Dr. Axmed Xuseen Ciise Oo  Ku Dhawaaqay Inuu Ka Baxay Xisbiga Kulmiye

 

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, kana tirsan Golaha Dhexe ayaa manta shaaca ka qaaday inuu ka baxay Xisbigaasi.


Ka bixitaanka uu Dr. Axmed Xuseen ka baxay Xisbiga Kulmiye waxa uu ku cadeeyay qoraal rasmiya oo uu manta u diray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigaasi Jaamac Shabeel , waxaanay u qornayd sedan-

 

 


Ku: Mudane Jaamac Moxamed Shabeel

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye



Og: Mudane Muse Biixi Cabdi
Guddoomiye-Xigeenka Kowaad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye



Ujeedo: Iska Casilaad Xubinimada Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye



Mudane Jaamac:



Salaan qaaliya iyo maamuus ka dib, ujeedada qoraalkani waxa weeye inaan ku ogaysiiyo in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18ka bisha Janawari 2009 aan banaynayo xubinimadii Golaha Dhexe ee Kulmiye.



Waxaan si gaar ah kuugu amaanayaa xilkasnimada iyo aqoonta aad muujisay intii aad hogaanka u haysay Golaha Dhexe, rajaynaayana inaynu mar kale ku kulano hawlo Qaran.





Allaa Mahad Leh.





Dr. Axmed Xuseen Ciise

Hargeysa
 

 


Ilaa hada ma uu sheegin halka uu u digarogtay balse warkani waxa uu soo gunaanaday tuhuno baryahanba laga qabay doorkiisa siyaasadeed halka uu ku danbaynayo

 



Waaheen