysatay inay yeelato cadaw badan oo ujeeddooyin kala duwan leh. Cadawgaas qaarkii wuxuu diidan yahay nabadda iyo dimoqraadiyadda Somaliland ku caano maashay. Cadawgu waxa uu in badan isku deyay inuu waxyeelo u geysto Somaliland, si uu u burburo horumarka ay gaadhay.


Weerraradii Somaliland la la beegsaday 29kii October 2008, waxa ay tusaale u yihiin sida cadawgu ugu heellan yahay waxyeellada ummadda Somaliland.


Nasiib-darro ilaa maanta oo Somaliland siddeed iyo toban jirsatay weli beesha caalamku kumay tallaabsan inay u fidiyaan aqoonsi caaslami ah iyo in si toos ah uga caawiyaan hawlaha dib-u-dhiska. Waxa la yaab leh in ay wali beesha caalamku ku mashquulsan tahay, kuna bixinayso boqolaal kun oo malyuun shirarka loogu magac-daray “Dib-u-heshiinta Somalida.” Tan iyo maanta waxay beesha caalamku Somalida koonfureed u qabatay in ka badan 18 shir. Waxa ayaan-darro ah in aanay wax la taaban karaa ka soo bixin shirarkaas. Maanta oo burburkii Soomaaliya ka soo wareegtay 18 sannadood, weli caalamku kuma guulaysan inuu Soomaaliya u sameeyo dawlad shaqaysa oo haysata kalsoonida ummadda.


Maanta sida aqoonyahanno iyo ururo caalami ah oo badan qabaan sida (International Crisis Group) qabaan waxa la gaadhay xilligii beesha caalamku runta u soo noqon lahayd ee Somaliland ugu aqoonsan lahayd dal madaxbannaan. Waxa aqoonyahanadaasi caalamka kula taliynayaan in Soomliland ahayd dal madaxbannaan oo xorriyaddiisii ka qadatay Boqortooyad Ingiriiska 26 June 1960, oo ay ka mid noqotay Qaramada Midoobay, heshayna aqoonsiga 33 dawladood. Somaliland waxa ay Somalida koonfureed oo uu gumaysan jiray Talyaanigu la midowday 1dii July 1960kii, sida taariikhdu dhigaysana midnimadaasi waxay ka dhaxashay burbur iyo xasuuq aan xad lahayn.


Tan iyo 1991 markii ummadda reer Somaliland la soo noqotay xorriyaddii ka luntay, waxa u qabsoomay arrimo badan iyada oo aanay beesha caalamku wax taageero ah oo la taaban karo u qaban. Haddaba, haddii maanta beesha caalamku maalgalisay hawlaha diiwaangalinta ka socota dalka, waxa dawladda iyo dadweynaha reer Somaliland la gudboon inay si fiican uga faa’iidaystaan oo caalamka ka iibiyaan si Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah.

 

 

 


Abshir Cabdillaahi Xasan

Hargeysa, Somaliland