Dr. Gabose oo la kulmay US State Department

 

Dr Gaboose oo ku sugan dalka Mareykanka wuxuu dedaal ugu jiraa sidii laysugu xidhi lahaa tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo Ururka Qaran. Dr Gabose wuxuu kaloo xarunta wasaaradda arrimaha dibedda (US State Department) kula wada kulmay (Jan 13-2009) masuulka sare ee u qaabilsan arrimaha Africa , Mr. Phillip Carter III (Principal Deputy Assistant Secretary- Bureau of African Affairs), madaxa Geeska Africa (Mr.James Director of East African Affairs), iyo madaxa arrimaha Somalia ( Mr. Matthew Walsh).


Kulankaas Dr. Gaboose wuxuu mahad ka celiyay tageeradii Xukuumadda Mareykanku ka geysatay wakhtigii siyaasiyiinta Qaran la xidhay. Wuxuu kaloo Dakhtarku tilmaamay xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda iyo dareenka waddanka ka jira, wuxuuna ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd wakhtigeedii, noqotana mid lagu kalsoon yahay. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay xasiloonida iyo dimoqraadiyada Somaliland mandaqadda geeska Africa muhiim u tahay. Wuxuu kaloo tilmaamay in wddanku u baahan yahay taageero dhaqaale si loo abuuro shaqooyin, loona kobciyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaa halkaas si wada jir ah looga muujiyay muhiimada gaarka ah oo ay u leedahay doorashadaan geeddi socodka dimuqraadiyada Somaliland oo aykaga mutaysandoonto tixgelin gaar ah bulshada Caalamka.

 



Qaransomaliland