DOORKA
DHALINYARADA IYO DOORASHADA FOODA INAGU SOO
HAYSA
Doodii Mareegta Internetka ee
kooxda Somaliland Youth Group (SYG)
February 2009
Hordhac
Waa Maxay SYG?
Somaliland Youth Group (SYG) waa koox dhalinyaro reer Somaliland ah,
oo ku bahoobay mareegta internet ka, sidii ay u wadaagi lahaayeen
dhammaan macluumaadyada muhiimka u ah hab-nololeedkooda, kuna soo
bandhigi lahaayeen aragtidooda ku waajahan mushkiladaha hadheeyey
dhallinta, isla markaana u lahaan lahaayeen isku xidh iyaga u gaara
oo mideeya dhallinyarada reer Somaliland ee ku kala baahsan dunida
dacaladeeda.
Madashan mareegta SYG waxaa ku kulma oo warka iyo weedha ku kala
qaata ku dhawaad kun (1000) qof oo dhalinyar oo dunida dacaladeeda
kala jooga, guud ahaanba dhalinyaradan waxaa ka go’an inay ka qayb
qaataan hanaanka hogaamineed ee dalka iyo dadkaba.
Guud ahaan dhalinyarada mareegtan ku bahawday waxay awood u
leeyihiin inay si hufan uga talin karaan dhamaan arimaha dhaqan
dhaqaale, siyaasadeed, cilmiyeed iyo diineed ee dalkan J. S. L.
Madashan mareegta SYG waxay leedahay nidaam maamul oo kala sareeya
oo masuul iyo damiinba ka ah wixii khalad iyo qadaf ka dhaca dhamaan
hawlaha ay dhalinyaradani ku wadaan mareegtoodan dhexdeeda.
Himilada SYG waxay tahay in la arko dhallinyarta Somaliland oo leh
hal cod, islamarkaana si midaysan fikirkooda ugu gudbin kara
bulshada inteeda kale isla markaana ka qayb-qaadanaya go’aannada
waaweyn ee dalka.
Ujeedooyinka guud ee madashan SYG waxay yihiin:
In laga doodo waxkasta oo nolosha iyo mustaqbalka dhalinyarta
saamayn ku leh,
lana soo saaro talooyin iyo go'aammo wax ka taraya baahiyaha
dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee ku dhaqan gudo
iyo debedba.
In la jiheeyo lana qaabeeyo afkaaraha iyo aragtiyaha dhallinyarta
Somaliland si ay saamayn mugleh ugu yeelan karaan hanaan socodka
dhaqan dhaqaale ee bulsho waynta reer somaliland.
In la isku waydaarsado macluumaadka muhiimka ah sida : buugaagta,
maqaalada, madadaalooyinka, suugaanta, ogaysiisyada, arrimaha
diiniga ah iyo arimaha kale ee ka qayb qaadanaya isku xidhka
dhalinyarada iwm.
Barnaamijyada Mareeg kooxeedka SYG
SYG waxa ay soo bandhigtaa barnaamijyo ay ka mid yihiin doodo ku
aadan baahiyaha dhaqandhaqaale, cilmiyeed iyo siyaasadeed ee dalka
iyo dadkaba, sidoo kale waxaa la isku waydaarsadaa macluumaadyo,
ogaysiisyo, sugaan iyo barnaamijyo diiniya intaba.
Doodii Bishii February 2009
SYG markii ay aragtay in dhalin yartu tahay udub-dhexaadka bulshada
somaliland isla markaana saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan
kara hawlaha qaranka gaar ahaan doorashooyinka madaxtooyada ee
kaabiga inagu soo haya.
SYG waxay muhiimada saartay in
dhalinyaradu ka wada hadlaan oo meel la saaro doorka dhaliyaradu ay
ku ayeelan karto doorashooyinka fooda inagu soo haya si looga
hortago in dhalinyarta loo adeegsan karo khalkhal iyo kacdoon kaasi
oo lagu hurin karo waxna lagu yeeli karo hanaan socodka
dumuqraadiyada dalka ka hanaqaaday. .
Hadaba si loogu jiheeyo dhalinyarta dhabada toosan ee hurumarka
bishii February ee inasoo dhaaftay, SYG waxay qabatay dood ay ku
gorfaynaysay doorka dhalinyarta iyo doorashada inagu soo foodleh.
