DIMUQURAADIYAD: Dawlad masuul ah oo dadka matasha Q3
Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa
raxmatullaah wa barakaatu.
Waa qormadii seddexaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee
adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu
dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno
xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la’aanta u qaadanay.
Habkii wakiilnimada looga baahnaa in lagu helo Gole si dhab ah u
matala bulshada guud ee mihnad iyo degaan kala gedisan leh. Waxa la
arkay dheelitir la'aanta ka jirta labada Gole ee barlamaan, ee
dalkan Ingiris (UK) si gaar ah kan Guurtida (Lords), oo lagu abaal
mariyey amiiradii dagaalka iyo reerihii boqortooyada ku xidhnaa iyo
maal iyo dhul-qabeen xoogan. Kolka degaan loo eego waxa ay badi ka
yimaadeen agagaarka caasimada London oo ah gobalada loo yaqaan
Gobalada Koonfur Bari (South East Regions).
Doodo iyo qoraalo ay marwalba badhitaarayaan banaanbaxyo iyo
dhagaxtuur,waxa garashadu keentay in doorashada la ballaadhiyo.
Waxay se cajaladdu ku socotay tallaabo diin. Waxa la oggollaaday in
codbixinta la siiyo ciddii dawladda cashuur siisa oo ah maalqabeenka
iyo amiirada gobbalada, oo weliba ku kooban ragga 40tan jirka ah iyo
waxii ka weyn. Waxa xigtay in lagu kordhiyo isla colkaas inta xaas
leh.Xaqqa codbixintu waxuu soo maray heerarkaas oo muu ahayn mid mar
qudha la siiyey muwaadiniinta oo dhan, sida dalkeena. Waxa in taas
la helo loo soo maray dhib iyo dagaal af iyo addinba ah,
Waxaa sii socotay dalabka xoogsatada iyo aqoon-yahanka. Waxa taasi
keentay in la siiyo awoodda cod bixinta inta wax akhriyi karta ee
rag ah. Iyadoo la leeyahay ninka aan wax akhriyini ma fahamsana
ujeedada doorashada, codka la siiyaana waxuu dhalinayaa in ujeedada
barlamaan danta guud u shaqeeya la waayo.Labada fikradood ee ah nin
aan cashuur bixin iyo nin aan wax akhriyini ma heli karaan aqoon ay
ku doortaan wakiil fiican, ayaa ahaa mid muddo shaqaysay oo weliba
si cilmi ah looga dooday.
Fikirkaasi waxuu is bedelay markii aqoonyahano badan la tallaabo
qaadeen xarakadii ka socotay France iyo USA iyadoo ay bilaabmeyn
ururo siyaasadeed Political Clubs iyo xarakadii la dagaalanka
Addonsiga Anti Slave Movement.
Dhinaca ragga qunyar socodka ah oo ka cabsi qabay in xoogsatada aan
cilmi lahayni ay si xun awoodda ugu tagrifali doonaan,. Waxaana ka
mid ahaa labada qoraa ee Blackstone iyo Burke oo qoray buuga Burk’s
Works 1782. Waxuu Burke yidhi “….. distoor ka dhashay dhaqan, caado,
fikrado, dareeno, dhacdooyin, akhlaaq, taariikh iyo maan-dood ay
qarni ilaa qarni dadkeenu iska dhaxlaayey oo tijaabo nooc kasta soo
martay, ma aha inaynu ku bedelno fakir rag debdedda ah iyo dhowr
gudaha ihi keeneen oon tijaabo gelin..”. Waxuu duray dareenka ah
nabadda iyo degnaanshaha England kaga duwaneyd Yurubta kale inay sal
u thay nidaamkan aan loo sinnayn.
Taasi mey joojin dhawaaqii isbedel doonka. Waxa se ay noqotay in
boqortooyadu lafteedu ay garatay in bedel loo baahanyahay ay maamuli
karto. Waxa la oggollaaday in iyadoo la eegaayo habnolaleedka
magaalooyinka waaweyn in qaarkood loo fidiyo doorashada wakiilo
matala. Magaalooyinka waaweyn ee kacaankii wershadeentu ka socday
sida Manchester, Birmingham iyo Sheffield looma fidin arrintan. Waxa
la gartay in Liverpool iyo Leicester yihiin kuwo matali kara
shaqaalaha wershadaha oo danta kuwan iyo kuwa laga tegay isku mid
tahay.Sidoo kale waxa la garaty in Preston matasho magaalooyinka
wershadaha cudbiga iyo dharka.
