Dr Gaboose Oo Eedo Kulul U Jeediyey Xukuumadda Iyo Komishanka Doorashooyinka

 

 


 


Guddoomiyaha Urur siyaasadeed UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa..................


Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha Urur siyaasadeed UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ay aa ka hadlaydoorashadii Golaha deegaanka oo uu sheegay in ilaa hada uu madmadaw badani ku jiro natiijadeeda.

Shirkani jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ay ku wehelinayeen Gudoomiye ku xigeenka Koowaad iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad kuwaasi oo dhaliilay xukuumada iyo K omishanka iyo maamulka doorashada gacanta ku hayey.

Dr Gaboose ayaa dhaliilo Cuslus u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed arimaahsi ka hadlaaya uu yidhi “Haddii madaxweynuhu guul u haysto guul darrada qaranka, haddiii fariid nimadu noqotay foolxumadii maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isku diyaarinayso damaashaadka iyo dabaal dega Kulmiye, anaguna waxaanu xabaalaha malko dur duro naxa sh ugu sidnaa maydkii dimuqraadiyada Somaliland, halkaa raga ku aasan xoriyad ayaa loo laayey maanta dimuqraadiyadu meesha ay aadayso waa maydkeedii, anagu marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timid ee uu komishanku ku dhawaaqay, hase yeeshee markaanu xeerinay wax badan xogogaal dhab ahna u nahay duruufaha adag ee ku gedaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aanta ba’an, tahriibka, sixir bararka, musuqmaaasuqa iyo wixii la mid ah, ka dib markaanu la tashanay wax garadka iyo taageerayaasha ururka Umadda, waxaanu go’aansanay inaanu dhawrno shacbiyaga jilicsan anaga oo u tudhayna waxaanu dartood u dugsanaynaa, anaga oo ogsoon in maalmo badan dambeeyaan taariikhduna is qori doonto.”

Sidoo kale Dr Gaboose waxa uu ka hadlay hanaankii doorashada iyo habmaamulkii dadkii ga canta ku hayeye waxaana markale isaga oo arimahaasi ka hadlaaya uu yidhi “Doorashadan doorashadan mugdiga weyni ku gedaaman yahay waxa ugu weyn daah furnaan la’aanta, m arka ugu horeysa shacbiga waxa laga laaley tira koobkii markaa waxa ay noqotay doora sho aan la garanayn dadka codaynayaa inta ay le’eg yihiin, taasi oo keentay in xubintii mushari x iinta Hargeysa ay toban kun oo cod cago cagaynayso, waxa kale oo ka mid ah daah furna an la’aanta markii la soo dajiyey waraaqaha lagu codaynayo in aan cid og jirin waraaqaha la keenay baaxadoodu inta ay le’eg tahay, waxa kale oo daah la’aanta ka mid ah shirkadaha la siiyey qandaraaska ee rarayey waraaqaha ee rarayey sanaadiiqda ee waxaasi oo dhan hawsha komishanka qabanayey, iyagana in mugdi ku gedaaman yahay oo la tuhunsan yahay inay meelo gaar ah ay lugta la galayso, waxa kale oo jirta dadku marka ay codeeyaan sida sharcigu qabo sanduuqa in goobta lagu tiriyo, ka dibna urur walba la siiyo waraaq loo yaqaano waraaqda natiijada goobta, taas oo daah furaysa in wax muran ah oo dambe aanu meesha iman, waraaqdaasi oo ururada Komishanku u diideen oo 7% in ka yar ururada la siiyey anaga oo ururo ah aananu ogayn waxa aanu haysano ee sanaaduuqda noogu jira”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Daah furnaantaasi ilaa tiradii ugu dam baysay ee la tirinayey ayaa sidaa u socotay oo marka xarumaha la keenay waxa la odhana yaa waraaq ay iyagu kaligood haystaan oo aanad adigu arag inay inta ay akhriyaan yidha ahdaan ururkaasi intaasi ayuu helay ee ku qanac ama ha ku qancin, waxaasi oo dhibaato ah ee ka dhacay hadana ururka UMADDU waxa uu ku caan baxay in bulshada reer Somaliland ka sagtu dhawaaqa xaqa ah ee dhibaatooyinka maamul ee jira, taasi oo dhaxalsiisay in xukuumaddu cadaawad gaar ah u qaado, kuna hamido sidii looga reebi lahaa sadexda xisbi qaran ee soo baxaya, waxaanu golaha guurtida madax dhaqameedka iyo wax garadka Somaliland u sheegaynaa in la leexiyey ujeedadii laga lahaaa doorashadan, taasi oo aanu u aanayno Komishanka qaranka iyo xukuumadda maanta jirta oo ku xad gudbay labaduba milgaha iyo xeerarka doorasho xor oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka, waxaananu ka codsanaynaa inay arintan soo dhex galaan lana yimaadaan xal badbaado qaran ah sidii caadadu inoo ahaan jirtay ee aynu ku soo caano maalnay”.
 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland