Doorashada haddii aan ku guuldarraysto dib isuma soo sharraxayo

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah

shaaca uga qaaday in haddii uu ku guuldarraysto tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo in ay dalka ka dhacdo horraanta bisha March 2009 aannu mar dambe isu soo taagayn jagada Madaxweynimada, isla markaana fursaddaas u bannayn doono siyaasiyiinta kalee xisbigiisa ee damaca leh, balse waxa uu tilmaamay inuu sii hayn doono jagada guddoomiyenimada UCID ilaa muddo aan la cayimin.

“Doorashada haddii aan ku guuldarraysto dib isuma soo sharraxayo, laakiin guddoomiyenimada xisbiga waan haynayaa oo waxaan doonayaa in xisbigu dhismo oo uu noqdo mid taariikh yeesha, 1992-kii ayeyna ahayd markii fikradda samaynta xisbiga UCID, runtiina Ilaahay wuu igu guuleeyey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo xalay u warramayey telefishanka dawladda.

Waxa kale oo Guddoomiyaha UCID sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ka badbadiyey dimoqraadiyadda dhexdiisa, taasina ay keentay kala-jabka ku yimi, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawici karta hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa kale oo uu waraysigaa ku naqdiyey siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland oo uu ku sifeeyey mid aan si wanaagsan u shaqayn oo fadhiid ah.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda daalka Soomaaliya iyo xasuuqii taliskii Siyaad Barre u geystay shacbiga reer Somaliland.

“Dadkeennii waa la xasuuqay oo lafahoodii ayaa meel walba daadsan, waxayna ahayd in Soomaaliya maanta innaga baqato ee may ahayn in innagu aynu ka baqano,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Geesta kale, waxa uu Faysal Cali-waraabe waraysigaas kaga warramay hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ee la filayo in ay dhowaan dalka ka dhacaan.

 

 


Source:Togdheernews