Doorashada in Diiwaan-gelin lagu gala ma sharcibaa mise ma aha?


 

Sida aynu la wada socono waxa dalka Somaliland ka  q absoomay Diiwaan-gelin taarkiikhdu markay ahayd ………… taas oo ka qabsoontay dhammaan gobolada  d alka oo dhan. Waxa aynu ognahay in diiwaan  gelinta asi lagu bixiyay dadaal aad u fara badan, ummada ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland ay u tafaxayteen oo ay muruq, maal iyo maskaxba ku bixisay sidii ay u  qab soomi lahayd diiwaan-gelintaasi.


Waxa kale oo xusid mudan in ay deeq-bixiyayaasha caalamiga ahi inagu  ta ageereen hawshaasi diiwaan-gelinta ah iyaga oo inaga caawiyay dhinaca dhaqaalaha iyo qalabkii loo adeegsanayay fududaydinta hawshaasi, waxa Alle Mahadii ah in diiwaan-gelintu ay si nabad gelyo ah dalka uga dhacday, taasina waxa ay markhaati cad u tahay horumarka ay ku talaabsatay  jam huuriyada curdinka ah ee aan caalamka ka haysan wax aqoonsi ah. Waxa aynu arintaa kaga hormarnay wadamo badan oo ku yaal geeska Africa isla markaana aqoonsi ka haysta beesha caalamka oo aanay wali u suurto  gal in fulinta hawshaasi.

Waxa kale oo marag ma doon ah in ay sedexda xisbi ee dalka ka jira ee  U cid, Kulmiye iyo Udub ay ku hashiiyeen in ay ku qancaan wixii natiijo ah ee ka soo baxa kala shaandhaynta diiwaan gelinta marka lagu shubo  mashii nka kala shaandhaynaya (server-ka) inkasta oo ay arintaaasi muddo  jiita maysay waxa hadana laba todobaad ka hor la soo saaray natiijo aan rasmi ahayn oo ah tii diiwaan-gelinta. Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa markiiba shaaciyay in ay ku qanacsan yihiin natiijada server-ka iyaga oo tixgalinaya heshiiskii ay hore u galeen sedexda xisbi.

Waxa nasiib daro ah in xisbiga tallada haya ee Udub uu ku gacmo-saydhay arintaasi iyada ah taasi oo meesha ka saartay heshiiskii sedexda xisbi ama wax aan la filaynu ku noqotay ummada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxa sidoo kale uu maalmo ka dib ku dhawaaqay Guddoomiyaha Komishanku in Doorashada in doorashada lagu gali doono diiwaan-gelin la’aan.

Waxa ay arintaasi mar labaad mucjiso ku noqotay dhammaan shacbiga  So maliland ee nabada jecel ee u dhego taagayay go’aanka uu komishanku ka soo saari doono arinta khilaafka ka dhex abuurtay xisbiyada, hasa  yees hee waxa ay arintaasi waxa ay meesha ka saartay jawaabtii ay sugayeen shacbiga reer Somaliland waxa ay ku noqotay jawaabtii komishanku ( ka dar oo dibi dha)



Waxa sidoo kale maalmahaa ka dib shir jaraa’id ku qabtay Qasriga  Madax tooyada M/waynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin taasi oo ku  shee gay dhawr arimood oo kala ah:


-In dalka laga saaro Hay’ada Inter peace.
-In doorashada lagu galo diiwaan-gelin la’aan.
-In aanay golayaasha Qaranku shaqo ku lahayn arimaha doorashada.
-In ay Dawladu bixinayso kharashka doorashada. Iyo arimo kale oo badan   oo aanan halkan ku soo koobi karaynin


waxa ay arintaasi mar sedexaad ka yaabisay oo ay jahwareer ku riday Um  mada reer Somaliland. Waxaanay shacabku is waydiinayaan arimahaas uu Madaxwaynuhu ku dhawaaqay. Arinta ugu badan ee ay dadku hadal  hay aan wax ay ahayd tii lagu eryay Masuulkii ugu sareeyay Hay’ada Iner pea ce taasi oo Komishanka Doorashooyinka inta badan ka caawin jiray  dhin aca Farsamada. Su’aasha iswaydiinta leh ayaa waxa ay tahay Hadii  Mada xwaynaha iyo Xukuumadiisu ay hayaan kharashka lagu galayo doorashada maxaa keenay in ay shaqaaalaha dawlada siin waayaan mushaharadoodoa sedexdii bilood ee ugu danbeeyay.



Waxa aan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa oo aan tallo ku soo  jee dinayaa Xukuumada dalka ka jirta iyo xisbiga tallada haya ee Udub in ay hoos u eegaan rabitaanka iyo shacbiga kana fogaadaan wax kasta oo  bur bur ku keeni kara jamhuuriyada Somaliland doorashadana ku galaan  diiw aan-gelintii dhibaatada loo soo maray mise arintu waa (Baadida Ninba kula daydayi daalna kaa badine oo inaad hesho doonahayn daayin abidkaaye.)



 

 

Deeqa Subeer Nuux
E-mai: deeqasn@hotmail.com
252-2-4465358
Hargeisa, Somaliland