Diwaan gelintu waa danta dalka iyo umada Kulmiyena taas ma ogola

Waxaan salaamaya dhamaan bahda war baahinta somaliland iyo nin walba oo daneeynaya jiritaanka somaliland.waxaan la yaabey kolkaan arkey gudoomiyihii kulmiye oo leh diiwaan galinta,doorashadda ayaa ka muhumsan ee uma baahnin diiwaan galin.

Runtii dalkan somaliland waxaa uu u baahan yahay inuu helo aqoonsi caalamiya,wax walbana waxaa laga hormarinayaa aqoonsiga Somaliland.
SIDA XAQIIQDA AH 29/10/2008 ARINTII CADOWGA SOMALILAND INAGU SAMEEYEY WAXAA LOOGA DAN LAHAA IN DIIWAN GALINTA LA JOOJIYO, DIIWAAN GALINTU WAA SAXAN-SAXADDII AQOONSIGA SOMALILAND.
Diiwaan galinta waxaa ku hoos jira inaad tahay qof u dhashey somaliland oo cadeyntii dhalashadda somaliland ayaa ah ugu horeyn ta kuu geyneysa diiwaan galinta ilaa horta la dhameeyo inta xaq u leh in helaan dhalashada somaliland lama tagi karo food iyo cod bixin waayo maanta somaliland waxaa isugu yimid dhamaan dadkii ku noola Horn of Africa.
Distoorkeena waxaa ku qoran in diiwaan galin la sameeyo,hadaba maanta dalka somaliland hadduu diiwan galin la sameeyo wuxuu helayaa wax yaalo badan oo faa'iido iyo sharaf leh:

__Wuxuu buuxinaya shuruud ka mid shuruudaha aqoonsiga somaliland,waayo waxaad leedahay oo aad haysataa wax aad kaga duwan tahay somalida kale ee horn of africa kugula nool,oo waxaa lagu yidhaa somalilander oo cadeyn kaadh ayaad haysata.

__Waa aqoonsi aad is aqoonsatey oo cadeyn aad leedahay inaad tahay qof somaliland u dhashey,oo aad kaga duwan tahay dhamaan adduunka dadka ku nool,kol hadaad is aqoonsatey in caalumkuna waa ku aqoonsan karaa,tusaale maanta ma qaadan kartaa dhalshadda sacuudiga ama ta yemen,waa maya waxaa cadeyntaa ku hoos jira waxyaalo badan oo aad xaq u leedahay oo aanu xaq u lahayn qofka aan u dhalan somaliland.

__Waxaa dhaceysa doorasho xor ah oo xalaal ah,taasi waan la soconaa wixii dhacay 2003 in qoloba lahayd anagaa badiney.
xitaa waxaa jirey haddii xusbi uu arko in meel lagaga badan yahay,qofka u jooga ayaa siibta oo meesha laga waaya hadhowna cidi nooma ay joogin ayuu yidhaa sidaasi ayaan lagu darin tiradda,kolkaa waa qalad oo waa tii xafadda dhan ee New Hargeisa lagu sameeyey 2003,ee foodkoodii la daadiyey kolkii uu kulmiye yidhi cidi nooma joogin.

waxyaalahaasi oo kale si aaney u dhicin waa in diiwan galinta la helaa oo qofkii laga badiyey uu si cad oo is qabsi iyo isjiidasho lahayn uu u qan-caa.
Waa in si cad loo kala badiyaa oo wax walba combayuterka ku jiraan.

__Waxaa hadheysa tii beelaha,sidaan la wada socono ilaa itoobiya beelo ayaa la ahaa oo wax lagu qeybsan jirey oo beel badan iyo beel yer ayaa isku mid wax u qaadan jirey,taasi ayaa hadheysa oo qof walba xaqiisa ayuu qaadayaa,waxa xalkaa inagu deysey hadaan reer hebel nahay ninkayaga iyo tirodayada kala mid dhiga tiradda reer hebel.

__Waxay diiwaan galintu xafideysaa dalkaagga,waad la socotaa in dhamaan dadkii Horn of Africa ay isugu yimaadeen Somaliland taasi waxay keeni kartaa in dalka lagaa qaado,kolkaa waa in diiwaan galin la helaa si marka danbe aad isaga saari karto,xitaa hadduu kaarka uu ku qaato tuugo waa laga qaadi karaa.

