DIWAANGALINTII
DALKA OO LA SOO GABABEEYAY CAAWA IYO SAADAASHA TIRADA ISKA
DIWAANGELINSAY DEGMADA ALLAYBADAY EE GOBOLKA
GABILEY
Waxa caawa markay saacada ahay 8 fiidnimo la xidhay dhamaan 337
goobood ee laga Diwaangalinta Gobolka Maroodi jeex, hadaba waxaan
caawa soo maray 4 goobood ee la iska diiwaangelin magaalada
Allaybaday, meelkasa waxaa horjooday dad gaadhay 400 ilaa 600 boqol
oon nasiib u helin in ay is diwaangeliyaan, mar aan la xidhiidhay
dhamaan tuulooyinka Degmada waxaa la ii sheegay in meelo badan hore
loo xidhay, taas oo dad badani aanay jaanis u helin in is
diwaangeliyaan.
Waxaan xidhiidh la sameeyay masuulinta koomishkan doorashada ee u
qaabilsan Degmada Allaybaday, waxay ii sheegeen in Tirada ilaa hada
la tiray ee diwaanta gashay in ay tahay qiyaasta 17 000 ilaa 20 000
(laban kun ) qof, balse Tirada Dadka iska Diwaangaliaya oo Rasmiya
waxa aan kusoo sheegi doonaa marka ay Diwaangalinta Degmada iyo
Gobolka la shaaciyo maalmaha soo socda.
Dhanka kale waxa iyana lixdan maalmood ee Diwaangalintu kasocoto
Degmada Allaybaday iyana kusugan Masuuliyiinta Degmada kasoo jeeda
oo siweyn ula shaqaynaayay koomishka qaran, waxay kala ahayeen :
MudaneC/casiis Maxamed Samaale, Gudoomiyekuxigeenka Koowaad ee
Golaha wakiilada ee JSL
MudaneAxmed Cumar Cagadable, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista
iyo Hawada ee JSL
Mudane C/risaaq sh Aadan Cali, Badhasaab ku xigeen Gobolka Gabiley
Marwo Khadra X Gaydh, Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gabiley.
Mudane Muxumed aw Cabdi Ismaaciil, Xildhibaankii hore Degmada
Mudane Ibraahin Carab Ceelaabe, Wasiir hore ee Beeraha .
Mudane Maxamed Odwaa Cigaal
Mudane Sh C/raxmaan Xasan
Mudane Mohamed Aw Daahir, Wakiil UHWA - Qurbo joog.
Suldan Axmed-Nuur C/Lahi Samaale, Suldanka Degmada.
Xubnahaa oo dhamaantood la shaqaynaa koomishan qaran ee gobolka.
Hadaba waxaa Magaalada Allaybaday maanta ka Muuqatay Dhaqdhaaq
kabadan kii hore oo aad moodaysayba in ay maanta kow tahay
Diwaangalintu safafkuna aanay isdhimin hal maridh ilaa saacadii ugu
danbayse ee 8 habeenimo ka jiray, waxaan la kulmay dad faro badanoo
hawda sarre iyo dhul fogfog ka yimid oo aan jaanis u helin in
qaataan, maadaam ayay safafku dhaadheeraayaan.
Hadaba mar aan maanta kula kulmay Wasiir kuxigeenka Duulista iyo
Hawada Axmed Cumar Cagadable isaga oo kusugan Goob ka mid ah Goobaha
Magaalada Allaybaday oo aan waydiiyay sidda uu arko sidda ay usocoto
Diwaangalintu iyo sidda uu yahay Dareenkiisa shaqsinimo waxa uu iigu
jawaabay, Marka hore waxa aan Dareemayaa Farxad dheeraad ah waxaanan
hawshan ku ugu hambalayaynayaa guud ahaan dadka Degmadan Allaybaday
oo xilwayn iska saaray siddii ay u dhamaystiri lahaayeen
Muwaadinnimadooda ee ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka kala ah ka
jinsiyada iyo ka codaynta, waxaanan leeyahay halkaasi kasii wada
wakhtiga idiin hadhay oo ka daalin safafkan aad ugu jirtaan in aad
heshaan wixii aad xaq u lahaydeen, Diwaangalintuna sifiican oo
habsamiya ayay uga socotaan Guud ahaan Degmada walow ay ku yar
yihiin Goobuhu iyo wakhtiguba ayuu yidhi Mr. Axmed Cumar Cagadable.
Guud ahaan Diiwaangelin ka dhacday gobolka Maroodi jeex waxay u
dhacday si fiican oo nabad ah, gaar Degmada Allaybaday waxay ugu
dhacday si fiican, culuska qudhaatee la dareemay waa wakhtiga iyo
goobaha oo yaraaday.
Wariyaha
UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com
Website: www.allaybaday.com |
|