Doodii Xasaasiga ahayd ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Duur xulkii Xildhibaanada



Hargeisa (Longlivesomalilnd News)Mudanayaasha Aqalka wakiilada  Som aliland ayaa maalitii sedexaad ku gudo jira dood ku saabsan go’aankii ay komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ay ku laaleen diiwaan-gelinta. Xildhibaanadii maanta ayaa qaarkood ku tilmaameen  talaabada asi in ay tahay gaf laga galay Ummada Somaliland isla markaana loo  baa han yahay in ay komishanka iyo M/waynuhuba ka noqdaan arinkaasi.

Waxa kale oo ay sharci daro ku tilmaameen tilaabadii ay xukuumadu  da lka kaga mustaafurisay masuulkii ugu sareeyay ee Hay’ada Inter peace oo inta badan gudida doorashooyinka ka caawin jirtay dhinaca  farsam ada. Hasa ahaatee xildhibaano kale oo ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Udub ayaa arimahaasi dhinac kale ka eegayay oo sheegay in  arimah aasi ay xukuumada iyo komishankuba ku saxsanaayeen.



Fadhigan maanta ee golaha wakiilada oo uu guddoominayay  guddoom iyaha golahaasi C/raxmaan Max’ed C/laahi(Cirro) ayaa xildhibaanadu ay arimahaasi aad ugu faaqideen.

Xildhibaan Ibraahim dhaadheere, ayaa dhawaaqa komishanka ku  tilm aamay qayrul distoori isaga oo sheegay in arintaasi ay meel ka dhac ku tahay sharciga iyo Ummada Somaliland-ba. Waxa uu xusay xildhibaan dhaadheere in wixii dhiba ee arintaasi ay sababto in xukuumadu ay sabab u noqon doonto oo ay masuuliyadeeda dusha u ridan doonto.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo ka mid ahaa mudanayaashii  maa nta doodooda madasha ka dhiibtay ayaa ku tilmaamay dhawaaqii  komi shanka iyo talaalabadii M/waynuhuba in ay yihiin khiyaamo Qaran.

Xildhibaan kijaandhe, waxa uu Hambalyo u diray Laba shir-guddoon ee wakiilada iyo Guurtida baaqii canbaaraynta ahaa ee ay u direen  M/wa ynaha iyo Komishanka, arintaasina ay ka mid tahay masuuliyada ay Ummada u hayaan isla markaana ay tahay arin taariikhi ah.

Dr. Kijaandhe, waxa uu ku tilmaamay falkaasi in la rabo in lagu majaro habaabiyo Ictiraafka Somaliland ay ka raadinayso beesha Caalamka iyo waliba jiritaankeedaba, ama la rabo in somaliya lala sugo inta ay  hagaa gayso. Waxa uu ugu baaqay M/waynaha in uu talada dhulka dhigo mar hadii lala leeyahay ee aanu kalidii iska go;aansan kolba sida uu rabo. “ Madaxwaynuhu waanu garanayne, doorashada xorta iyo xalaasha ahi waa mid leh Diiwaan-gelin” ayuu yidhi, Xildhibaan AxMED Cabdi Kijaandhe.

Waxa uu xildhibaanku ka cagajiidka M/waynaha ee shaqaaqada Ceel bar daale in ay tahay waxa uu ku nacay M/waynaha. “ wali kamaan maqal M/waynaha Tillaabo sharci ah ha laga qaado” ayuu yidhi, kijaandhe. Waxaanu mudanayaasha wakiilada u soo jeediyay in M/waynaha lagu soo rogo Maamuus ka xayuubin.


Sidoo kale, waxa isaguna maanta doodiisa dhiibtay Xildhibaan Max’ed Dhunkaal Tukaale. Waxa uu Mr.Dhugad sheegay in wixii ka yimaada  dh awaaqa komishankanka ay iyagu eedeeda yeelan doonaan. Waxaanu ku eedeeyay komishanka Doorashooyinka in ay masuuliyadoodii gabeen oo ay mudan yihiin in xilka qaadis lagu sameeyo. Xildhibaanku, waxa uu aad uga sheekeeyay maraaxilkii kala duwanaa iyo dhibaatadii loo soo maray Diiwaan-gelinta. Xildhibaan Tukaale mar uu si gaar ah ula hadlayay  xild hibaanada wakiilada waxa uu yidhi “ Masuuliyada la idin saaray dib ugu noqda. Hadii uu wanaagsanaado M/waynuhu, haduu Siilaanyo  wana agsanaado, hadii uu Faysal Cali waraabe Wanaagsanaado Aniga waxba igama siinayaan. Ma ilawsan tihiin waa aynu dhaaranay in aynu Ummada ugu shaqayno si daacadnimo ah.” Waxaanu intaasi ku daray

“ dhawaaqa Komishanku waa xaaraam, hadii ay ka noqon waayaan nin walba inta uu sharcigu ka khuseeyo ha la saaro”


Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isagu ku dooday in ay xukuumadu ku saxsanayd e talaabadii ay ku eriday masuulkii ugu sareeyay Hay’ada Inter peace. Waxaanu sheegay in arintaasi ay timid markii ay faro-galin qaawan la timid Hay’adaasi, waxa uu tilmaamay in ay Hay’adaasi soo jeedisay in la bedelo labada masuul ee ugu sareeya Komishanka Doorashooyinka ( Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa)  arinta asina ay tahay fargo-galin qaawan. Waxa uu xildhibaan ayaanle  shee gay in aanu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ku raacsanayn baaqii uu ku canbaareeyeen tallaabadii xukuumadu ay qaaday Hay’ada Inter peace iyo dhawaaqii ay komishanku ku laaleen diiwaan-gelinti  codbixiya yaasha.xildhibaanku waxa uu ku eedeeyay Hay’ada Inter Peace in ay lunsatay dhaqaale badan oo ay ka soo qaaday Wadamada Deeq bixiyayaasha “ waxa ay caalamka ka soo qaaday lacag aad u badan oo gaadhaysa 32 Milyan, waxaanay dalkeena soo gaadhsiisay ilaa 8 Milyan oo kaliya.” Ayuu yidhi, xildhibaan Yaasiin.

Xildhibaan Axmed-yaasiin, waxa uu soo jeediyay in uu xal u arko in  maa mulka la daadajiyo oo la gaadhsiiyo gobolada iyo degmooyinka wadanka, “ Awoodii oo dhammi waxa ay ku soo ururtay Kursiga M/waynaha waa in la daadajiyaa ilaa Gobolada iyo Degmooyinka. Guddoomiyayaasha  Gob olada iyo Degmooyinka ay awood buuxda yeeshaan si loogu kala  gab ado” ayuu yidhi, Xildhibaanku.

Waxa ugu danbayntii halkaasi doodiisa ka dhiibtay, Max’uud Axmed  Ob siiye waxaanu yidhi “ Aniga waxa ay ila tahay arintu sharci la jabiyay ka wayn, M/waynuhu shuruuc badan ayuu jabiyay, in badana Maamuus ka xayuubin ayaynu isla soo qaadnay hasa ahaatee ma aynu fullin ee dib ayaynu u dhiganay, maanta se waa in aynu maamuus ka xayuubin ku samaynaa M/waynaha”

Doodan oo ah mid xasaasi ah waxa ay mudanayaashu u balameen in  ma alinta sabtida ee ugu horaysa todobaadkan soo socda ay soo saari  doo naan go’aanka ugu danbeeya iyo waxa laga yeelayo dhawaaqa ay  ko mishanka doorashooyinku ku laaleen diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha.

 



Longlivesomaliland News Desk
hargeisa Somaliland