Dooddan waxaa ka qayb qaatay ku dhawaad 1000 dhalin yar ah oo jooga
dunida dacaladeeda oo qaar ka mid ahna afkaarahooda ku soo darsadeen
inta kalena ay akhriska ku kaabayeen, doodani waxay socotay mudo bil
ah.
Doodda waxaa gundhig u ahaa in la
faaleeyo lana fahmo sida ugu haboon ee dhalinyarada SYG uga qayb
qaadan lahaayeen habsami u socodka doorashooyinka dalka ka dhaci
doona 29-03-2009, iyo doorka ay ciyaari lahaayeen hadii ay
doorashadu dhici waydo xiligii loogu talo galay iyo kaalintay ka
qaban lahaayeen, dhinaca kale hadii la isku khilaafo natiijada
doorashooyinka sidii ugu haboonayd ee dhalinyaradu uga qayb qaadan
lahaayeen, sidoo kale waxaa doodan lagu lafaguray goldaloolooyinka
ugu waawayn ee la is leeyahay doorashada ayay caqab ku noqon karaan
ugu danbayn waxay dhalinyaradu wadaageen shaqsi ahaan taladii uu qof
kastaa ku talin lahaa si ay doorashadu ugu dhacdo si xaq iyo xalaal
ah. Aragtiyo kala duway ayay ka bixiyeen ka qayb galayaashu waxaanan
kusoo koobnay Faalada hoos ku qoran.
Mudadii bisha ahayd ee ay doodani
socotay xubnaha kun ku dhawaadka ah ee SYG waxay si guud iskula
waafaqeen sida ay dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen habsami u
socodka doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan 2009, faalo iyo
falanqo dheer ka dib waxaa meel la isla gartay inay muhim tahay in:
• In dhalinyarada la siiyo
macluumaad badan oo ku saabsan waxa ay tahay doorasho xor ah iyo
siyaabaha ay ku dhici karto doorasho fayawi si ay u kabto habka
go’aan qaadashada qofka dhalinyarada ah.
• In ay dhalinyardu ka hortagaan dhamaan cida ay u arkaan in ay
nabada carqalad ku keeni karaan isla markaana dawlada ku dhiiri
galiyaan in lagama maarmaan tahay in doorasho mudaysan laqabto.
• In dhalinyaradu dhexdeeda is dajiyaan iskuna baraarujiyaan in ay
door muhiima ka cayaaraaan qabsoomida doorashooyinka dalka oo dhan.
In ay dhalinyaradu si mugleh uga qayb qaataan wacyigalinta
bulshada kale sida qoysaskooda, asxaabtooda iyo cidii kale ee ay
macluumaad sax ah ku kordhin karaan xili kasta iyo meel kasta oo ay
joogaanba.
Dhalin yartu waa in ay soo bandhigaan dareenkooda iyo sida ay uga
xunyihiin dib u dhac kasta oo ku yimada haanka dimoqraadiyadeed ee
kalka iyo guud ahaanba daganaanshaha dalka iyo dadka...waxaanay
dareenkooda ku soo bandhigi karaan mudaharaadyo nabadeed iyo qaybaha
kala duwan ee saxaafada.
Xubnaha madashan mareegta SYG
waxay si guud iyo si gaaraba u rogrogeen waxa ay ka qaban karaan
hadii ay doorashadu xiligii loogu talogalay dhici waydo, waxaana si
talo guud lagu gudoonsaday
In Dhalinyartu u midoobaan aragtiyaha ku aadan doorashada iyo
waqtigeeda wixii dhibaato ahna waa in ay si wadajir ah uga
hortagaan, isla markaana diyaariyaan qoraallo xanbaarsan dareenka
dhallinyarada Somaliland oo ee ku aadan hanaansocodka doorashooyinka
dalka iyo siday uga xun yihiin dib u dhac kasta oo ku yimaada
mudaynta doorashooyinka taasi oon sababo waa wayn loo adeegsan.
In qof kasta oo dhalin yaro ah oo ka tirsan mareegtani marka uu
arko sababaynta musuuliyiinta gudida doorashooyinka iyo aragtiyaha
xisbiyada uu masuul ka yahay inuu taageero xalka dalka iyo dadka u
danta ah.
In dhalinyarada guud ahaanba
xil ka saaran yahay, dhiiri galinta in doorashadu xiliga loo
mudeeyay lagu qabto, si looga hortago cawaaqib xumo ka dhalata
murano siyaasadeed oo dhaawici kara koritaanka guud ee qaranka.
Xubnaha mareegtani waxay
wadaageen oo is dareensiiyeen xilkii ka saarnaa hadii la isku
khilaafo natiijada doorashooyinka iyo talaabooyinkii ay ka qaadi
lahaa yeen hadii taladu faraha ka baxdo, ugu danbayntii xubnaha
mareegtu waxay gudoonsadeen:
In ay Dhalinyartu ka
dhawrysanaadaan wax ala wixii sii kordhin kara khilaafaadka u
dhaxeeya siyaasiyiinta iyo bulshadaba, isla markaana ka fogaadaan in
ay ka qayb qaataan khilaafyada taagan ama ay ka qayb qaataan sii
hurinta khilaafka siyaasadeed.
In dhalinyaradu ay isku daydo
in ayna ku milmin xisbiyada ee aanay noqon Xaabadii dabka lagu
Hurinayay ee ay noqdaan dhex dhexaad bulshada udhex ah oo saxa
khaladaadka jira.
In ay bilaabaan sulux iyo isku
soo dhawaynta dhinacyada kala fog iyo dejinta shucuurta dadwaynaha
ee kacsan.
In qofkasta oo dhalinyaro ahi inuu dadka inta uu ka waanin karo oo
uu is leeyahay waxbay kaa maqlayaan uu iyadana uga digo dhibtaada ay
leedahay khilaafka iyo in la sii kordhiyaa ha noqoto qoyskooda ama
saaxiibadii.
Waxa kale oo iyadana muhiim loo
arkay in ururada dhalinyarta ay qabtaan barnaamijyo ay dadka ku
wacyi galinayaan iyaga oo adeegsanaya hab kasta oo ay dadka wax ku
gaadhsiin karayaan ugana digaya dhibaatada khilaafyada.
Dhinaca kale xubnaha SYG waxay lafagureen oo rogrogeen
goldaloolooyinka ugu waawayn ee ay is leeyihiin doorashada ayay
caqab ku noqon karaan, dhamaan qodobadan hoos ku qarana waxay
xubnaha SYG u arkeen inay yihiin galdaloolooyin muhim ah oo hadii
aan la gufayn saamayntooda yeelanaya
Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha
oo wali muran badan ka oogan yahay una baahan in xal loo helo
doorashada ka hor, si la iskula meel dhigo tirada guud ee la filayo
inay codaynayso.
Dad badan ayaa ilaa hada haysan waraaqii codaynta/wadaninimada iyo
dad badan oo aan u dhalan dalka oo si sharci daro ah u qaatay
kaadhka wadaninimada.
Guddiga doorashooyinka oo
noqday kuwo aan kalsooni buurani ka muuqan dhexdooda, taas oo marar
badan dadka iyo dalkaba warwar ku abuurta.
Diyaar garaw fiican oo loogu
talo galay doorashada oo aan meesha oolin.
Kaalmadii dhaqaale ee loogu
talagalay in doorashada lagu fuliyo oo aan ilaa hada aan gacanta
lagu hayn.
Hufnaanta xisaabeed iyo hawleed ee gudida doorashooyinka iyo
diwaan galinta oo aan cadayn ilaa hada isla markaana deeq
bixiyeyaashu ay dareen taban ka bixiyeen.
Xuukuumada oo moodo in ayna
daba ka riixay gudida doorasha si ay doorasha mudaysan u dalka uga
qabsoonto.
Xisbiyada, xukuumada, goleyaasha qaranka iyo gudida doorashooyinka
oo ixtiraami waaya dastuurka, xeerarka iyo hab-u-socodka
doorashooyinka.
Fasirka kala duwan ee la saaro
ama siyaabaha kala duwan ee loo kala macnaysto xeerarka qaran ee
quseeya doorashooyinka iyo hogaaminta dalka.
shacabka oo aan eegin danta
guud oo ku mashquula dan siyaasiyi kaliyi leeyahay iyo dawlada oo ku
shubata labaduab waxay khatar galin karaan dimoqraadiyada aynu ku
taano ilaa maanta.
• Axsaabta mucaaradka oo samir u yeelan waaya hanaan u socod ka
doorashooyinka faragalin ku sameeya gudiga doorashooyinka kana
gaabsada gabi ahaanba doorkoodii taageero.
• Meelaha qaranku u jilicsanyey
waxaa ka mid ah komiishanka oo aan lahayn khibrad ku filan oo ah
dhanka maamulida doorashooyinka taasina waxa ay noqon kartaa
dhaliisha ugu wayn ee keeni karta fashilaad ku timaada
doorashooyinka.
Xubin kasta oo ka tirsan mareegtan SYG waxaa uu talo shaqsi ah ka
gaystay sidii loo heli lahaa doorasho xaq, xor iyo xalaal ah,
waxaanay soo jeediyeen talooyin kala duwan oo quseeya hay’adaha ku
shaqada leh dhamaystirka hawlaha doorashooyinka ee qaranka,
qodobadii ugu muhimsanaa ee ay dhalinyaradu isku waafaqeen waxaa ugu
muhimsanaa:
Axsaabta
• Ha la siiyo kalsooni buuxda Komishanka hana lagu taageero wixii
khibrad lagu kordhin karo.
• Ha la muujiyo dareeno sabaale iyo isku tanaasul badan oo loogu
danaynayo dalka iyo dadka.
• Ha ka dhawrsanadeen wixii
khilaafaad ku keeni kara habsami u socodka doorasha kaabiga inagu
soo haysa.
Dawaladda
• Waxaanu ku talinaa in dawladu ay noqoto mid aan ku milmin
komiishanka oo ay siisaa kalsoonida fulineed ee hawlaha doorashada.
• Waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada imika haysa talada in ayna u
isticmaalin agabka qaran tartanka doorashooyinka ee xisbiyada dhex
maraya.
• Xukuumada imika joogtaa waxaa looga fadhiyaa inay fududayso
dhamaan hawlaha ku sahabsan doorashooyinka ee iyaga ku xidhan.
Gudida Doorashooyinka
• Waxaan kula talinaynaa in ay koomiishanku noqdaan qaar ilaahay ka
cabsada oo dhex u noqda xusbiyada loolamaya.
• Waxaan ku talinaynaa in guddida doorashooyinku si daacad ah ugu
shaqeeyaan waddanka ayna muujiyaan in ay cidkasta uga lexajeclo
badan yihiin, sababta oo ah iyaga ayaa maanta masayrkii umada
gacanta ugu jiraa.
• Gudida komiishanku ha noqdeen
qaar dadka inta badani ku ku qanci karto oo macquul ah.
Cid kasta
• Waa in mucaarad, muxaafad iyo
shacba la baraarujiyaa si ay ugu diyaar garoobaan doorashada , iyada
oo la bilaabo olalihii doorashada iyo sidii dhalinta looga
dhaadhicin lahaa in doorasha ay ka qayb qaataan ayna doortaan cida
ayrabaan iyaga oo eegaya agendihiisa iyo barnaamijka waxqadeed ee
uuna eegin cida uu yahay iyo danta uu ka helayo.
Gabagabo:
Ugu danbayn xubnaha ku bahoobay
mareegtan SYG waxay ku talinayaa in loo dhago nuglaado dhamaan
talooyinkankan ay cududan dhalinyaradu ku baaqeen.
Maamulka mareegtan SYG waxaa uu
diyaar u yahay dhamaan wixii dhaliil ka soo baxda guud ahaan
mareegtan SYG gaar ahaan qoraalkan sida kooban u taabanaya xaalada
dalka iyo doorashooyinka kaabiga inagu soo haya.
Dhinaca kale waxa dhawaan
mareegta la soo dhex dhigi doonaa mawduucii bishan soo socota kaas
oo aan ka soo xuli doono mawduucyadii aad horaantii sanadkan soo
gudbiseen.
Baaqani marka ugu danbaysa ee uu mareegta ka soo baxo, waxaa uu
maamulka groupku balan qaaday inuu u gudbin doono saxaafada gudaha
iyo dibadaba kolba intii suuro gal ah, waxaana filaynaa inuu gaadhi
doono dhamaan dadka iyo xafiisyada uu sida gaarka ah u khuseeyo.
Mahadsanid
SYG Management Team
|