Sidoo kale waxa cod bixinta aqoonyahanka laga dhigay inuu xaq u
yeesho laba cod, sidoo kale mihnadleyda oo cod gurigiisa ah iyo mid
shaqadiisa ahba la siiyey.Mabda’ ay taasi ku dhisnayd waxa ay ahayd
inaan fahamka nidaamka dawladeed loo sinnayn, isla markaasna aan
dhibteeda iyo dheefta go’aankeeda loo sinneyn. Go’aan dawlo, wax yar
ayuu ka taabanayaa danyarta u badan kuuli iyo beeraley, bal se
hantiilaha meelo badan ayey ka taabanaysaa. Waxa la sii xoojiyey
kaalinta jaamacadaha oo tiro go’an loo sarjaray, isla markaasna
doorashada cidda matalaysa jaamacadaha loo daayey iyaga oo keliya.
Waxa la soo gaadhay xili isbeddel taam ah lagu sameeyo habka
doorashada. Waxa taas lagu sidkay 1832 Parliamentary Reform Act taas
oo kor u qaaday masuuliyadda la xisaabtanka dawladda oo loo
xilsaaray Barlamaanka, iyo iyadoo ay bilaabantay in la yareeyo
awodda Guurtida(Lords). Doorashadii 1831 waxa dadweynahu ku doorteen
mabda ah in xilka wakiilada la xoojiyo, lana kordhiyo codbixinta
muwaadinka. Waxaana aqlabiyad yeeshay wakiilada isbedel doonka
ah.Taasina waxa ay rumeysay in rabitaanka dadweynahu yahay kan ka
xoogga badan barlamaanka, isla markaasna waxa ay horseeday sharciyo
dambe oo awoodii Guurtida yareeyay, kana dhigay golha Wakiilada kan
xoogga sharcidejinta iyo la-xisaabtanka dawladda u xil saran.ay
Wakiiladu ka awood badan yihiin Guurtida.
Waxa sanadkii 1832 loo arkay mid raadweyn ku yeeshay hawsha iyo
habka loo doorto golaha wakiilada. Waxa ay fure u noqotay, in laga
gudbo fikirkii ahaa in magaalo keliye matasho magaalooyin kale.
Waxaana la soo bandhigay in muwaadinku qof ahaan ka qiimo badan
yahay hanti amba maqaam uu hayo. Taas darteedna loo baahan yahay in
muwaadin kastaa xaqa matalaadda uu gaar u leeyahay. Kolkii
codbixinta inta badan la oggoladay iyadoo laga reebay dumarka, waxa
xigtay in la dhaqangeliyo sharciga Tacliinta ee 1870, taas oo waajib
lagaga dhigay dawladdu inay dadweynaha wax barto, si awoodda
codbixineed iyo ka qayb galka maamulka dawladeed u noqdo mid tamar
leh. Waayo nidaamkan dimuquraadiyada furani, waxa loo arkaa mid u
baahan in dadweynaha nuxurka qarannimo iyo mas’uuliyadda dawladeed
la baro, isla markaas ay noqdaan dar dawladda u yaqaan shaqaale ay
iyagu qorteen, kugula xisaabtama hawsha ay u dirteen. Taasi waxay
aad uga fogtay fikirka dadka aan aqoonta lahayn qabeen ee ahayd inay
dawladdu dadka leedahay, oon marna diidmo iska daa la-xisaabtani,
ayna meesha oolin.
Arrintanai waxay meesha ka saartay labaa codeentii ay haysteen
aqoonyahanka iyo maalqabeenku, iyadoo la gaadhay heer la qiimeeyo
xorriyadda qofka iyo madaxbanaanidiisa fikradeed oon ku xidhnayn
qabiilka uu ka soo jeedo, iyo mihnadda uu ku xoogsado. Waxayna timid
markii olole xoogan loo galay in dadweynaha wax la baro oo weliba
xaqooda siyaasi iyo waajibaadkooda hagar la’aan loo iftiimiyey.
