Dr Gaboose Oo Sheegay In Haddii Doorasho Dalka Ka Qabso omi-weydo Ay Dhiiri-galinayso Kursi Jacayl Iyo Kalitalisnimo

 

 

 


Madaxweyne maaha in Komishanka Qaranku Dhibane u noqdo oo ku dhexwareego xafiisyada Nairob......


Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in haddii ay dalka ka qabsoomi-weydo Doorashada Goleyaasha Deegaanku ay dhiiri-galinayso Kursi Jacayl iyo Kalitalisnimo, waxaanu tilmaamay in Shacabka reer Somaliland ay w aayo-arag u yihiin waxyaabaha laga dhaxlay.

Dr Gaboose waxa kale oo uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku uu dhibane u noqday, is la markaana uu dhex-wareegayo Xafiisyada Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageerada Do orashada ee Nairobi, Madaxtooyada iyo Golayaasha Qaranka, waxaanu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu ka soo saaaray Warsaxafadeed u dhignaa sidan:-

“Doorashada dowladaha hoose waa tan ugu muhiimsan uguna baaxad weyn doorashooyinka dalka ka dhaca. Waa seeska Dimuqraadiyadda Somaliland. Fursadna u ah muwaadin kasta oo hiigsanaya himiladiisa siyaasadeed. Waxaa doorashadan ka abuurma xildhibaanada golayaash a deegaanka iyo saddexda Xisbi Qaran, waxayna gogol xaadh u tahay doorashada Madaxtoo yada.

Waxa nasiib-darro ah, in doorashadii dawladaha hoose ee ugu horeysey uguna danbeysey ay ka qabsoontay dalka 2002-dii (toban sano ka hor), taasoo laga dheehan karo inay muddo dhe er golayaasha deegaanku ku fadhiyaan, kuna maamulaan dalka sharci-darro. Waxay noqdeen aalad u nugul musuqmaasuqa iyo in looga taliyo Qasriga Madaxtooyada, taasoo ka saartay me esha madaxbanaanidoodii iyo la xisaabtankii dadweynaha. Sida caadada u noqotay doorashoo yinka Somaliland, kuwan iyo kuwii horeba, madaxda dalalka musuqmaasuqu aafeeyey, kalsooni na aan ku qabin shacbigoodu inay markale soo doortaan waxay cimri-dherer ka dhigtaan xaal ad abuur, dhaqaale la’aan, qabyo-tir sharci IWM.

Doorashada dawladaha hoose oo qabsoomi weydaa waxay sababaysaa in ta Baarlamaanku iyaduna dib u dhacdo, go-goldhigeeduna yahay in doorashada Madaxtooyada si ula kas ah loo qorsheeyey inay dib u dhacdo, taas oo dhibi jirtey Madaxweyne Siilaanyo waqtigii uu mucaar adka ahaa.

Komishanka Qaranku waa guddi farsamo oo derista xadka dhaqaale ee ku baxaya doorashad a, cayimana waqtiga ay suurta-gal tahay doorashadu, maamulana habsami u socodka hawl aha iyo inay garsoor ka noqdaan tartanka. Waxase xilka iyo waajibka Dastuuriga ahi ka saar an yahay MADAXWEYNAHA inuu sugo qabsoomidda doorashooyinka dalka xilligii loo qorsheey ey, keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirona shuruucda doorashooyinka, diyaariyona jawi nabadgelyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan si xor ah oo xalaal ah.

Nidaamka doorashooyinka Dimuqraadiyadda ku salaysan waxa doortey bulshada reer Soma liland, una igmaday madaxdooda inay taabo geliyaan. Masiirka intaa le’egna ma ahayn inuu noqdo mid ku suurta-geli kara oo keliya gacan shisheeye. Deeqbixiyayaashu iyagoo ku mahad san caawimadooda, hadana waxay ahayd masuuliyad damiirku ina farayo in sannadba sanna dka ka danbeeya ay yaraato baahida loo qabo ku tiirsanaanta deeqdooda.

Doorashooyinka oo qabsoomiwaayaa waxay dhiirigelinayaan kursi jacayl iyo kelitalisnimo ay bulshada reer Somaliland waaya arag u tahay waxay dhaxalsiisay.

Waxan ogsoonahay in dedaal dheer oo ay komishanku u galeen sidii ay u suurtagelin lahaaye en in doorshadu dhacdo dabayaaqada sannadkan, ay kala kulmeen caqabado farsamo iyo culays dhaqaale oo kaga yimid tirada ururada iyo asxaabta oo aad u badan iyo isbedelka habka doorashada ee loo guurey liiska furan oo ah in musharax kastaaba gaarkiisa u tartamo.

Daraasad sugan ka dib, waxay komishanku ku qanceen inaanay suurtagal ahayn in boqolaal musharax astaamohooda laysugu keeni karo hal waraaq codbixin oo keli ah, si fiicanna loo arki karin, sidaa awgeed waxay komishanku ku taliyeen si doorashadu inoogu qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu bedelo number, taas oo ay labada Gole ee sharci dejitu ku diideen iyakoo aan qadarin inay dhegeystaan Gudigii Komishanka ee farsamo ahaan hawshan qaabilsanaa.

Inkastoo aan la dafiri karin ciladaha ku gadaaman labada qaab mid kastaba, hadana waxa ina horyaal doorasho iyo doorasho la’aan 2012-ka.
Mudane Madaxweyne, maaha in Komishanka Qaranku Dhibane u noqdo oo ku dhexwareego xafiisyada Nairobi, Madaxtooyada iyo kuwa Golayaasha Qaranka iyadoo ay tahay adiga waajib kaagii Qaran, dhirindhirinta dhammaan hawlaha suurto-gelinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto.

Mudane Madaxweyne, waxay bulshadu xog-ogaal u tahay muhiimadda gaarka ah ee aad siina ysid wadahadalka Somaliya iyo Sheikh Shariif, balse waxanu tuhunsannahay, iskabadaa ded aale, inaad dooneyso in doorashadu dib u dhacdo, si aad maalmo sharci-darro ah mustaqbalka u sii joogtid. Waxana markhaati ka noqon doona, adigoo adeegsanaya awoodaada Dastuuriga ah, inaad wax-ka-bedel ku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu u xanibantahay, taasoo si degdega lagaaga sugayo inaad u soo af-jartid, si jedwalka doorasha da ee komishanku qorsheeyeen uu u noqdo mid midho dhala. waxaad dhawr jeer iclaamisay inay doorashada dowladaha hoose dhacayso sannadkan 2012-ka gudihiisa, umadduna waxay kaa sugeysaa inaad ka dhabaysid.

Waxay bulshadu xasuusantahay ka soo guryo-noqoshadaadii Dubai, inaad heshiiskii idin dhex maray adiga iyo Sheikh Shariif kaga sharci gareysey labada aqal mudo saacado gudohood ah, mudnaanta ay kuu lahayd awgeed”
 


Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Haashim555@yahoo.com