Dilkii Labada Ruux oo Sababay Mudaharaad Balaadhan oo Gaystay Khasaare Burburiyay Saldhiga iyo Dawlada hoose Degmada Wajaale:
 


 

Dadwayne Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose


Hargeisa (TNN)-Wararka Naga soo Gaadhaya Magaalada Wajaale ee Xarunta Degmada Wajaale ayaa Sheegaya in Mudaharaad Balaadhan oo Saacado Socday ka dhacay  Deg mada wajaale kaasi oo lagaga soo horjeeday Dhacdadii Foosha xamayd ee Xalay  Ciidan ka Booliska Somaliland ku Dileen Marxuum Yacquub Seeraar iyo Raxma Maxamed  Ismaa ciil, mudaharaadkaasi oo ilaa saaka waabarigii ayaa joogsaday Goor dhawayd ilaa  abaa ro salaadii Casar.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Timacade  News ee Magaalada Wajaale C/rasaaq Maxamuud Aw Daahir (C/risaaq Dhago), labada Marxuum ayaa Goor wakhti danbe ah oo ay ka soo rawaxay shaqo lagu dilay iyaga oo hortaagan Guriga Marxuumadda oo u dhaw suuqa wayn ee magaalada Wajaale.

Marxuumad Raxma Maxamed ismaaciil oo suuqa ku iibin jirtay Jaad iyo Marxuum Yaquub Seeraar oo ahaa Dirawal wata Gaadhi rakaab ah ayaa waxay wararku intaasi ku  daray aan in maydkoodu yaalo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa.

Maydka Marxuum Yacquub seeraar ayaa waxaa ka muuqday Xabaddo badan halka mid ka mid ah Askartii Rasaasta ku Riday labada Marxuum uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas loo malaynayo in daawaha Gaadhigu ku soo celiyay kaasi oo lagu daawaynayo Magaalada wajaale.

Dadwayne gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose kuwaasi oo ku weeraray dhagaxaan ay ku tuurayeen Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Dawlada hoose.

Dhinaca kale waxa aan ilaa hadda wax war ka soo saarin Xukuumada Somaliland  arinta asi shaqaaqada keenta, Xukuumada ayaa todobaakii ugu danbeeyay soo dhoobtay degmada wajaale ciidan dheeraad ah tan iyo intii la qabtay qaar ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa inay ka danbeeyeen Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday inta u dhaxaysa Dilla iyo kalabaydh.

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dadwayne ku sugan Degmada wajaale  ay aa sheegaya in habeenkii saacadaha danbe ay gaafwareegaan ciidan tirro badan oo  a an hore loogu arki jirin Degmada Wajaale, halka dadka qaarkood sheegayaan in dhibaa tooyin ay u gaystaan Muwaadiniinta Reer Somaliland eek u dhaqan degmada wajaale.

Dhakhtarka wayn ee magaalada Hargeisa oo ay yaalaan Labada ruux ee la dilay ayaa ilaa saaka la buux dhaafiyay iyada oo dadwaynuhu ka sii badanayaa marba marka ka sii danbaysa, dadkuna aad u kacsan yihiin oo laga soo horjeedo in la aaso.

 


Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com