Distoorka Dalka cidi kama sareenkarto

 


Waxaan marka hore salaan u diraya dhamaan dadweynaha reer Somaliland iyo websit yada maxa banaan. Inta kadib waxaan jeclahay in aan halkan ka cadeeyo in aan disto orka dalka cidi ka sareenkarin. Waxa kale ee aan halkan ka sheegayaa in aanu shacab ka reer Somaliland ahayn mid la rogrogankaro oo tolaayee lagu kicin karo, ee ay yihiin dad halgan dheer u soo galay gooni isu taagooda, oo aan cidnaba ka ogolaankarin in carqalad la galiyo xasiloonidooda. Waxa kale oo aan halkan ka muujinayaa in aanu nina hirgalinkarin laba xil oo iskasoo hurjeeda. Hore ayaa loo yidhi laabi laba u la’. Hadaba jaale cabdiraxmaan ciro ma distoorka dalka ayuu ka sareeya oo aan isaga qaban karin mise isagu wa qof aan caadi ahayn oo leh awood gaar ah oon dadka kale lahayn. Siduu u noqon kara ninka madaxda u ah hay’da sharcidajinta dalka isaga oo isla marka mad ax ka ah xisbi mucaarid ah. Bel aan isweydiinee cabdiraxmaan midkee ayuu daacad u yahay?


Hadii aynu dib u eegno falalka Cabdiraxmaan Ciro. Marka hore waxa uu jabiyey laba xe er oo kala ah Distoorka Dalka iyo Xeerkii Doorashooyinka qaranka, markii uu ku dhawa aqay in uu xisbigiisa macaaridka ah ee uu ka baxay xisbigii laga soo doortay ee ucid, ta a waxa uu ku jabiyey xeerkii doorashooyinka iyo distoorkii dalka labadaba. Hadii aynu sii faalaynu kursiga baarlamaanka ee Cabdiraxmaan ku fadhiyo waxa lahaa xisbigii uu k a soo baxay ee ma lahayn qofku. Taasi waxa uu ku jabiyey xeerkii doorashooyinka qar anka oo waxay ahayd haddii qofku ka baxo xisbigii uu ka soo baxay in uu ka dago kursi ga baarlamaaka sababta oo ah kursiga waxa lahaa xisbiga ee ma lahayn qofku.

Ta labaad Cabdiraxmaan waxa uu jabiyey Distoorkii Qaranka markii uu ku dhawaaqay xisbbi mucaarid ah isaga isla marka ka mid ah Maamulka dalka kana madax ah hay’adii sharci dajinta dalka, sababta oo ah waxay ahayd in uu ka dego jagada dowliga ah ee uu hayo haddii uu furtay xisbi mucaarid ah. Taasina waa arin ka soo horjeeda Distoor kii qaranka. Hadaba aniga oo aan ku fogaan arintan iyada ah waxaan Cabdiraxmaan kula talin lahaa in uu kala doorto labada shaadh oo uu miduun gashanaado. Dadka iyo dalkana uu ka daayo cargalada uu abaabulayo.



Qore:injineer Cali Axmed Sh musa