“Shirkada Daallo Airlines waan ku Amaanayaa hawsha diyaaradan Air Buss A321”
 


Hargeysa (TNN):- Shirkada Duulimaadyada ee Daallo Airlines ayaa noqotay shirkadii ugu ho raysay ee maxali ah ee Somaliland keentay Diyaarad ka diiwaan gashan Waddamada  Yurub, isla markaana haysta caymis caalami ah.

Shirka Daallo ayaa diyaaradii ay dalka keentay tahay Airbus A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof, taas oo marka ay ka duusho Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa si toos ah u tagaysa magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka carabka, iyadoo aan wax Transit ah ku maraynin Dalka jabuuti.

Diyaaradani Airbus A321 ayaa markii ugu horaysay soo caga dhigatay Madaarka Cigaal Int ernational Airport ,ee Hargeysa 12/02/2014 ee sanadkan.

Madaxda Shirkadada Daallo Airlines ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegy o cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorsha ugu jirno inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fudaydin doonta safaradooda.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa dad rakaab ah oo maanta diyaarad u raacay Magaaladda Dubai ee dal ka Imaaraadka Carabta ayaa shirkada Daallo ku amaanay adeegani, waxaanu yidhi “ Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, galabta ayaanu halkan Madaarka Cigaal ka raaci doonaa INSHA ALLAH, waxana ay toos noo gayn doontaa magaalada Dubai, taasi waxay meesha ka saari doontaa in dadku ay Transit ku noqdaan Jabuuti wakhti badanina uu halkaas kaga lumo, waa fursad dadka reer Somaliland u soo kordhay shirkada Daallo Airlines waan ku amaanayaa hawsha diyaarad Air Buss A321 iyo dadaalka kale ee ay wadaanba.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.



Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland