Dimuquraadiyada Africa iyo halka ay Somaliland kaga Jirto

 




Hargeysa (TNN)-Geedi socodka dawladaha Africa, ayaa isugu jira horumar iyo turaanturooyin. War bixin ay qortay Jariirada Caanka ah ee The Economist, ayey kaga warantay dimuquraadiyada Afric a iyo geedi socodkeeda. Warbixinta wargeysku qoray oo ay la socotay Map-ka African Democracy oo lagu muujinayo sida dalalku ugu kala horeeyaan Dimuquraadiyada ayaa Somaliland waxa lagu d alalka lagu xusay Map-ka African Democracy, waxaana ay la mid tahay dalalka South Africa.

Dalalka South Africa, Senegal, Nambia, Zambia, Tunisa, Ghana, Batoswana, Benin iyo Somaliland, ay aa lagu tilmaamay wadamada dimuquraadiyada qorshaysani ka dhacaan.

Warbixintan oo sanadle ah, ayaa waxay Africa u kala saartay dalal ay haystaan keli taliyeyaal xuk unka keligood mar kasta musuq-maasuqa, dalal mar kasta hal xisbi u tartamaan doorashada iyo dalal
guuldaraystay. Waxa kale oo warbixinta ku dartay warbixinteeda in ay jiraan dalal doorashooyinku markay ka dhacaan aan natiijooyinka lagu qancin oo lagu muro, marna danbena dalal kale u soo gu rmadaan oo dhexdhexaadiyaan, iyada oo awooda loo qaybiyo ama awood lagu muqooniyo dhinac a. Sidii ka dhacday dalalka Kenya iyo Ivory Coast.

Warbixintu waxay soo dhoweysay madaxweynaha Senegal Abdulahi Wad oo laga baqayey inuu mi nja-xaabiyo dimuqaraadiyada dalkiisa, balse uu qaatay tallaabo geesinimo ah, ka dib markii uu ogo laaday in lagaga guulaystay doorashadii dalkiisa ka dhacday 25 March, 2012. Tani waxay sumcad u sii siyaadisay dalka Senegal oo ilaa iyo sanadkii 1960 dhinaca doorashooyinka ku wanaagsanaa.

Waxaase aad looga naxay dalka Mali oo dhamaadkii bisha March, 2012 Milaterigu inqilaabeen ay naxdin ku tahay hannaankii dimuquraadiyada. Axmedu Tumaani Toure oo xafiiskii madaxweynaha Mali ku yimi doorasho, ayaa milaterigu xabsi ku hayaan.

Dalal badan oo Africa ah, ayaa nidaamkooda dimuquraadiyadeed warbixintu u kala qaybisay sidan: qaar loo yaqaano nidaamka Hybrid regimes ama nidaamyo ku dhow keli talis, waana dalalka hal xisbi iyo
hal regime mar kasta ku tartamaan doorashada. Qaar loo yaqaano Authoritarian regimes, nidaam keli talis, failed states ama wadamo guuldaraystay iyo wadamo aan dimuraadiyadooda macluumaad laga hayn (nodata). Dalalka guuldaraystay waxay warbixintu tusaale u soo qaadatay
Somalia .

Waxa hadba haboon in doorashooyinkeenu u dhacaan si qorshaysan oo aanay inaga murkacan ge edi socodka doorashooyinka, oo loo qabtaa doorashooyinkeena kala danbeeya sidii loo qorshee yey. Wargeyska the Economist oo soo baxay April 03, 2012, waxa qoraalka la socday Map lagu muujiyey sida ay dalalku ugu kala horeeyaan dimuquraadiyada.
 

 


Xasan Xuseen Cabdi
Source: The Economist