Dowlada Somaliliand miyey kala baqeyshay bilad sharaf iney siiso shirkadda 571 sida dowlada federaalka itoobiya?

 


Iyadoo aanan dhiiri gelinayn qaadka, haddana waxaa lama huraan noqotay in aan sheegno sida ay wax u socdaan.

Waxaan dhammaanteen wada ogsoon nahay in 17kii sano ee ay jirtay Somaliland ay shirkadda 571 ee ka ganacsata qaadka ay qayb weyn ka
Qaadatay kobaca dhaqaale ama dakhli ee ay maalinba maalinta ka danbeysa ku talaabsanaynsay wasaaradda meeliyadu. Howluhuna ay si habamiya u socdeen tiiyoo aanay dhicin wax hakad galin kara wada shaqynta wanaagsan ee labada dhinacba.

Haddaba derteed hay’adaha dakhli ururinta dalku marnaba kumey talaabsan tallaabo dhiiri gelin karta wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhexaysa shirkadda 571 iyo dowlada soomaaliland gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran maaliyadda. Dadka oo ogsoon in shirkadani tahay ta ugu badan ee cashuur ama dakhli intaa le’eg soo xareeysa mararka qaarna lagu qiyaaso in miisaaniyada dowlada marka saddex meelood loo qeybiyo in ay ka hesho cashuurta laga qaado qaadka itoobiya inooga yimaada, ayaa haatan waxa ay dadku isweydiinayaan sababta mar qudha ay u arki waayeen dowlada Somaliland oo dhiiri gelinaysa shirkadaha muwaadiniintu leeyihiin ee dadaalay.

Haddaba dadka arintani ayaad werwer hor leh ku abuurtay dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland. Taasoo kusoo beegantay ka dib markii ay ka war heleen dowlada iyo shirka 571 oo uu ka dhex oogsaday muran la xidhiidhay dhinaca cashuuraha kaasoo la sheegay in haatan la xalliyay. Haddaba shacbiga reer Somaliland oo ogaa ismaandhaafyo hore oo u dheexeeyay dowlada iyo shirkado ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ah. Ay haatan isweydiinaya in siyaasada soomaliland aanay ku ba jirin dhiiri gelinta shirkada ganacsi ee muwaadiniintu leeyihiin, iyagoo tusaale u soo qaadanaya.

Xaaladihii adhiga ee “ALjaabiri” tii ka horeysay ee shidaalka loogu xidhay shirkadda la baxday Total, isku daygii shirkadaha isgaadhsiinta iyo ugu danbeyntii tan mararka badan soo noqotey ee manta niyad jabka ku beertay dadka nabada jecel. Haddaba waxaan ku soo gabogabeynayaa dowladu haku darto siyaasadeeda dhiiri gelinta muwaainiinta.

 

 



Sakaria Abdi Sulub Hargeisa

(freelance journalist)
zaki.zulub@gmail.com