DOORASHADA MADAXTIMINADA HADII DIB LOO DHIGO MA YEELI DOONO" AHMED M. SIILAANYO

 

Gudoomiya xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiya Muj Ahmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa sheegay in uu mudnaanta koowaad siinayo dhalinyarada iyo haweenka hadii uu ku guulaysta talda dalka.

Gudoomiyuhu waxa uu hadalka ka sheegay xaflad ay soo qabtay ururu dhalinyaro oo lagu magacaabo Ururka Dhalinyarada Somaliland xafaldaaso oo lagu qabtay Hudheelka Imperial ee Hargaysa.Dhalinyarada ayaa sheegay in ay ku biireen xisbiyaga siyaasiga ah ee Kulmiye.


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo ayaa ka waramay doorkii ay dhalinyarada iyo haweenku ku lahaayeen halgankii dalka lagu xorooyey iyo sido kale doorka ay ku leeyahay dib u dhiska dalka .
“waad aragtan wadama jaarkeena waxa ka dhacaaya inagu maanta mustaqbalkeena ku so celinmayno xabag iyo dib xurayn waxa aynu ku soo celinayaan doorasho xor iyo xalaal ah” sidaa waxaa yidhi siilanyo .


Sidoo kale Ahmed Siilaanyo waxa uu hambalyo u diray dhaliyadradii iyo haweenka sida wanagsan uga qayb qatay hawshii diiwaan galinta ee dhawaan dalka ka qabsoontay,taas oo hawshaas hirgalinteeda laf dhabar u ahaayeen haweenka iyo dhalinyarada. Waxaanu yidhi “ waxaan ogahay in doorashan maanta dalka ka dhacay oo aad u adkay in ay dadka u gurmaday ay ahaayeen dhaliyarada iyo haweenka”.


Gudoomiye Siilaanyo hadal dheer oo xafladaasi ka jeediyey ayaa waxa uu kaga waranay siyaasida xisbigiisu uu rabo in uu mustaqbalka ku hogaaminaayo dalka .
Ahmed Silaanyo mar uu ka waramayey doorashooyinka dalka ku soo fool leh waxa uu sheegay in aanuu xibiga kulmiya aqbali doonin in dib loo dhigo doorasha madaxtinimada, waxaanuu sheegay in xisbiga kulmiye diyaar u yahay in doorashooyinka dalka waqtigoodii ku qabsoomaan.


Xaflada lagu qabtay hudheelka imperial ee magaalada Hargaysa ee lagu soo dhawaynayay dhalinyaradan ku soo biirta xisbigaasi waxa iyana hadalo ka jeediyey masuuliyiin ka tirsan xibigaasi oo ay ka mid ahayeen Xogahaya dhaqaalaha ee Kulmiye Maxamed Abdi Iskeerse , Gudoomiyaha gobolka Hagaysa ee kulmiye Axmed X. Abdlilahi Xamarji , Xoghayaha guud ee xisbiga mudane Kayse Xasan Dige , sidoo kale waxaa xafladaasi hadali ka jeediyey madaxda ururka Dhalinyarada Somaliland kaa soo uu ka mid ahaa gudmiyaha ururka oo la yidhaa Abdifataax siciid jibriil isaga oo sheegay in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doon ururka.

 



Togaherer