___Haddaba maxaa kulmiye ku ka-lifey in uu yidhaa SEVER iyo DIIWAAN GALIN looma baahna ee waxaa ka hormarineynaa doorasho,miyaanu ogeyn in diiwaan galintu ay tahay sharaftii,qiimihii,ciil ku bixii iyo aqoonsigii somaliland.Ahmed siiranyo miyaanu ogeyn in dadku aaney joogin xiligii 1960 ee in yer wax taqaaney,miyaanu ogeyn in Somaliland u haraadsan tahay xornimo dhan,iyo aqoonsi ay beesha caalumku aqoonsato.

miyaanu ogeyn in DALJIR IYO DANJIR ay meel walba uga qalinayaan aqoonsiga Somaliland,Waxaan jirtey in markii Abbihii Somalind uu sameeyey AFTIDDII DISTOORKA laga wareystey BBC ahmed siiranyo ,runtii wuu diidanaa aftiddaa distoorka waxaanu yidhi looma baahna oo in ummadda lagu qasbo maaha.

___Kulmiye hadaba wuxuu Severka iyo diiwaan galinta uu u ga' meereysanaa waa arimo dhowr ah

1-WUXUU OG YAHAY IN FOODKA LAGA BADINAYO.

Xisbiga kulmiye wuxuu ahaa xusbi weyn ilaa 2007,se waxaa ku dhacey in uu waayo dad aad u tiro badan 2003 wuxuu ka heley foodka ugu badan magaaladda hargeisa,berbera iyo boorama runtii tii maanta ma jirto waxaa kumiye ka dareerey rag gobaladda ku dhashey oo dadkoodu aad u qiimeeyaan ayaa ka baxay oo ka tagey oo kala ah:


-Maxamud comer xaashi
-Abdiraxman aw cali
-Ibrahim dhaga-weyne
-Dr.Ahmed xusein ciise
-Cali xaraaro.
-Ciise curaate.
-Cusman cabdilahi cigaal
-Maxamed Aar
-Cali gurey.
-ina Ciyaale
-Abgaal


Runtii waa rag culus waana raga keeney foodkii magaalyinka ay u dhasheen,waxaa ugu dan beysey gabily oo ka xuubsiibatey kulmiye

2-WAX QORSHE AH OO AANEY LAHAYN IYO AF XUMO.

Wax alla wax qorshe oo ay wadankan u hayaan oo ay dadku arkayaan ma jiro,kolkaa waxay u arkaan in ayna wax ay soo wadaan oo rabshad uun ay tahay iyo kursi jaceyl.

Dadkii waxay ka yaabeen af xumadda hogaamiyaasha xusbiga waad la socotaan wax yaalaha ka soo yeedha.

-CAR SOO BAX-DAAHIROOW DHAC-WAA INOO SUUQA-MA OGOLIN-CAR CARCARCAR.

nimanka ku jiraana waa niman wasiiro uun soo ahaa oo horeba aan wadanka wax ugu qaban

3-KURSI BAA MADAX MAREY.

Dhamaan dadka somaliland waxay arkaan in waxay rabaan uun kursi ay tahay ee wadanka aaney wax faa'iido ah oo la arkayo aaney u soo wadin,hadhowna ay iyagu isku qabsan doonaan.

4-U DHUL-JIIFEYNTA AQOONSIGGA SOMALILAND.

-Waxaa jirta in aan xamar kaga duwanahay,HAYKALKA DOWLADDA arintii aan kaga duwaneyn xamar ayey yidhaahdeen dowladi ma jirto oo isku mid ayaan nahay.

Arintii uu Maxamed aar oo ahaa wakiilka london u fadhiya kulmiye,uu yidhi hogaanka kulmiye ayaa igu amrey wax waraaqo ah caalumka u qoren oo aqoonsi aan ku doonayo.
Arintaa waxaa u hir galiyey nin xamar ku dhashey oo aan garaneyn waxay somaliland tahay,ee cursi doona oo meel walba waraaqo u qorey in Somaliland dowladi jirin.

Xogeeyaha boqortooyadda Ingriiska isagoo daahir riyaale la kulmaya ayaa xalkana kulmiye mudahraad ka wadey,xitaa miyey xeeriyaan aqoonsiga Somalilnd in ay wax u dhimeyso.

Kolkaa arintu maaha Dahir Riyaale cey ee waa arin ah in Somaliland aqoonsigeedda la baa'biyo,oo meel walba oo inoo furanto la xidho
Cid walba waa og tahay in Mahamed Oomer iyo Sifir ay ahayeen kulmiye.
Nimankii lacagta uga soo ururin jirey LONDON iyo SHAFIIL badankoodu dowladda shaydaan shariif ayey u tageen sida SHEEKH ALI MOWLIID.
Somaliland dad badan ayaa aaminsan in Ahmed Siiranyo aanu aamin saneyn jiritaanka Somaliland,arintaasina waqtigeedda ayey iman oo la kashifmi.
 


SOMALILAND HA JIRTO,OO HA LA AQOONSADO AMIIN-AMIIN.
 

 


Mahdi Ali

mahdi172@hotmail.com
LONDON