Doorashada Lixda May ayay dhacaysaa



London (TNN)-Ra'iisal Wasaaraha dalkan Britian ayaa ku dhawaaqay in doorashada guud ee Britain la qaban doono lixda bisha may ee soo socota.

Waxaa uu ka hadlayay dulleedka dhismaha uu degan yahay ee ku yaala iyadoo ay ku reeraysan yihiin wasiiradiisa Downing Street, wax yar uun kadib markii uu ka soo laabtay qasriga boqorada ee Buckingham Palace halkaasi oo ku weydiistay Boqora da Queen Elizabeth inay kala dirto baarlamaanka,

Kala dirida Paarlamaanka ayaa u gogol xaareysa, doorasho guud ee waddankan ka dhacacaysa bisha May.

Xisbigiisa talada haya ee Labour Party ayaa isku dayaya in ay ku guuleeystaan  do orashada markii afraad, taasi oo noqoneysa markii ugu horeysay taariikhda xisbiga Labour inay afar jeer ku guulaystaan doorashada.

Mr Brown ayaa sheegay in Britain ay ku socoto jidkii uu dhaqaalaha ku soo kaban lahaa, oo aanan la ogolaan in qatar la galiyo.

Gordon Brown wuxuu sheegay inuu waydiisanayo dadka Britishka inay siiyaan  awo od uu ku siii wado hawsha lagu hubinayo in dhaqaalaha uu soo kabto.

Xisbigiisa talada haya ee Labour Party ayaa isku dayaya in ay ku guuleeystaan doorashada markii afraad, taasi oo noqoneysa markii ugu horeysay taariikhda xisbiga Labour inay afar jeer ku guulaystaan doorashada.

Daqiiqado ka hor hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Conservative, David  Camar on, ayaa la hadlay taageerayaashiisa meel u dhow Baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay dad waynaha inay doortaan rajo, isbadal iyo rajo wanaagsan.

 


Source:BBC