Dooxa Arabsiyo oo Daadadkii Kasoo Rogmadey Dad Uu Qaadey Ku Dhinteen Xanibeyna Gaadiid Tira Badan oo Ukala Goosha Caasimada Hargeysa iyo Galbeedka


 

 


Arabsiyo (TNN)-Dooxa Arabsiyo oo ah dooxa ugu balaadhan ee uu dhex maro jidka Xidhiidhiya Caasimada Somaliland Hargeysa iyo Magaalooyinka Galbeedka ayaa, daadadkii laxaadkii lahaa ee kasoo rogmadey waxa ku geeriyooyadey Gabadh yar oo Magaceedu ahaa Hoodo Ismaaciil Cabdi, Hooyadeedna layidhaa Nimco Cagoole kadib markii ay isku deydya intaanu daadadku soo rogman inay ka talowdo dooxa Arabsiyo.



Gabadhaa yar oo meydkeeda laga quustey ilaa Habeen hore ayaa, saaka barqadii laga helay Ceelasha kuyaala Gudaha Dooxaasi kadib markii ay daadadku ku aaseen Ceelashaasi islamarkaana, laan Geed oo daadku afka Ceelkaasi dhigeen lagu arkey Gacanta Marxuumadaa yar oo kasoo jeeda, taas oo isla maanta lagu aasey Magaalada Arabsiyo oo katirsan Gobolkan Gabiley.



Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax oo caweysinkii xaley u waramay Shabakada Wararka ee Timacade News, ayaa ka deyriyay guud ahaanba dhibaatada uu leeyahey Dooxa Arabssiyo marka ay sanad walba xiligan oo kale Roobabku curtaan , waxaanu carabka ku dhuftey in dooxani galaafto Sanad walba Xiligan oo kale dad iyo Gaadiidba, Sidoo kalena saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley ayaa u sheegay Shabakada Wararka Timacade News ,in ay ku amreen Gaadiidka in aan la isku dhex tuuri karin daadka oo socda.



Roobabkii Xaley Da,ey ayaa sidoo kale ku xanibey Gudaha Dooxa Arabsiyo Boqolaal Gaadiid ah oo kamid ah kuwa sida joogtada ah maalin walba isaga goosha Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Magaalooyinka Galbeedka taas, oo roobabkii shaley da,ay daadadki kasoo rogmadey xanibeen ilaa shan baabuur oo gudaha dooxa galey kadib markii daadadkaasi soo dhigeen ciid fara badan oo ay baabuurtu galeyso.



Dhinaca kalena roobabkii maanta da,ay oo ahaa roobab aad u weyn ayaa, daadadka kasoo rogmadey oo ah daadadkii ugu badnaa ee nooceeda ahi waxey caawa ku xanibeen labada dhinac ee Dooxa Arabsiyo boqolaal Gaadiid ah wixii ka dambeeyay sadexdii Galabnimo ee galinkii dambe ee Maanta.



Dooxa Arabsiyo ayaa Sanad Walba marka ay xiligan oo kale curtaan Roobabku dhibaato badan ku haya Gaadiidka iyo dadkaba taas, oo ay sabab u tahey maadaama Dooxani wadadu dhex marto islamarkaana ay daadadku dhigaan caro bataax ah oo culus oo qabsata Gaadiidkaasi iyadoo, inta badan dirawaliinta qaarkood sahashadaan Biyaha baahsan ee Dooxa Socda halkaas oo ay ku haligmaan marka Dambe,iyadoo dhinaca kalena ay daadadkani soo faqaan Xabaalaha Magaalada Galbeed Arabsiyo kadib markii Gabaynku baaba,ay.

 


Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland