Dilkii Kornayl Cabdillaahi X. Siciid 27 January 1982 . Dhimbiishii Hurisay Halgankii SNM
Kornayl Cabdillhai X. Siciid Maalin Arbaca ayey ahayd
27 January 1982-kii markii si
waxshinimo ah Gen. Maxamed Xaashi Gaani
oo dad-qalkii Maxamed Siyaad Barre ay isku reer ahaayeen uu ugu
dilay meesha la yidhaahdo Tuka-raq oo ka tirsan Gobolka Sool,
dadkaasoo uu ka mid ahaa Kornayl Cabdillaahi Siciid Cabdi oo ka mid
ahaa saraakiishii ugu aqoonta roonaa ciidankii xoogga dalka
Soomaaliyeed. Kornayl. Cabdillaahi X. Siciid oo
Burco u yimid arooska walaalkii Garsoore sare Maxamed X. Siciid,
ayaa Gen. Gaani(Taliyihii Qeybta 26aad)
uu amar ku soo bixiyey in uu Cabdillaahi tago Tuka-raq, markii uu
tegayna iyadoon wax dembi ah jirin ayuu amray Gen.
Gaani in Saraakiil uu soo diray inay
maxkamad ku sheeg ku saaraan Cabdillaahi goobtaas. Markii ay
maxkamad ku sheegto dhawr maalmood ay wax dembi ah ku weyday
Marxuumka ayuu Gen. Gaani soo
fadhiistay Fooniyaha Guutada, wuxuna bixiyey uu Askari Isgaadhsiinta
ka qoray, waxana uu ku yidhi;. “Waaryaa Kornayl Cismaan Xasan
Maraaya- (Waa Sarkaalkii gudoominayey maxkamad-ku-sheegtii
Ciidanka-kii ugu madaxa weynaa, (Waa Kornayl Cabdillaahi X. Siciid)
iyo kii aan idhi gadhka ka xiir, (Waa Kabtan Daahir Maxamed) fasax
dheer sii, wallaahi haddii kale idinkaa fasax dheer geli doona”. Afar maalmood ka dib dilkaasi waxa Itoobiya u tallaabaday Saddexdii Sarkaal ee ugu horeeyey SNM oo kala ahaa, Alle ha u nariistee Muj/Kornayl Aadan Shiine, Muj/Kornayl Axmed-Dhagax iyo Muj/Kornayl Maxamed Kaahin Axmed oo isagu nool. Waxa ku xigay
Kornayl Muuse Nadiif,
Mujaahid Madaxdiin iyo
Kornayl Aadan Saleebaan oo
saddexdooduba shahiiday. Waxa ku xigay alle ha u naxariistee
Kornayl Mujaahid Gacma-dheera iyo
Anigoo Yuusuf-Weyne ah, halkaasi ayey
garabkii hubaysanaa ee SNM
ka abuurmeen oo Saraakiil kalena soo tallaabeen, Sida
Kornayl Axmed Mirre,
Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax,
Kornayl Maxamed Xaashi Lixle, Kornayl
Ciise Curaagte,
Kornayl Xasan Yoonis Habane, Kornayl
Jaamac Cali Jaamac, Kornayl Muuse Biixi,
Kornayl Cabdillaahi Askar,
Kornayl Ibraahim Dhego-weyne,
Kornayl Dayib Guray,
Kornayl C/salaam Turki,
Kornayl Axmed Weysacadde,
Kornayl Cabdillaahi Darawal,
Kornayl Cabdillaahi Cuddo,
Kornayl Aadan Dhamac,
Maxamed Cilmi Gallan iyo saraakiil fara
badan oo Milatari iyo shicib-ba leh, kuwaasoo ka dhiidhiyey dilkii
foosha xumaa ee sida arxan darrada ah loogu dilay
Kornayl Cabdillaahi X.
Siciid. ‘lama soo koobi Karin dadkii tirada badnaa ee
halgankii SNM ka soo qeyb-qaatay’.
Ayuu Yuusuf-weyne ku
soo gunnaanaday hadalkiisa.
|