Dood lagu lafa gurayay Doorka Haweenku ku leeyihiin Bulsha dda oo Idaacada VOA xalay Hargeisa ku Qabatay


Doodaasi oo aad u xiiso badnayd oo ay soo qabanqaabisay laanta afka Soomaaliga ee Idaacada codka mareykanka (VOA) Daawo Sawiradda

Hargeysa – (TNN):- Dood Xiiso badan oo lagu lafa gurayey Doorka ay haweenka Soomaalidu ku   lee yihiin Bulshada ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Empriel ee Magaalada Hargeysa.

Doodaasi oo aad u xiiso badnayd oo ay soo qabanqaabisay laanta afka Soomaaliga ee Idaacada  c odka mareykanka (VOA) ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxda laanta Af-ka Soomaaliga ee  Idaac adda VOA Cabdiraxmaan Yabarow, Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Ilhaam Maxamed Jaamac, Baar Siciid oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiy aha hay’ada Candle-Light Shugri Xaaji Ismaaciil Boondaro, iyo hablo dhalinyaro ah oo tiro badan oo ka kala socday Ururadda Bulshada iyo Saxaafadda Somaliland, iyo Marti sharaf kale oo tiro  ba dan.

Doodaasi oo ay Daadihinaysay Madaxa Idacaada VOA ee Somaliland Sahra Ciidle Nuur,ayaa waxa lagu lafa-guray afar Qodob oo kala ahaa, Doorka haweenku ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo Waxbarashadda Dalka, Kaalita Haweenka ee isku Xidhka Qoyka, Kaalitii ay ku lahaayeen Dib  udhi ska Dalka, iyo Doorka ay ku leeyihiin Siyaasadda.

Madaxda laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow oo ugu horayn hadal kooban ka jeediyay Madasha dooda ayaa ka warbixiyay ujeedada ay usoo qaban qaabiyeen doodan iyo  Door ka idaacadda VOA kaga jirto Horumarinta Arimaha Haweenka, taasi oo uu sheegay inay idaacadda VOA ay tixgalin dheeraad ah siiso Haweenka oo Todobaadkiiba hal mar idaacada laga sii daayo  Ba rnaamij u gaar ah Arimaha Haweenka.

Yabaraw waxa kale oo uu sheegay in Idaacadu shaqaalaysiiso haween Tiro badan, Xafiis walbana joogaan haween ka soo tabiya wararka sidaa awgeed Tixgalin dheeraad ah ayaanu u haynaa ayuu yidhi Mr.C/raxman yabaraw.

Xildhibaan Baar Xaaji Siciid oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka qayb  q aatay doodaasi oo ka jawaabaysay su,aal ahayd Door intee leeg ayey haweenku ka qaateen dib-u-dhiskii dalka? Ayaa waxay si qoto dheer u sharaxday doorkii iyo kaalintii haweenka ku  lahaaye en dib u dhiska Dalka iyada oo xustay markii ay dagaaladu socdeen inay ahaayeen Dhambaalka kaliye ee wararka tabin jiray iskuna xidhi jiray Ciidanka dalka,waxaa kale oo ay sheegtay inay Door wayn ka qaateen markiid Dalka la soo galay Dib u dhiskii dalka.

Shugri Ismaaciil Boodaro oo iyana la waydiiyay kaalinta haweenka ee dhinaca Aqoonta iyo Heerka ay gaadhsiisantahay ayaa si qoto dheer uga warantay Kaalintii Waxbarasho ee haweenka  Somalil and soo mareen iyada oo Tusaale u soo qaadatay wakhtigoodii iyo sidii ay wax ku soo barteen, sh ugri waxa ay sheegtay in Dumarka Waxbartaa Bulshadeena ka yihiin 33% balse looga  baahanyah ay in laga sii kordhiyo.


Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka mid  ah ayd dadkii ka qayb galay dooda ayaa si faahfaasan uga jawaabtay su,aal ahayd Awooda Dhaqaale ee Haweenku inta ay gaadhsiisantahay.

Marwo Ilhaan waxay sheegtay in wakhtiyadii hore ee sideetamaadkii ay Ardayada ahayd in ay  Ha weenku ku yaraayeen Ganacsiga balse manta ay kaalin muhiima kaga jiraan nolosha iyo ganacsiga dalkaba oo meel walba ay ka shaqeeyaan, Wasiir ilhaan waxa kale oo ay Xustay inay Haweenka Qurba joogu Ganacsiga Dalka meel wayn kaga jiraan, oo reer gabadhi u maqantahay ka dhaqaale roonyahay reer wiil u maqanyahay.

Luul Xasan Mataan oo iyana ka mid ahayd marti sharaftii Pannel-ka fadhiday ayaa la waydiiyay  s u'aal ahayd Doorka Haweenka ee Isku xidhka qoyska? Waxaanay sheegtay in lafdhabarta qoys  w aliba tahay hooyo, taasi oo isku xidha, iskuna haysa qoyska intiisa kale, sidaa awgeed waxay  xust ay in Masuuliyadda koowaad saarantahay Hooyadda oo ah Udub dhexaadka qoyska.


Dooda oo aad u xiiso badnayd isla markaana lagu lafo gurayay arimaha Haweenka iyo  waxyaaba ha Dhaqanka ah ee inta badan ka reeba hoosna u dhiga Hankooda iyo Hamigooda siyaasadeed iyo  qod obo kale oo ay ka mid ahaayeen, Maxaa keena Cabashadda Dumarka ee Dhinaca Xuuquuqda? Dumarku Wax ma isku Ogolyihiin? Ragguse Wax ma u diidanyihiin, Ma loo baahanyahay kooto in  lo oga sameeyo Dalka haweenka Somaliland iyo qodobo kale oo kuwaasi la xidhiidha, waxaana  dham aantood loo falanqeeyay si qoto dheer, iyaga oo ay ka qayb qaateen faalooyin badana ka bixiyeen Hablaha Warbaahinta ee ka qayb qaatay doodaasi oo fikirkooda iyo aragtidooda ka dhiibtay  qodo badaasi, su,aalo-na ka waydiiyay Masuuliyiinta madasha fadhiyay.

Gabogabdii Dooda ayaa waxaa Lagu soo gunaanaday Waa maxay Xalka Caqabadaasi hortaagan  D umarka?

Kuwaasi oo jawaabtiisu ahayd sida tan:

In dumarku Aqoontooda kor u qaadaan
In ay dumarku Hamigooda kor uqaadaan yeeshaan damac ay wax ku doonan karaan.
In aan laga maarmayn kooto inta la fahmayo Awooda dumarka iyo waxa ay qaban karaan.
In ay dumarku ku dhiiradaan siyaasadda Dalka.
In ay la yimaadaan dhiiri galin iyo Rabitaan.
In la sameeyo Wacyi galin badan oo lagu dhiiri galinayo dumarku inay is doortaan Wakhtiga doorashada.


Fikiradaasi iyo qaar kale oo la mid ahaa ayaa laga dhiibtay waxa uu noqonayo Xalka Caqabadahaasi.

Doodan oo si toos ah looga dhagaysanayay Laanta Afka somaliga ee Idaacadda VOA ayaa ahayd mid aad u soo jiidatay dadkii ka qayb qaatay, dhiiri galina u samaysay haweenkii ka qayb qaatay.




 

 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Agaasimaha Guud ee Timacade News
www.TimacadeNews.com
mccfuture@hotmail.com
mccfuture@longlivesomaliland.com
Mobile: 002522-4423109