Dowlada Jabuuti oo maanta si rasmi ah safaarad uga furatay magaalada
Moqdisho
Muqdisho December 9, 2010 (TNN)-Dowladda Jabuuti ayaa maanta
Magaalada Muqdisho ee Caasim ada Soomaaliya si rasmi ah uga furatay
Safaaradeeda, muddo labaatan sano kadib markii ay burbu rtay
Dowladii ho re ee Soomaaliya.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen
Mas置uliyiin ka tirsan Dowladda K MG, Siyaasiyiin iyo qaar ka
mid ah Safiirada Dowladaha Caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa
si rasmi ah albaabada loogu furay Safaaradii Jabuuti.
Mas置uliyiin uu ka mid ah Ra段isul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka
Arrimaha Dibada Maxamed C /llaahi Oomaar, Wasiirka Dekedaha
iyo Gaadiidka Badda Cirka iyo Dhulka Axmed C/raxmaan Abaa de,
Xildhibaano, Safiiro ka socday Dowladaha Sudan, Yemen iyo Jaamacada
Carabta oo lagu kala magacaabayay Axmed Cumar, Faadil Al-Jasuuli iyo
Maxamed Cabdalla Idiris ayaa ka qeyb galay xa fladii
furitaanka aheyd.
Safiirka cusub ee Dowladda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya Amb,
Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Jabuuti sanad ka hor ay safaarad
ka furatay Soomaaliya, hase ahaatee maanta si rasmi ah albaabada
loogu furay Safaarada inay shaqeyso.
Amb. Rooble ayaa sheegay in furitaanka Safaaradan ay ka dambeysay
markii Madaxweynaha Jab uuti uu amar ku bixiyay in la furo
Safaaradii Jabuuti ee Muqdisho, si buu yiri dadka reer Jabuuti ay u
garab istaagaan walaalahooda Soomaaliya, isla markaana ula
qeybsadaan shacabka Soomaaliy ed dhibaatada heysata.
Safiirka Jabuuti ayaa ku booriyay Dowladaha Caalamka inay
safaaradooda dib uga furtaan magaal ada Muqdisho, isagoo
sheegay inay dalalka Afrika ay u gogol xaarayaan sidii
safaaradahooda ay ugu soo rari lahaayeen Soomaaliya.
Ra段isul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi
Oomaar oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu
faraxsan yahay tallaabada Jabuuti ay safaara deeda uga furatay
Soomaaliya, waxaana go誕anka Jabuuti uu ku tilmaamay mid geesinimo
leh.
Oomaar ayaa sheegay in shacabka Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin
Labo dad iyo dal walaalo ah, i sla markaana deris ah, isagoo
tilmaamay in Jabuuti ay tahay Dowlad ka damqata dhibka heysta
shacabka Soomaaliyed.
Safaarada Jabuuti ay dib uga furatay Soomaaliya ayaa markii dambe
laga taagay Calanka Jamhuu riyada Jabuuti, iyadoo Xafiiska
Safiirkana lagu xardhay sawirka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geelle.
Madaxweyne Shariif ayaa dhowaan waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka
aqbalay Safiirka cusub ee Jabuuti, iyadoo kulamo uu la qaatay
Safiirka Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar iyo
Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.
Axmed Kulan
Moqdisho
|