DIMUQURAADIYAD; Dawlad Masuul Ah Oo Dadka Matasha Q2- Ahmed Arwo
Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa
raxmatullaah wa barakaatu. Waa qormadii labaad ee geedi-socodka
dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena
taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu
daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la’aan u
qaadanay.
Nidaamkii islaamka ee Rasuulkeena SCWS iyo khulafadu dhagax-dhigeen
waxuu ku dhisnaa talo-wadaag , hogaanka la doorto ee aanu ahayn mid
dhaxaltooyo.
Waxuuna fure u ahaa dimuquraadiyadda dhabta ah. Waxuu wiiqmay kolkii
loo bedelay nidaam boqortooyo oo qoys keli ku noqday awoodii
dawladnimo. Anigoo marar kale soo booqan doono dibu dhaca horumar
dawladeedka ee Islaamka oo talo boobku udub-dhexaad ka tahay, waxaan
manta eegi doonaa sifaha dimuquraadiyadda iyo bilowgii ay dalkan
Britan ay soo martay. Waxayna ay iftiimin doontaa hawlo badan oo loo
soo maray iyo habka looga baxay, iyadoo ay mar walba hogganka u
haysay halganka iyo foojignaanta dadweynaha oo xaqooda hadh iyo
habeen u soo jeeday, diiday duudsiga oo doortay caddaalad iyo
horumar. Kolna fikradda talo-wadaag kamay iman inta talada haysay,
kamay iman dhul-qabeenkii shaqaalaha ula dhaqmi jiray sida addoonta,
kamay iman boqor iyo amiir dagaal, kamay iman dilaal siyaasadda ku
qabaanta.
Nidaamka loo yaqaan dimuquraadiyadda furan (Liberal democracy) waxa
lala xidhiidhiyaa hab-maamul siyaasadeed oo ku soo biyo shubta
dhismo dawladnimo oo ay hageyso mas’uuliyad iyo talo wadaag. Waxa
taasi lid ku tahay nidaamka keli-taliska oo ku salaysan awood
sheegad iyo maquunin. Waxa nidaamkan cadaaladda ka durugsan ka mid
ah nidaamka askarinimo oo ku yimaadda inqilaab, boqortooyo aan
sharci xakamayn, dalaka shuuciga ah ee talada xisbi keliye hayo.
Waxa iyana soo raacda nidaamada Afrika iyo Carabta ee dimuquraadiga
sheegta bal se aan marna diyaar u ahayn in dawladda doorasho sharci
ah lagaga badiyo. Waxa mataal loo qaadan karaa Masar oo marwalba
doorasho ka dhacdo, bal se ka fog mid ku socota nidaam dimuquraadi
ah.
Innagoo maqaalkan isku dayi doono inaan dib u jaleecno kufka iyo
guclada lagu hanatay in la helo dawlad masuul ah oo dadka matasha,
maantana aynu isku koobi doono guud mar ku kooban Habka Matalaada
amba Wakiilnimada ay dalkan Britan soo martay, aynu sadaro gaaban ku
sheegno taariikho muhiim ah oo dalkani soo maray oon dhaafsanayn
odhaah mawduuca inoo furta. Waayo waa mawduuc mug weyn oo shahaadadu
sare lagu qaato, umana jeedno inaan isu dhigno taariikhda Britan bal
se waa mid aynu wax kala baxayno, si aan dimuquraadiyadeena curdinka
ah daawo uga doono siday bilowgii ku dabiibeen.
Dalka Ingiriiska (England), ayaa ah dalkii ugu horeeyey ee barlamaan
la doorto laga hirgeliyey sanadkii 1265, waxaana taasi dabo socotay
nidaam gole guurti oo la taliyaal ahaa oo uu la yimid boqorkii
William of Normandy 1066. Waxa 1535-42 la qabsaday Wales oo toos
loogu daray England. Xiliyadaas waxa jiray boqortooyo gooni ah oo ka
jirtay Scotland iyo mid kale oo ka jirtay isku jirka jasiiradda
Ireland. 1701 waxa israacay England iyo Scotland, baarlamankoodana
waxa lagu mideeyey axdigii israaca ee 1707 (Act of Union). Taas waxa
ka dhashay barlamanka loo yaqaanay Barlamanka Britanka Weyn amba
(Great Britain Parliament). Waxa xigtay in Ireland iyana soo raacday
Britan sanadkii 1801 oo la unkay barlamaanka loo yaqaanay Barlamanka
Boqaortooyada Midowday (United Kingdom Parlaiament) Kolka ay Ireland
xoriyad qaadatay sanadkii 1922, waxa ka hadhay Gobalka Waqooyiga oo
u badan dad Britan ka soo jeeda oon Kaatoli ahayn (Catholic), waxa
dhashay Barlamanka manta jira oo sanadkii 1927 loo bixiyey
Barlamanka Boqortooyada Midowday ee Britanta Weyne iyo Waqooyiga
Ireland. (Parliament of United Kingdom of Great Britain and Northern
Ireland} .
