Dowladda Federaalka
Soomaaliya oo sheegtay in dib loo dhigay shir
loogu qaban lahaa Dalka Kenya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya ayaa
maanta shaaca ka qaaday in uu dib u dhac ku yimid shir Madaxda iyo
Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya loogu qaban lahaa Dalka Kenya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada
Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkaas dib loo dhigay ilaa 26-ka
bishan.
“Shirkaas waxay ahayd in todobaadka ugu horeeya ee bishan uu Kenya
ka dhaco, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa 26-ka bishan”ayuu yiri
Maxamed Jaamac Cali oo intaas ku daray in Dowladda Federaalka
Soomaaliya aysan macluumaad badan ka heynin shirkaas.
Agaasimaha waxaa uu sheegay in aysan ilaa iyo hataan fahamsaneyn
sababta Madaxda Dowladda iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka loo
geynayo Kenya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay sababtaas soo bixi
doonto wixii ka horeeya 26-ka bishan.
Shalay ayay ahayd markii uu isna Guddoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe uu sheegay in aan weli la soo
gaarsiinin qorshaha shirkaas laga leeyahay, isagoo weliba caddeeyay
in aysan dhici karin in dowlad dhan oo jirta loo raro dal kale.
“Arrin dhici karta ma ahan in Dowlad dhan oo jirta loo raro dal
kale, isla markaana looga hadlo aayaha dowladdaas”ayuu yiri
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka sii hadlay warar la isla
dhexmarayo oo sheegaya in shirka dowladda Federaalka loogu qabanayo
Kenya uu yahay mid lagu bedelayo Dowladda, “Haddii wax la bedelayo
annaga ayaa is-bedeli karna oo leh heykal dowladeed, waayo aniga
Guddoomiyenimada waxaa ii doortay Baarlamaanka, Madaxweynaha sidoo
kalena, Ra’iisal Wasaarahana Madaxweynaha ayaa doortay, Baarlamaanka
ayaana ansixiyay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay wariyayaal kul hadlayay Magaalada
Baydhabo.
Shirka Dalka Kenya loogu qabanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa waxaa dabayaaqadii bishii hore New York iskula gartay Wasiirada
Arrimaha Dibadda IGAD, kuwaasi oo war murtiyeed ay wada jir u soo
saareen ku sheegay in shirka loo qabanayo Madaxda iyo Xubnaha
Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Ammaanka
iyo Siyaasadda Soomaaliya.
Dhanka kalena, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali waxaa uu waxba kama jiraan
ku tilmaamay war uu dhawaan shaaciyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya
Dalka Ruushka Ambassador Maxamed Maxamuud Xandulle, kaasi oo ahaa in
Dowladda Federaalka ay aqoonsatay gooni-isu-taagga Gobollo ka go’ay
Dalka Georgia oo kala ah Osetia iyo Abkhazia.
“Warkaas ma ahan mid ay la socoto Dowladda Federaalka Soomaaliya,
waxaana ka rabnaa Safiirka Soomaaliya ee Ruushka Ambassador Maxamed
Maxamuud Xandulle in uu war cad ka soo saaro”ayuu yiri Agaasimaha
guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Maxamed Jaamac Cali.
Source:Hiiraan
|