Dr
Gaboose Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka
Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay
ka dib markii uu beryahan socdaal ugu maqnaa wadanka maraykanka.
Dr Gaboose oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa
halkaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ay horkacayeen
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed
Siilaanyo,Xildhibaano,Hogaanka ururka Qaran,iyo Dadweyne kale.
Dr Gaboose oo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee Garoonka
wuxuu sheegay in mudadii uu ku sugnaa dalka maraykanka uu halkaa
kulamo kula yeeshay taageerayaasha ururka qaran iyo kulmiye isagoo
uga waramay heshiiskii ay isla gaadheen xisbiga kulmiye iyo
marxaladaha wadanku marayo.
Dr Gaboose wuxuu sheegay inuu la kulmay masuulyiin ka tirsan
Wasaarada Arimaha Dibeda ee Maraykanka kuwaas oo uu yidhi waxan ugu
tegay inaan uga mahad celiyo taageeradii ay noo fidiyeen xiligii
lana xidhay iyo fursadii ay Jenday Ferzer nagula kulantay ayuu yidhi
Dr Gaboose.
Dr Gaboose ayaa si adag u difaacay mawqifka ay kula midoobeen
xisbiga kulmiye mar su’aal laga weydiiyey in uu olole dhaqaale
ururin ah kulmiye uga wadey maraykanka wuxuna ku nuux nuuxsaday inay
taageero buuxda la garab istaagayaan xisbiga kulmiye sidii uu guul
uga soo hoyn lahaa doorashada madaxtooyada.
Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdil
Qaadir oo isaguna isla maanta dalka ku soo noqday ayaa sheegay in
socdaalkii ay ku tageen dalka Kenya uu ahaa mid midho dhal ah oo
faa’iido weyn ay uga soo hoyatay Somaliland iyo Xisbiga
Kulmiyeba,Wuxuna sheegay in booqashadaa tafaasiisheda uu hore uga
waramay Gudoomiyaha Xisbiga oo isaga ka soo horeeyay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed
Maxa’ud[Siilanyo] oo saxaafadu wax ka weydiisey mowqifkooda ku aadan
kalsoonida ay ku qabaan xubnaha komishanka doorashooyinka ayaa
sheegay in xisbigoodu kalsooni buuxda ku qabo xil gudashada xubnaha
komishanka isla markaana aanay marnaba wax shaki ah ka muujin
dhex-dhexaadnimadooda.
Faysal Cabdilaahi.
Hormoodnews
|