J.S.Mills oo ka mid aha aqoonyahanka marxalado badan la soo maray
geedi socodka dimuquraadiyada, ayaa si cad u bayaamiyey in dooda ah
inta isku shaqada haysaa waa isku fakir u beeniyey, isagoo daraasad
weyn ku sameeyey afkaarta ay kala qabaan shaqaalaha isku mihnidda
ahi. Buugiisa(Representative Government), waxuu ku caddeeyey in loo
baahan yahay in la qadariyo qiimaha muwaadinka ruux ahaan, oo aad
uga culus danta shakhsi ee dhaqaale. Waxuu yidhi, “……Dawladi waa tan
dadkeeda ugu dadaasha horumarka nooc kasta ha ahaatee. Houmarna waxa
ugu fiican nidaamka oggolaada in tirada ugu badan ee muwaadiniintu
ka talo bixiyaan hawlaha qaranka si toos ah amba si dadban. Taasna
waxa lagu gaadhayaa in codbixinta la siiyo si siman muwaadiniinta oo
dhan.”
Inkasta oo Mr. Mills si xoog leh ugu dooday in haweenka la siiyo
xaqa codbixinta sandakii 1867, mey noqon mid meel marta waxii ka
horeeyey 1918, ka dib kacdoon qas iyo dilba lahaa oo haweenka iyo
ururada bulshadu ku kaceen.
Mr. Mills isagoo arrintan ka hadlaaya waxuu yidhi, ” Ragga iyo
dumarku waa isku mid, waxa keliya ee ay ku kale duwan yihiin waa
abuurista jinsi oo keliya. Waa cadaalad darro cid walba u cad inaan
dumarka la siin xaqa codbixinta. Muwaadiniinta jinsiga loo kala
saaray waa dulmi iyo duudsi loo badheedhay. Bulsho kala badh
dadkeedu dolman yahay horumar ma gaadhi karto.”
Haddaba bal maskaxdaada ku nasi halganka dheer ee xaqa cod bixinta
loo soo maray, taas ag dhig kan bulshadeena. Sideey se tahay fahamka
dadweynaheenu u yaqaan shaqada barlamaanka iyo hawsha dawladda. Ma
yihiin dar u arka dawladdu shaqaale iyaga u shaqeeye. Miyeyna waajib
ahayn in garaadkooda siyaasi iyo aqoontooda nolaleed kor loo
qaado.Weli ma maqasheen dood barlamaan oo reer hebel dano gaar ah oo
ay leeyihiin lagu hayo. Maxaa inoo diidan inaan ummaddena jahliga ka
saarno. Waxa cad in in badan oo inaga tirsani aqoon darrada
dadweynaha inay ka fa’iideystaan si guracan, ooyna marna rabin in
dadka dariiqa toosan loo tilmaamo. Waa se mid lama huraan ah. Oo
haddii laga gaabiyo, waqtiga ayaa dadka tababari doona, oo maalinbaa
iman indhaha dadweynahu furmi doonaan, oon dantooda laga laaluushi
karin si ay u fuliyaan dan qof iska leeyahay. Aayaan darrada jirtaa
waa wakiilo aan garan mushaharka ay qaataan sida ay ku timid iyo
cidda hawshan u dhiibatay.
Aynu noqono mucaa’rid iyoi muxaafidba dar wanaaga ku tartama, dar
danta guud ilaaliya, iyo qaar aan aqoon darrada iyo jileeca dadkeena
ka danneysan. Aynu ogaano inaynu Islaam nahay, xisaabta aakhirna ina
sugeyso. Illaahay hayna tuse xaqqa, haynaga dhigo kuwa u gargaara
cadaaladda.
Waa nin iyo garaadkii, qof iyu damiirkii, ruuxna ruux kale u
shafeeco qaadimaayo, waa naftaada taada oo keliya waxa ILLAAHAY
KAALA XISAABTIMI DOONO.
Waa inoo qormo kale iyo dhowaan, Insha Allah.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalah
Hargeysa
https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|