Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Gollaha Wakiillada JSL Oo La Kala Qaaday

 


Hargeysa (TNN) :- Xukuumadda Somaliland, ayaa kala qaadday Doorashooyinka Madaxtooyad a iyo Golaha Wakiillada oo qorshuhu ahaa in si wada jir ah loo qabto bisha Saddexaad ee Sann adka 2017-ka.

Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo sheegaya in la kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, laakiin Was iirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo Shalay Saxaafadda kula hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Lixda Goobood ee xayiran ee Waqooyiga Hargeysa laga qabanayo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha si Dadka halkaas ku dhaqani ugaga qayb-qaataan Doorashada Madaxtooyada oo keliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in la Diwaangelinayo Dadka ku dhaqan Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ee kala ah:- Hulka, Ceel sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel la helay, Bildhaalay iyo Damasha, si ay Codkooda uga dhiibtaan Doorashada Madaxtooyada oo keliya, laakiin aan loo ogoleyn in ay ka qayb-qaataan doorashooyinka deegaannada iyo Golaha Wakiillada.

Wasiir Faratoon oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Wareegtada Xukuumadda ka soo baxd ay waxay leedahay in Lixdaa Goobood (ee Waqooyiga Hargeysa) aanay meelna raaceynin ee ay ka qayb-qaadanayaan Doorashada Madaxtooyada. Haddaan sii faahfaahiyo Dadka iska diw aangeliya Lixda Goobood Codkooda waxa loo isticmaalayaa Doorashada Madaxtooyada, oo Co dkooda kuma bixinayaan ama laga ogolaan maayo Doorashada Deegaannada iyo Doorashada Golaha Wakiillada.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay, “Lixdaa Goobood, Ill aa Masiirkooda Xal laga gaadho oo la kala xadeeyo lagama geli doono Doorashada Golaha Wak iillada iyo Doorashada Deegaannada.” Ayuu yidhi.


Hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku aaddanaa Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa, a yaa sidoo kale muujiyey in doorashada Madaxtooyada si gaar ah loo qabanayo, Doorashada G olaha Wakiilladana gaarkeeda loo qaban doono, ka dib Xal laga gaadho muranka Deegaannada Waqooyiga Hargeysa.