Matalaadda amba Wakiilnimada
Waxa cabasho dadweynahu qarniyo kaga cabanayeen iyo halgankii ay soo
mareen halkan ku soo qaadimeyno. Waxaa se aynu eegeynaa bal sida
taxadurka leh ee ay uga doodeen uguna xal raadiyeen bal siday ku soo
xulayaan cid matasha oo Gole barlamaan ugu noqota. Waxa dooda ugu
horeysaa ahayd inaan marna la dhisin nidaam awoodda dalku qof keliya
ku soo uruurto. Waxa taasi keentay inaan amuurtu noqon in boqorka
amba madaxweyne keliya la doorto, ee ay tahay in la helo tiro
macquul ah oo degaanada iyo bulsho weynta matasha oo awoodda xukunka
badh boqorka ka qaada, weliba u dejisa xeer ay ku xakameeyaan. Waxa
meesha socday dood cilmiyeed ay horseed ka yihiin jaamacadaha iyo
saxaafaddu oo lagu bandhigaayo baahida loo qabo iyo habka ay ku
shaqaynayaan.
Garashada ah inaan awodda ruux keliya lagu miisin, ayaa ah tan ay ka
dhalatay kala xadeynta awoodaha dawladda ee xadka loo kala xayday
hawlaha Golaha Fulinta oo xiligaas boqortooyada ahaa, Golaha
Sharcidejinta iyo Golaha Garsoorka.
Waxaa se hawsha kala xadeynta loo xil saaray Golaha Wakiilada,
iyadoon dalkan Britan lahayn distoor gooni ka ah sharciyada ay
dejiyaan Wakiiladu. Taasi waxay ahmiyad gaara siisay Golaha
Wakiilada (House of Commons) iyo kan Guurtiga (House of Lords) oo
bilowgii awoodda sharci dejinta qayb ka ahaa.
Waxa doodu fadhiisatay sida loo helaayo sawir bulshadu dhammaan iska
dhex aragto oo lagu unko gole barlamaan. Kolkii leysla gartay in
gobaladu ka dhex muuqdaan, ayaa waxa meesha soo gashay in arrintaas
ay ka faa’ideysteen maal qabeenkii iyo dhul qabeenkii iyo amiiradii
dagaalka (knights). Taas oo muddo yarba ay ka biyo diideen bulsho
weyntii u badneyd xoogsatada. Waxa bilaabmay mudahaarado ay ka
shiidaal qaateen dhaqdhaqaaqii Maraykanku xoriyadda iyo
dimuquraadiyada ku doonaayey, iyo kacdoonkii ka socday Farnce ,Italy
iyo Yurubta kale bilowgii qarniga 18naad.
Waxa taasi dhalisay in la helo sifo baarlamanku ka koobnaado cid
matasha xoogsatada iyo beeraleyda oo gaar loogu daayo xulashadoodo.
Sidoo kale ayaa loo qaybiyey qaybaha shaqooyinka kale sida ganacsiga,
karaaniyaasha, macalamiinta iyadoo fiiro gaar ah lagu eegay
jaamacadaha, aqoonyahanada iyo qorayaasha iyo saxaafadda.
Si loo sabaaleeyo awoodda boqortooyada iyo taageerayaashoodu ay
luminayaan, waxa loo gartay in la sameeyo laba Gole mid ah kan
Guurtida ( House of Lords) iyo kan dadweynahu doortaan (House of
Commons), iyadoo awoodda Golaha Guurtida lala dabo taagnaa in
marwalba la yareeyo ilaa ay noqdeen dar aan go,aan lahayn, bal se ku
kooban talo bixin iyo inay Golaha Wakiilada ku celiyaan sharciyo
sixid iyo dib u eegid u baahan, laakiin isma hortaagi karaan mar
labaad haddii Wakiiladu sharciga u foodaan. Waxa isla markiiba laga
saaray in awoodda miisaaniyadda iyo arrimaha lacagta laga xauubiyo
Guurtida oo is hortaagtay miisaaniyaddii 1912 oo lagu kordhinaayey
cashuurta dhulka iyagoo guurtidu u badnayd Dhul-qabayaal. Waxayna
taasi horseed u noqotay sharciyo badan oo awoodda Guurtida soo
gaabiyey.
Waxa iyana doodu ka taagnayd sida Wakiiladu hawshooda u fulinayaan.
Ma waxay noqdaan sida garyaqaanada iyo safiirada oo si toos ah uga
amar qaata cidda ay matalayaan, mise waxay noqdaan dar danta guud ee
dalka u darban. Waxa qoraalo tiro badan laga qoray arrintan. Lama
iloobi karo kaalinta uu arrintan ka qaatay mufakirka iyo qoraaga
weyne ee Mr. Algermon Sidney oo naftiisa ku waayey halganka uu u soo
galay xorriyadda qofka iyo nidaamka dimuquraadiga ah, isagoo kurka
laga jaray sandkii 1692. Waxa la yaab leh in lix sano ka dib 1698 la
daabacay buugiisa caanka ah ee (Discourses Concerning Government).
Taana waxa dhaliyey inaan marna halgankiisu is taagin ilaa laga
midho dhaliyey geeridiisa dabadeed. Waxuu Sidney tilmaam dheer ka
bixiyey baahida loo qabo madaxbanaanida wakiilka si loo helo
barlamaan danta guud ka hawl gala. Ma aha in talo kasta oo uu
gaadhaayo ay hadhayso baqdin uu ka baqaayo cidda la xisaabtami
doonta oo noqonaysa qabiil, xisbi amba koox, iyagoon sugeyn muddada
uu xilka hayo.
Sidaas darteed waxay ku biyo cabtay in Wakiilka loo daayo xoriyadda
uu maankiisa la kaashado waxuu u arako danta guud, waayo sharciyada
ay soo gudbiyaan, kuma koobna cidda dooratay. Waa se inay ka war
hayaan dareenka cidda ay matalayaan oo ay la wadaagaan warbixin iyo
talo-qaadasho. Marna se laguma leh la xisaabtan dhaafsiisan cabasho,
eedeyn, canbaareen iyo u bogid loo mariyo warbaahinta, inta ay xilka
hayaan. Waxa se xisaabtu imanaysaa kolka doorasho soo gasho, oo
taladu mar labaad si toos ah ugu soo noqoto gacanta shacbiga.
Wakiilka loo bogaana noqdo mid dib loo doorto, kan laga biyo
diidaana la tuso albaabka furan.
Ciddii awoodda shacbiga sida xooga badan u aaminsanayd waxay soo
jeediyeen in Golahu noqdo mid cimrigiisu dhaafsanayn sanad, si la
xisaabtanka shacbigu noqdo mid mar walba maskaxda wakiilka ka bixin.
Sidoo kale waxa la yidhi ha noqdaan dar aan lacag qaadan. Waxa laga
baqay in dawladdu noqoto mid lacag bixinta ku laaluushta wakiilada.
Tani waxay keentay in barlamaanka ay galaan rag ay ka dhab tahay
inay dejiyaan sharci ummadda dhaqa qarniyo badan, oon cidna u
habran, cidna ka aar goosan.Bilowgii barlamaan waxuu ku bilaabmay
sidaas.
Waxa habka matalaadda iyana loo soo maray nidaamo kala duwan oo la
xidhiidha sida loo helaayo codbixin bulshadu ku dhantay kuna
kalsoontay. Hawl yari laguma helin nidaamka HAL COD IYO HAL QOF (
One man one vote). Waayo taas lafteeda ayaan loo arkeyn inay xiligii
kala guurka ku habbooneed dhisme qaran u hayaamay dimuquraadiyadda
furan. Aaan qalinka ku joojo qodobkan oo aynu maqaalka kan xiga ku
eegi doono. Nidaamka hal cod iyo hal qof waxuu u baahanyahay in
bulshadu leedahay aqoon ay ku qiimeyso cidda tartameysa iyo
barnaamajyada ay la yimaadaan. Waana mid dariiq dheer iyo sifooyin
kala duwan loo soo maray. Noocyo kale duwan ayeyna eegi oo la soo
maray.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga,
iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn
Hargeysa
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|