Dowlada Mareykanka oo Eedeeysay Dalka Eritrea

 

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Eritera ay joojiso hurinta ay ku heyso rabshadaha ka taagan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxey Xafiiska Af-hayeenka Wasaaradda Arimha Dibadda ee Mareykanka, Mr Ian Kelly, ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu dowladda Eritrea ku boorinayo in ay joojiso dabka ay ku afuufeyso qalalaasaha ka socda Soomaaliya.

Waxa warku sheegey, in todobaadkan dhamaadey kooxo xag-jir ah oo jooga Muqdishu ay si isadaba joog ah u weerarayeen dadweynaha Soomaaliya iyo dowladda KMG ah ee Federaalka iyagoo kooxahaasi ay wataan ujeedooyin seef-la boodnimo ah oo waxa kaliya ay tari karaan ay yihiin in ay sii fogeeyaan ficilada argagixisnimo; tasoo horseedeysa deganaasho la'aan weyn oo ku timaadda gobolka.

Eritrea waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadatey fududeynta taageerada ay kooxha xag-jira weerarada ku qaadayeen. Taageeradaas Eritrea ay siineyso kooxha mayalka adag waa in ay si degdeg ah u joogsadaan.

Taageerada ay Eritrea siineyso kooxaha dowladda ka soo horjeeda waxa ay caqabad daran ku tahey suurtgal ay Eritera ay Mareykanka kula yeelan karto xiriir caadi ah.
 


Source: VOA